Soo galootiga cunsuriyiinta ah

Nin lagu magacaabo Yariv Helldén oo ka soo jeeda bariga dhexe oo Sweden soo galay 11 sano ka hor ayaa mowduuc dheer waxa uu ku qoray wargeyska Newsmill.se, isagoo ku doodaya in la joojiyo soo galootiga isla markaana la caawiyo kuwa wadanka ku sugan. Aragtida ninkaan ayaa waxay la midtahay mida xisbiga cunsuriga ah ee SD balse arinta yaabka leh ayaa waxay tahay in ninkaan uu soo galooti yahay, oo isaga xitaa waqti aan sidaas u sii dheereyn ka hor uu wadanka soo galay.

Waxa uu ku doodayaa in fikrada dhaqamada kala duwan ee Sweden in ay fashilantahay taasoo macnaheeda laga wado in dadku ay isku dhaqan/diin qaataan. Hadaba waxaan la yaabahay ninkaan ma qaatay dhaqanka Sweden? Waxaan maqli jirey shimbiri maalinbey dab qaaday maalintiina gurigii hooyadeed ayay ku gubtay. Ninkaan waxaa u maleysaa in maalintii uu afkiisa kala furay oo isaga isku dilay.

Waloow la dhihi karo arimo badan oo uu kaga hadlay mowduuciisa waa xaqiiqooyin jira, sida shaqo la’aanta haysata soo galootiga, kala qeyb sanaanta bulshada Sweden iyo in soo galooti badan ay israadsadaan oo xaafado gaar ah ay saldhig ka dhigtaan ayay hadana la yaab tahay in uu ku hadlo afka SD. Markaan u fiirsaday fikrada ninkaan ayay iila muuqataa in uu runtii u danleeyahay Muslimiinta ama qaasatan Soomaalida mararka uu ka hadlaayay dad aan dooneyn in ay dhaqanka Sweden qaataan, ama dad aan aqoon lahayn oo horey shaqo la’aan u ahaa.

Waqtii doorashadii hore ayay ahayd markii dad ka mid ah soo galootiga ay u codeeyeen xisbgia cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna dadkaas oo ay ka mid ahaayeen ciraaqiyiinta. Haddii ay Sweden yareyneyso soo galootiga iyo haddii ay siyaadineyso waa arin u taala dadka wadanka iska leh balse ma ahan in adigoo shalay wadanka soo galay aad u yeeriso waxay sameynayaan. Anigu waxaan ku bilaabi lahaa in ninkaan wadanka laga saaro oo la tuso inta ay le’egtahay qiimaha uu leeyahay.

Ma ahan ninkaan oo keliya dadka fikirkaan qabo, waxaa jira Soomaali la mid ah isaga, waxaa jira xitaa Soomaali basaasa kuwa kale isla markaana dhibaato ku ah Muslimiinta Sweden oo intii ay isleeyihiin aqbalaad ka hela bulshada Sweden isku daya in ay burburiyaan guryahooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Hanni says:

    soomalidu been way sheegtaa laakiin been ma maahmahdo ayaan maqlay taasna waa xaqiiqo /waxaan maqli jiray doqonta xarigihi lagu xirixiri lahaa xusullada ayay ku sidataa walee ajaanib badan ayaan aqoon maslaxadooda laakiin kuwa muslin naceybka ku jirro ilaahay ha soo hadeyo aan ugu ducayno uun intuu haddal xun naga tagi lahaa cid wax naga qaadi kartaa ma jirto wax kastaana qadarta illaahay unbay ku sugnaataa ammintu billaahi wamallaaikatihi wa kuttubihi wa russulihi wa bilyoowmil aakhir. god ha odoin haddaad qoddana ha dheereyn ku dhici doontidaa lama ogee.waxaad maqli doontiin asagoo bari la leeyahay waa la masaafuriyay hadayba muslin naceyb ku jirto tusaale waxaa noo ah aaway ciraqiyiinti la safnaa SD allaahu akbar. wabilaahi tawfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. Abuxudayfah { Hareeri Dheere } says:

    Soomaalidu waxay horay ugu maah maahday / Dameerkii Fartdaha la Mirta/ la daaqa farduu is moodaa .

    Ninkaan iyo kuwa ku aragtidaa ee Qaxootiga ah , ama ha u codeeyaan SD ama ha iska daayaan , hubaal waxaa ah in la israacinaa iyaga iyo Qaxootiga kale ee ay Cunsuriyaynayaan .

    Balse Soomaaliyeey , dhabtana haddii laga hadlo , qarbaan ka laalaadnaa , Sweden Soomaalidana way ku caddibantahay , aan dadaalno waxbarano , ilmaheena iskoolada ka caawino .

    Waalid aan Luuqadii Aqoon sidoo ilmaha wax uga caawiyaa ?

    Waxaan u jeedaa waalidka ka wahsada barashada luuqada.

    Mahadsanidiin .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  3. hamdi says:

    asc runtii wa arin layaabadan leh qoralkan wa qoral cajiba waxan qaba ninkani inuba afkale kuhadlayo ooxaga jeebka kahadlayo swedan intu dono hajogo wuxuu kuyahay ajinabi dadbadan oo aragtidas qabana anigu wan arka inla joojiyo qaxotiga warid miskina intad garab istagilahyden miyad sas ledin ban ku iri idinka aya kufican sharciga inta laydinkaqado inlaydin ku cesho xabadii wa u caqli xumo qof mangab ah waye somalida aya kumah mahda qofna qawlkisa ayu hadla qorina qiciisa ayu baxa marka layab waye qof asaga wadankan lacawiyay laso dhaweyay oo kasoo horjensanaya qof lamida asaga in lacawiyo wa dafiic wana xaasid xasidna swedan iyo wadanku u dhashay tona ma anfacayo qofka mani adamka ah oo damirka leh oo oo daren adane nimo kujiro wuu danqan diinkasta ha haysto dhibato asagoy hayso wadka naxaysa marka waxan leyahay dadkas oo kusoo gaba gabagabyn raxariis lawayal danaystayal damiir lawayal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. adi says:

    WAX ISKA CAADI AH OO MARKASTA DHACA WAAYO SOMALIDU WAXAY TIRAAHDA DAMEERTI FARDO LA DAAQDA BARKEEED BAY ISMOODA SWEDEN WAXA KU NOOL BULSHOOYIN KALA DUWAN LKN KUWA BERIGA DHEXE KA YIMI WAXAY MARKASTA ISKU DAYAAN INAY SAMEYAN WAX LAGA YAQYAQSADO OO AY IS LEEYIHIN WAXAD UGU DHAWAANAYSAAN DADKA DALKA ISKA LEH LKN MA OGA WADANKAAN QOFKU WAA FRIT VÄLJA WUXU RABO AYUU SAMEYN KARA DIINTAAD RABTO AYAAD QAADAN KARTA HADI AADAN DADKA KU DHIBATAYNAYN
    LKN HADAAN SOMALI NAHAY WAXAN IDINSHEEGI LAHAA WADANKA INAAN KA SAMAYSANO FÖRENING AAN ANAGOO DHAN KU MIDAYSANHAY OO KA TARJUNTA RABITAANKEEENA IYO BAAHIDEENA MAHADSANIDIIN DADKA AQRISTA FIKIRKAYGA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. jimale says:

    Dameerta mida ufoolxun ayaa udhuuso qurmoon, kan cunsuriga asagoo kudhibana bariga dhexe, meeshana wax micna leh uu hada kuleyahay oo qoxooti soo qaxay aan eheyn majirto, marka diqsigii duulduulkiisu bato fuudkulul ayuu kudhacaa, dadkan asagoo qadyaan laga taagan yahay, ayuu alaababadooda markuu ku garaco wax uu kasoo helo, jimcaale ii gusoo qor somaliska .com ganbar gaban ayaan ugu fadhiya, dadkan waa nasoo dhaweyeyn waxa xana ugu noolnahay dad udhashay dadka xiligaan wax dhib ah nabamaheysto, musqataqbal kana alaahu aclam, teda kale soomaliyeyd wax an kabarano dalkan borka iyo habacsanaanta naheysa aan iska jafno mahad celineyna.
    ,ahasanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. maxamed says:

    wad salaamntihin walaalha lasocda qabta somaliska sidaad ogtiihinba sweden wey kacsantahay sanadken anigo ah maxamed waxa manta mesha ku qoran ma quseyso waxan ka hadlayo laakiin waxa iga keenay xanaq aan u qabo sweden manta xaskii ayaa laiga siiyay diidmo hanagu solaban ha markii horna labo diidmo ee bal somalida walaalha ee musliminta isoduceya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. carabey says:

    waxaa fiicnaa lahayd in la celiyo markuu ku doodo maxaa dhacayna la yiraa adigaa ku taliyay in sidaan layeelo ajaanibta adigaana u horeeya waayo ajaanib ayaad tahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0