Soo galootiga oo camiray Eskilstuna

Magaalada Eskilstuna ee gobolka Södermanland ayaa sanadihii u dambeeyay qaadatay soo galootigii ugu badnaa ee yimaada gobolka Södermanland sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray maamulka Gobolka. Ilaa sanadkii 2005-2011 ayaa magaalada Eskilstuna waxaa soo degay soo galooti lagu qiyaasay ka badan 2800 qof.

Dadkaan soo degay magaalada Eskilstuna ayaa walwal ku abuuray maamulka gobolka. “Waa xaalad aan u malaynayo in ay xumaan keeni karto” ayay tiri Lucie Riad oo maamulka gobolka u qaabilsan arimaha isdhexgalka. Sababta ay dadku u doorteen magaalada Eskilstuna ayaa lagu sheegay in ay tahay qaraabada oo ku nool iyo helitaanka guryaha oo fudud.

Maamulka gobolka ayaa jecel in soo galootigu ay si isku mid ah u degaan degmooyinka gobolka oo aysan hal magaalo dooran. Si arintaas loo gaaro ayaa waxay ku baaqeen in ay shir yeeshaan kamuunada gobolka oo la dajiyo qorshihii dadka loogu qeybin lahaa magaalooyinka.

Magaalada Eskilstuna ayaa qaasatan waxaa aad u camiray Soomaalida oo ku dooratay guryaha oo ka fudud iyo in aysan jirin baraatiik laysku diro sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadka halkaasi u guuray. Eskilstuna ayaa ah magaalo ay aad ugu badanyihiin soo galootigu. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada laga soo sheegay dhibaatooyin xaga amaanka ah iyadoo 3 habeen raas ay ka dhacday magaalada oo dad lagu dhaawacay. Booliska ayaa sheegay in arintaas ay ka dambeeyeen gooxo dambiilayaal ah oo bartilmaameed iska dhigtay.

Magaalooyinka kale ee soo galootigu sida fiican u dageen ayaa waxaa ka mid ah  Katrineholm, Flen iyo Vingåker oo ka wada tirsan gobolka Södermanland.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Xamza says:

    Asc/dhaman qasatan jimcale, sxb sanadkan o dhan war farxad leh lagama hayo e iskuday in ad mowduc farxadleh kaso ururiso gamunada ama lanta socdalka plz wafikir keyga igamana ah inan ku atagayo hadan waxqalday rali haleyga ahado

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. MR NICE MAN says:

    su,aal jimcaale sxb xilimaad sverige timi? run ahaantii wax wayn baa khaldan xaga suxufinimada waxaan kugula talin lahaa bro inaad kurs fara badan oo saxafada ah qadatid si aad wax dadku ku farxi karaan ama xiiso leh aad usoo qortid inta badan negative ayaad ka hadashaa kaliyata wax positive ah adoo qoraya ma jirto, iga raali ahow hadaan meel ka dhacay lakiin sidan wax ka badal.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. iyada says:

    abowe wiilkan runtiis waye wax ka badal sidaneeto.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. Muslim says:

    Wallalow wax dadka farxad geliya sheek ee ka daa niyad jabka ad bahineyso jzklh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. omar says:

    Asc dhamantiina iyo jimaacalaba walalayaal jimcaale waa uu dadaalay howl wayna wuu inoo hayaa hala sabro insha allaah rabiga ayaa ka sugeynaa war aan ku faraxno waxan nahey umad dhiban oo lagu xadgudbay wax uusan rabiga xukminina lama helayo marka walalkeen aan ka dayno eedaha aniga caruur waa ay iga maqan yihiin illaah baana ka sugeynaa wixii qeyr inoogu jiro jimcaalana waxan ka codsanayaa hadii uu waqti u haayo in uu waaxda socdaalka uu xiriir la sameeyo noona weydiiyo julydii wa lagaarayee maxa dhacey wax yimidna ma jiraan wad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. omar says:

    Degmooyinka oo dalbanaya lacag dheeri ah oo ku aadan qoysaska la keenayo
    La daabacay: kl 12:25 , Somaliska — Somali 1 gillar
    Qormo lagu soo daabacay bogga dooda ee wargeyska DN oo ay qoreen ilaa iyo 12 maamulayaal ee degmooyinka dalka waxay ku sheegeen in dowlada looga baahan yahay in ay qaadato mas’uuliyada kaga aadan qoyaysaska la mideynayo ee imaana degmooyinka dalka iyada oo qoraalkan lagu sheegay in xukuumada ay lacag fara badan siiso degmooyinka ay soo degayaan reeraha la mideynaya.

    Dowlada iyo xisbiga deegaanka ee Miljöpartiet ayaa ku heshiiyay siyaasada soo galootiga laakiin degmooyinka ayaa ku doodaya in aysan ku filneen lacagta dowlada ay u qoondeysay reeraha la mideynayo iyada oo degmooyinka ay sheegayaan in ay jirto khatar ah in dadka la mideynayo ay dibada kaga dhacaan qorshaha lacagta la yiraahdo etableringsreformen oo ah lacag la siiyo muddo labo sano dadka ku cusub dalka labada sano ee ugu horreysa inta ay kala qabsanayaan dalka baranaayaana afka Iswidhishka, sida lagu sheegay qormada ay maanta soo bandhigeen ururka ay ku mideysan yihiin maamulada degmooyinka.

    Soomalida ayaa ka mid ah qoysaska rajeynaya in eheladooda ay yimaadaan dalka Iswiidhan si ay hal meel ugu wada noolaadaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. runta ha la isku sheego says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    soomaaliya wax farxad leh oo aan jirin xagee la idiinka keenayaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    bal aqriya warkeysyada ama joornaalada ku hadla afsoomaliya inta badan waxay ka hadlaan, dadbaa dhintay, qaarba amiino la kacday, ciidamo israsaaseeyay, dowlad isheysatasa, baarlamaan shaqeyn waayay, gabdho lakufsaday. burcad badeen. bad wasaq lagu daadiyay. afrikaan dhulkii qaatay.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk news fiican xagee la idiinka keenayaa meesha ad ka timidee ayaysanba fiicnaan oolin.

    Jimcaale sxb waxaa kugula talin lahaa in aad wado wax ushegitaanka waadna kusaxan tahay RA’YIGAYGA.

    UMAD aanan runta isku sheegin goormey saxmeysaa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. hagardiid says:

    waarun arinkaas sabatoo ah waxadagay asaxab badan oon shaci iskalaqadana sundsvall waa waxlaal yabo somali iyo tigree sifiican ayey udageen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. sucaad says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk somaliyeey war farxadleh ka helaysaan meshan nimadnaba dabaan ka shidnaye intan dhulkenii soo roganay waxaa layidhi ninkad kabo ka tolonayso kabihiisaa la egaa markaa JIMACALE waxba haka sheegina masuuliyad waynbuu inoo hayaye bilow adanku ladnanta ma xejiyane

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Stockholm says:

    Dad Maseyrsan iyo dad xaasidnimo dilatay warkooda laguma jiro. War farxadleh iyo war murugo leh kala barta marka hore. Fakta ama warbixin ayaa lasoo daabacay ee tahniyad ama tacsi lama soo daabicin.
    Xumaana sidaa looma raadiyo ee waa idinka doqonimo ee intaa dib caqligiina u kaashataan Jimcale kun jeer u mahadceliya,hadaa ka maseyrsantihiina ”Maseyrku” waa jiree Allaha idin caafiyo, goormaa timid iyo hadalada raqiiskaa meeshaan haku soo qorinina hadii xishood idinku danbeeyo.

    Boss Jimcale ka raali ahow dad wax ma garato ah hadalkooda, waa dad Jimcale aa wax ka sheegay magac ku raadinaayee.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. yaasir says:

    asc sxb jimaale malaha soomalida la sheekaysato ayuu warkooda ka dhigtaa mowluuc sababbtoo ah waxa uu eegaa oo kliya melaha ay somalida u guur guurto kliya sababtoo ah sogalootiga kle war kama haayo. wan ku raacsanahy mr nice man fikradiisa ah badi karsooyinka . sandadan waxaa soo baxaya somali badan oo wariyayaal ah oo haysan wax qibrad ah xaga saxafiyada …..mida kle waxa qof walba uu uxor u yhy in uu uguuri karo meesha uu doono. taasi malasocotaa bro.. hadalkayga aan ku soo gabagabeeyo ka ku noqon weerar somalida qof waliba u daa aa howshiisa maxaa yeelay ma ahn wax ah fidno waxa ay sameenayaan ama sharaf ku dhac wax ku ah jiritaanka umada soomaliyeed …. waa ramadaan hadii aad qalad ii fahanto raali noqda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Somali says:

    Asc, Soomaalay walaalayaal runta Alle kama xishoodo ruuxa muslimka ahna runta in uu ka dhawaajiyaa waa xakh, hadalkayga gulucdiisa= wadanka waxaan joogaa sanad iyo bar!!! Waan shaqeeyaa gaabta aan ka shaqeeyana waqtiga pause ka lagalo ee shaqalahu sheekaystaan, dhamaan way ii waydiiyaan su’aalla igu adkaada in aan ka jawaabo oo negative iyo u badan oo laleeyahay somalidu maay saas u yaleen, tusale? somalida maxaa ugu wacan bashaqeytanimada? Somalida maxaa ugu wacan cunsurinimada in ay bulshada kale dhax gali waayaan? somalida maxaa ugu wacan waxayna ku dhaqmayn in ay yiraahdaan dadka kale saas yeela? masoo koobi karo, waxaase layku raacay ajaaniib badan oo arabtu ugu horayso in aan kawanaagsanahay waxna maxadno waxna badilno waa wanaageena. Alle brothers hadalkayga waxaan ku soo gabagabeynayaa shaqsi kasta oo gurbaha jooga wuxuu falo sax iyo wanaagba somali ayaa fashay!!!!!!! jimcale waa dadaalay alle hadaayo. wc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Somali says:

    Sax iyo qalad wixii shaqsi falo somali ayaa fashay ee halagu dadaalo wanaaga si laydiinku soo qoro wax wanaagsan

    waasheegaynaa somalida dadbadan ayay ka dhaqan wanaagsan tahay
    Tuugada, dhaca, boogka, balwada, beenta, dilka ama dagaalka waalooga badan yahay somali waa ku wanagsan yihiin

    balse waa mashaqeystayaal cunsuri ah oo aan daka dhex galin
    wabilaahi tawfii

    alle runta kama xishoodo jimcaale runta ku dadal waad wanaagsan tahaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. liban västergatan says:

    waa layaqaan waxa somalida u badiyey magaalada eskilstuna 4sano e u denbaysay waxay noqotay meel fisqi ah oo ilaah kacabsigu ku yar yahay sababtoo ah waxaa kusoo batay dumarka jirkooda ka ganacsada oo is wada yaqaana niman aan ilaah ka baqeyn aniga waxaan sooo degay magalada 9sano ka hor waana yaabnahay inteenii hore oo magaalada deganaan jirtay waxaa intaas dheer waa isku wacayaan oo waxay leeyihiin magaaladaas waa sidaas oo waa shidan tahay dadkale oo wanaagsan waa degan yihiin masajido waa jiraan lkn dadkuw waa ku yar yahay waa lays yaqaaan ee ceebteena alaha asturo waana in laga dhiidhiyaa wax yaalaha qaarkood hadaan nahay somali

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. liban västergatan says:

    aniaga ilaah ayaan ka baqayaa ee cidna kama baqaayo sababtaas ayaan magacayga ugu soo qoray meesha hadaad is weydiiso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. warsan says:

    marka hore scw walalayaal hadan nahay somalida intii dhulkeenu laga qaxay farxad inaga dheer hadad carabaha jogan iyo wadamada galada markaa waxad ka hadashan maxaa inoo tala ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Haabar allaha naga hayo says:

    Somali hadad ka amuusto kumee ayay ku leeyihiin hadad dhax hadashana naga aamuus bay ku leeyihiin… jimaacale boqol mar buu idin seegay wararka waxan ka keena buu idin yidhi webabka swedashka .. dee mida kale haddan qalaldankena nalo sheegin see isku sixi karanaa ??

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0