Soo galootiga oo helaya shaqo xilliyeed

Iyadoo uu hada bilaabanayo xiliga barafka ayaa magaalooyinka ku yaala goobaha loo dalxiis tago xiliga jiilaalka waxaa ka soo ifbaxaya fursado shaqo oo ay helayaan dadka soo galootiga ah. Kamuunka Malung-Sälen oo ku yaala xuduuda Norway ayaa ka mid ah goobaha ay ka furmayaan fursadaha shaqada inta lagu jiro xiliga barafka.

Malung-Sälen ayaa ka mid ah goobaha Sweden loogu dalxiiska badanyahay xiliga barafka iyadoo kumanaan qof oo ka socda daafadaha Sweden iyo caalamka ay halkaasi u tagaan si ay ugu damaashaadaan barafka. Hoteelada iyo goobaha laga cunteeyo ayaa waxaa ka furmaya fursado shaqo oo balaraan.

Abdinaasir Abdirashid oo ka mid ah shaqaalaha Arbetsförmedlingen-ka iyo komuunka Malung-Sälen ayaa ii sheegay in hada ay shaqo bilaabayaan qaar ka mid ah soo galootiga ka soo jeeda Somalia, Eritrea, Ethiopia iyo Tunisa- Iyadoo wada shaqayn dhexmartay shirkadaha shaqada iyo Arbetsförmedlingen lagu dhameeyay in tiro soo galooti ah ay goobaha dalxiiska ka shaqeeyaan mudo 6 bilood ah. Dadka shaqaynaya ayaa la siinayaa tababar gaaban oo lagu barayo hawsha ay qabanayaan.

Kulan ay qaateen shirkadaha shaqada iyo soo galootiga ayaa lagu lafo guray hawsha nuuca ay noqon doonto, shuruudaha iyo mushaarka la bixin doono. Shaqooyinkaan ayaa la sheegay in ay u badanyihiin kuwa xamaalka iyo shaqada maqaayada iyo hoteelada.

Soomaalida qaar ayaa dhibaato ku qaba shaqooyinka maqaayada iyadoo ay dhacday dhowr jeer in Soomaali shaqo laga siiyay maqaayado ay shaqadii diideen maadaama goobahaas lagu iibiyo qamriga iyo hilibka doofaarka. Hadaba in ay qaadan doonaan shaqooyinka Jiilaalka ee ka furmay goobaha la mid ka ah Malung-Sälen ayaa ah mid la arki doono.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. nimco2 says:

    oo meel kale ma jirto oo shaqo ka furmayso miyaa oo aan ahen xadka norwey ee barafka baden

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  2. Gabadh Sool says:

    doofar qadan mayo ilahayban risiq xalal ka sugayaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  3. gabar muqdisho says:

    asc doofaar iyo qansiir wax laga shaqeeyn karo ma ahaan balse illaaheey shaqo xalaal ah ha inoo keeno umada muslimka ah oo dhan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Diirshe says:

    FAANKA ISKA DHAAFA SHAQEYSTA MAQAAYADAHA QANSIIR KELIYA MA YAALO XALAAL BADAN BA TAAL NOQO QOF FUR FURAN HAB XELADEESAN UGA SIIBAN KARA QEBYA QAANSIIRKA IYO KHAMRIGA QEYBAHA KALE QAL QAALSO ADIGOO SHAQADA KU JIRA TAN BAAN KU FIICNAHAY OON QABAN DHEH SIDA DISKARE WEELAL DHAQIDA DIYAARINTA ANSALAATADA DIYAARINTA MAACUUNTA MAQAAYADA NADIIFINTA MIISASKA IYO HALL-KA PLSS INAAD SHAQEESATO BAA KA QIIMO BADAN CEYR QAADASHO MALAAYIIN JEER NOLOSHAADA EE SHAQEESO CULIMADA WAXAY DHAHEEN GOOBTA AAD KA SHAQEENAYSO HADAY XALAASHA BADAN TAHAY WAAD KA SHAQEEN KARTAA INTA BADAN MAQAAYADAHA IYO DUKAAMADA LA IIBIYO WAXAA BADAN XALAASHA NOQO DUKAAN KA SHAQEEYE NOQO MAQAAYAD KA SHAQEEYE NOQO QOF KU FIICAN SUUQA SHAQADA HALUGUU ARKO CANSHUUR BIXIYE SHARAF IYO QIIME KA LEH DALKAN

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1