Soo galootiga oo isaga soo qaxay waqooyiga Sweden

10

Siyaasada dowlada Sweden ayaa mudo ahayd in dadka cusub lagu beero waqooyiga Sweden oo ah qeybta ugu weyn wadanka balse ay ku noolyihiin shacabka ugu yar. Laanta Socdaalka Sweden ayaa dadka magan galyo doonka ah inta badan u dirta waqooyiga iyo kuwa sharciga qaatay oo guryo laga siiyo tuulooyin yaryar oo ku yaala waqooyiga.

Hadaba siyaasadaas ayaa u muuqata mid fashil ah maadaama dadkii lagu beeray waqooyiga Sweden ay isaga soo carareen halkaasi. Tuulooyinka la geeyay soo galootiga ayaa waxaa ka mid ah tuulada Dorotea ee ka tirsan gobolka  Västerbotten ayaa sanadkii hore la geeyay 40 qof balse dadkaas inta badan waa isaga soo guureen halkaasi tirada yar ee ku hartay waxay hada qorsheynayaan in ay isaga guuraan iyaguna.

Soo galootiga ayaa sabab uga dhigay geediga in aysan asxaabtooda ku noolayn dhulkaasi, qaboowga oo saa’id ah iyo tuulooyinkaan oo ka fog magaalooyinka.

Shaqaalaha ka shaqeeya kamuunada yaryar ee ku yaala waqooyiga ayaa cambaareeyay Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) oo dadka cusub ku dhiiri galiya in ay u guuraan magaalooyinka waaweyn isla markaana lacagtooda siiya meelkasta oo ay degaan.

Tusaale ahaan shaqaalaha kamuunka Dorotea ayaa ka xun arintaas iyagoo jeclaan lahaa in ay dadka qasab ku haystaan si aysan shaqadooda meesha uga bixin.

Hadaba xagee lagu geeyay markii ugu horeysay? Xagee u soo guudhay? waa maxay sababta aad uga soo guudhay halkii lagu geeyay?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here