Soomaali diinta kiristaanka qaadatay oo lagu soo bandhigay Rinkeby

Xaafada Rinkeby ayaa shalay waxaa ka dhacday arin mucjiso ah ka dib markii Soomaali isku sheegeysa in ay yihiin masiixiyiin ay yimaadeen halkaa oo ay ka bilaabeen in ay dacwo u jeediyaan Soomaalida kale ee Muslimiinta ah.

Ragaan oo qaarkood ay idaacada Sverige la yeelatay wareysi ayaa sheegay in uu soo adeegsaday ilaahooda ay ku sheegeen in uu yahay Ciise Masiixi oo ay doonayaan in ay hordhigaan diinta ay qaateen walaalahooda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Ragaan ayaa meesha waxaa ku soo bandhigay kaniisada Rinkebykyrkan iyadoo la sheegay in goobta uu buuq badan ka dhacay oo Soomaalidu ay rumeysan waayeen waxa meesha ka dhacaya.

Mid ka mid ah dadka halkaa yimid oo magaciisa ku sheegay Cabdi Masiixi ayaa sheegay in ay ku socdeen “qorshe uu rabigooda ugu talagalay in ay Soomaalida hordhigaan diinta ay qaateen.”

Waa markii ugu horeysay ee Soomaali diinta ka baxday ay si bareer ah u horyimaadaan Soomaalida kale isla markaana ay is cadeeyaan. Arintaan ayaa xiisad abuurtay maadaama ay ragaan diinta ka bexeen isla markaana ay tahay bil Ramadaan oo barakeysan. Sababta arintaan loogu soo aadiyay bisha ramadaan ayaa la dhihi karaa mid daandaansi ah oo la doonayo in lagu kiciyo shucuurta Muslimiinta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

44 Responses

  1. Somali says:

    Walee soomali waxloo reebtay majiraan halkaas maalaga soo maray hadane, Waxaan ka yaabay dadka un kumashquulsan ineey dad baadiyeeyaan haday ahaan leheed diintooda ama dhaqankooda. Caruurtii iyo waalidkoodii ayaa leesku diray familo dhisnaa ayaa laburburiye hadane diinta meey mareesaa. Somali wa ineey katoostaa jiifka markaan waleesasoo galayee.

    Ilaahayow naga qabo cadawgeena iyo cadawga islaamkaba. kii shar nala doonaya gacan daran kuqabo oo kumashquuli naftoda. kuwii khair nala doonana waafaji….

    Walaalaha diintooda quruxda badan ee islaam iyo iimaankooda ku iibsaday aduunyo iyo lacag waxaa leenahay Allah hanii soo hanuuniyo.

    salamu calaykum

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 4

    • Gurxan says:

      Hidden due to low comment rating. Click here to see.

      Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 9

  2. xasan yar says:

    halaga ag fagaado dadkas iyo wiuxi la socdo shardooda allaha nadhaafiyo waxey raacen dhuuntooda waxa wado hunguri diindoodi ayey iibsaden

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 3

  3. Muma Nadira says:

    Asc, uqwatil muslimiin Ramadaanu Kariim Taqabalaah minaa Inshalah, Tan 2aad waxaan aad ugu xumahay kuwa laciifka ah ee diintooda ka baxay waxaan idiin danbeya halaag Ale ayaana diintiisa ilaalinaya cid tashwiish galin kartana malahan inshalah. Tan kale waxaan aaminsanahay iyo qofna la tashwiish galin karin soomaliyey duleelada laydinka soogalo idinkaa banaysateene iska daboola.

    Gabagabadii waxna kama qaadi karo dhawr qof dad badan oo iimaankooda adag yahay Iimanka iyo Islaamnimada Alaha nagu dilo hana nagu soo saaro inshalah.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 2

  4. macow says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

    • canab says:

      Asc dhamaan umadda soomaaliyeed waxa wax laga xumaado ah in laga helo soomalida dad ka baxay diintooda ma ahan markii ugu horeysay laakin waa wax qalbiga soomalida u daran uma dhutinayso soomaali am muslimka kaleba iyagaa qasaaray adduujn iyo aakhiraba waxay tegi doonaan meeshii ilahay ugu tala galay oo ahayd meesha ay shaqeystaan iyagoo weiba ka xun kuwa aan diinta haysan oo aan laga aqbali dooni towbad wey ka dambi badan yihikuwa ku dhashay diinta masiixiga ilaahay waxan ka baryeynaa inta hartay inay noo badbaadaan oo ilaahy iimaan sax ah siiyo tusana macaanida ay leedhay diintooda oo ah diinta keliya ee xaqa ah ilaahyna ha jebiyo cadowga muslimka meel walba uu joogo ilahayna ha naga saaro kuwa umada ku dhex qarsoon ee kula jira kaa jraha ah oo jecel inuu ku qaraabto magaca soomaalida waxna kaa qaadi mayan waxa ka badan inta ilahay iyo rasuulkiisa aqoonsatay ee maalin walba soo gelaya diinta . laakin walaalaheena soomaalida ahow ogaado waxas waxa sababay is gargaar la’aanta dhexdeena iyo inaynaan is xasuusin samaha iyo isku duubnaanta waxan hada dadka fikradaha qoraya uga jeedaa dad hadalada ay qorayaan ay ka muuqdaan in degaan ahaan uu u xagliyo dad waana arin xun taasi dhamaanteen soomali hadaan nahay qabiil walba degaan walba way ku jran kuwa xun ama ka baxay diinta ma wada ogaan karno marka ilahay ha laga cabsado qoonkii iyagu isku mashquula iyagan aya lagumashquulaa oo laga faai’iideytaa waxan ku leyhay walkeyga macow magiicisa ku soo koobay ilahay inuu isku keen xiro ka shaqee laakin ha ka shaqeyn magac soomaliyed inad gaarto oo wax u dhinto oo uu ka xumado walakaga beri aad isku magaca tihin ha u dhasho somaliland muqdisho ama puntland ninkii soomali kal goynayow adigaa daali soomaali wa soomalai magac kale ma jiro diin kale ma jirto sareedo hadday ku waarto haddii silac iyo dhib gaaro sammaanteed iyo xumaanteed soomaaliya soomaali ba leh ninkii magac kale qaata iyo ninkii si kale wax u fahmaba bal car ka fako magaca soomaali kii gaaloobay aa kaas wuu kula sheganaya marka yaan la is xumeyn ilaahy soomaali ha isku soo dumo ilahayna ha ka dhigo kuwa difaacda diintooda dalkooda danahoodana wada ilaashada aamiin yaa rabbi ilaahow bisha barakeysan ee ramadaan fadligeeda iyo kheyrkeeda nooga xijaab bel nagu soo fool leh waa bishii kal sooca ninkii bishan dhexdeeda diintii macanayd ka baxay wuu yaqaan meesah uu u socdo anga ilahay ha naga dhigo kuwa albaabada janada laga geliyo insha allah

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  5. faysal says:

    ASC, dadkan dhaqan dumis ayay damac sanyihiin ee walalayaal hala iska ilaaliyo, waa iga talo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  6. googooye says:

    hada ma baadil iyo gaal nimo loo noqonaa waa yaab ilaahow naga mooti oo nagabadbaadi oo nafta ku ciqaab oo wax ey somalida tusaale ka dhigtaan ka soo saar oo ilaahow wixi aad ku asiibtay muusa saamiri ku rid ilaahow dhoor shacabka islaamka ah ee somaliyeed ee ah wiil iyo waalid weyn iyo yar gabar iyo wiil oo inti islaam ah nabad geli oo u saqir umuurahooda oo qalbigooda isku keen ilaaho kuwa baahan quudi kuwa xanuunsan caafi oo kuwa wel welsan ka qaad adaa awood leh yaa raxmaan yaa raxiim

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  7. said says:

    asc kuwa diinta ka baxay shartooda islaamka allah ha khabto allah waxan anagoo islaamnimo qaalis ah nagu dilo diintuna waqooyi iyo konfur ma kala laha ee ninka sida xun u qoroyoow diciifnimada dadka kala dhexbax wa bilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. Ramadan Kariim says:

    Asc

    Amakaag iyo fajac aanba ka bixi weysanahay asxaabeey,,
    Warkaan amaan la hubin oo si duul duul ah uu kugu soo gaaray,, Aniga oo qoraaladada ku kalson in badan hadane kan ilama fadhiyo,,Warka oo dhagahena ku cusub miyaa mise in uuba na mari weysan yahay,, Hadii ay run tahay Ilaah ayan ka magan galeynaa,, Waxan ku talin lahaaba in aan warkooda lasoo qad qaadin meeshana laga saaro sida ugu macqulsan,, Mana ahan inaan xuriyadda saxaafadda kasoo hor jeedo lkn dadka iney maqlan maba u fiicno warkaan qaabdarada iyo fajaca badan leh,,,,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  9. pland says:

    asc dhamaan umada somaliyed inta muslimka ah waxan rabaa inaan wax yar idiinka sheego in maantay eysan layaabin somali baa gaalo noqday anigana hada iiguma horeyso ninkii turjumaaanka ii ahaa markii aan interviewga marayey wuxuu ahaa soomali kiristan ah wuxuuna sitay calaamada cristanka oo qoorta usurneyd marka ilaahey umadeena hanooso hanuuniyo waxana ugu wacan dadkoo kataga dikriga alle waxan usheegaya ninkan macow ee dadka waxkasheegaya meesha kala tag sunta dhibta ah aad umada kuwaraabineyso bahda somaliska ama jimcaale waxan kacodsanayaa in ey lasocdaan commentiga dadka wixii afxunna ay albaabada kaxirtaan mahadsanidin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Aden says:

    walaahi waa arin igu cusub hadii aad siinoolato malin walbo wax cusub ayaad arki cajiib ilahayow islanimo nagu dil adaa qaadir ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. xamdi sweden says:

    Inaa ilaahi wa inaa ileehi raajicuun
    Allahuma yaa Muqalibal quluub thabit quluubunaa calaa diinik
    Tawafanii Musliman Wa anta arxamu raaximiin
    Wa nu’minu Ana ciisa csw Cabduka wa Rasuulik
    Laa Ushriko biLaahi Shee’an
    Subxaanalaah subxaanalaah subxaanalaah
    waa in qof kasta uu Alle ka baryaa in uu naga xijaabo sharka dadkaas
    Alla xumaa oo xumaa dad islaam ku dhashay hadane ka baxay
    Alla yaa ka danbi culus
    lkin Alle waa danbi dhaaf badane
    hadii ee toobad keenaan wuu ka aqbalaa
    lkin walahi wa wax Alle laga magan galo sharka dadka diinteena islaamka ka baxay
    Mu’miniinta bes ayaa walalo ah
    dadkaas somalida ah oo diinta ka baxay walal iima ahan

    salaan iyo suurad nagama dhaxeeso

    ee kaliya Alle hasoo hanuuniyo
    ciise waa Adoon Alle iyo rasuulkiisa

    ma ahan Ilaah subxaanalaah
    waa ka xumahay inta aan gaalo soo islaamnin laheen in anagii aan raacnay ayaga
    waxba ee kula tagin dhaldhalaalka aduunka
    waxaa kuu danbeeyo Qabri mugdi badaneee

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  12. Abdi wahaab says:

    Asc ma ahan in aan la yaabno taa balse waa in aan ogaanaa in ay ka badan tahay waxa nagu soo foodleh marka maxaan ka sameeynaa caruurteena iyo aayaheen maxaa yeelat ragaas waxaa dhalay hooyo iyo aabe marka mahan in ay kuwa kuweena in ay ka baarisan yihiin ragan diinta ka baxay soomaaliyeey ogaada geeridii galbeed laga sheegaa in ay guntahaaga ku jirto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Cbdirisaaq cali xaashi says:

    waxaa layaab leh intaan gaalada islaamineynay ayay qaarkeen maan gaab ah ayay daaqada kala bexeeen oo gaalaysiiyeensi .waxaan idinleeyahay soomaaliyay halaga tasho. intaysan soo bixin tiro farabadan somali kiristan ah illah hana badbaadiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. ibrahim says:

    arintaas waxa la yaaba qof aan wax badan la socon dad yar oo gaalnimo qarsaneyey way ku jireen somali inkastoo wax la tirin karo lagu qiyaasayey ,waxana somalidu ahayd markii uu ingriis dhulka yimi 160 ka hor ee markabkii ugu horeyey yimi berbera in shuruudo diin iyo dhaqan adag ka muuqdo la kala qortay markabka korkiisa oo uu saarnaa gaashale hanter ,in la kala guursado daaye in naag ku dhasho ayaa la diiday ,waxana 160 sano la arkay laba family oo gaal ah sida ilma antooni iyo ilma maykal marayama xitaa odayda sida fiican u bartay af ingriisiga wey iskala weynaayeen in hadalkooda ay ku soo daraan erayo ingriisi ah qab ahaan ,dadkii sidaas ahaa waxa badalay qaar aan diin iyo dhaqan wanaagsan ka soo dhex toosin oo hamigooda qaadanaya iyadoo dunidu maata siiba yurub marekan jayekan ay diinta muslika si xawli ah ay u galayaan sidaas darteed maadama dhul kale ay joogaan waxba ha ku darsanina ee qof walba wixii uu sameeyo ilaah baa u sameystay jano iyo cadaab ee ka fogaada hana la murmina sharkooda badana ka digtoonaada .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. DHOOL says:

    inaan lilaahi waa inaa ilaahi rajucuu,ashadu allaa ilaaaha ilaahu wa ash hadu ana muxamada rasuulilaah,ilaa woow ilaa kala majiro adiga maoyaan,ilaawo na hanuuni adiga inbaa wax hanuunshee,Somaliyeey waa inaa dhamatay ,ee allah naga qabto gaal iyo kii racayba,allahana ha hanuunsho ruxii diinta quruxda badan arki waayay allah wax hanuunshee,illow hana tahlugeen subxanalaaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. Mushtaaq says:

    Asc umada muslimka ah inaa lilaah wa inaa ileehi raajicun ilaahow hanaga saarin diinteena macaanka badan ilaahow iimaanka hanaga qaadin ilaahow hana raacsiin dhaldhalaalka aduunka subxaana laah ilaahow sharta gaalada iyo tan shaydaankaba naga qabo mida kale somaliyey waa naloo tashaday gaalo keeda cad iyo keeda madow ilaahay badbaadiyo ayagana ilaahay haka soo hanuuniyo gaalnimada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. rashka says:

    ILaah imaanka hanagu sugo, Ilaahna hanagu dilo diintiisa xaqa ah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  18. Malaaqa says:

    ASC Walaalaha bahda somaliska, Run ahaantii shaqsi ahaan waxba uma arko in nin Soomaali ah oo Masiixi sheganaaya, Laakiin waxaa dhici karto in ay ku cusub tahay wadankan Sweden, Wadamada MAreykanka iyo Kanada waa caadi sababta oo ah waxaa jooga Soomaali badan oo sheeganaaya iney yihiin Masiixi, Aniga ayaa waxaan ku soo arkat sanadkii 2001 Toronto Kaniisad ku taal oo leygu yiri Baadariga Xakuma waa nin Soomaali ah, Marka yaan lala Yaabin Laakiin waxaad ogaataan waa dad aad u bedelan, Waxaan idinkaaga digayaa yaan lala saaxiibin xitaa qof ay saaxiib yihiin yaan lala saaxiibin, Diinta Masiixigana waa diin Jirta, ee Ilaaheey waxaan ka Baryayaa inuu nagu dilo Muslim nimo. Waxaad kaloo ogaataan Wadankan aan joogno diinta waxaa looga baxaa Lacag iyo xoolo aduun. Waana wax ka jira la dagaalanka diinta Islaamka ee Wadamada Yurub oo dhan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. ifrax says:

    aniga meshan ku arko waaan guma xitaa xabad ama mindi midna kuma dilayo waxan ku dila dab ilahay naaarta haku fageeyo ilahayna idinma barakeeyo nacalatulahi caleek rabiga aan waxana ka qarsooneyn ee xumanta ka dahirka ah waxana kama qarsona lkn ilahay waa saman badane dulqad badane lkn hadii aad aduunka sas ku samaynaysan waxa jirta malin aadan wax awooda lahayn xisaabtadiina ku hor taal ilahay nolosha idinku cadib waxan oo kale baa sharafta ka qadayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  20. Kayze says:

    asc, iguma cusba somali masiixiyeen ah!!!! africa ayaan dhawaan ka imid waxaana ku soo arkay ayagoo koox koox tabliiqoo kale ah isula socda oo somali ah oo leh masiixiyiin baanahay!!!!!!!!!!! waanad habow santihiin Ee nasoo raaca kkkk neyrobina waxayba kuleeyihiin idaacado, dalka somaliya waxa qasaya ee MAGAC YADA BADAN LABAXAYNA waa ayaga ALLE HANAGA XIJAABO SHARKOODA !! GACAN BIRANA WAA IN AAN ISKAGA QABANAA SHAYDAAMADAAS OO KALE MARKAAD ARAGTAAN, WAAYO GAAL AFKAGA HOOYO KU HADLAYAA WAA DHIB WEYN OO LUMIN KARTA CARUURTA IYO DADKA AAN CILMIGA FIICAN ULAHAYN DIITEENA SUUBAN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. faiza says:

    inllaa ilaahi wa inaa illeyhi laajucuun waxan leenahay waxaas oo kale waa musiibo waana mucjiso ee illaa ayaa ka magan kalnay xasbiya llaah wanimca wakiil (illaah subxaanahu watacaalaa ayaa dhahay ;fadkuruunii adkurikum wa ashkiruu lii walaa takfiruun^= taas oo ah micnaheedu ixasuusta markad i xasuusataana igu shukriya hana igu kufrinina ) marka waxaan dhihi lahaa walaala heyga diinta ka baxoow itaqulaa illaah mooyaane illaah kale majiro (allahuma yaa mowlaanaa bilmoowti kula saaca =noqoda kuwo saacad uxisaabtama sidii in uu dhimanayo)

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Zaki says:

    Asc ramadan karim .midaan ad ayaan uga naxay maxaayele gaal o hadana somali ah o afkena ku hadlayo wa musiibo allow nagu dil islaam o nagu so bixi islaanimo allow ruux an ku cabudeen allow dhawarkena haka so bixinin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Abdulkadir Abdi says:

    Asc waxay ila tahay qof ama laba hunguri dartiis meel xun ugu dhacday inaysan xaq u lahayn in la buun buuniyo Soomaali waa 100% muslim wayna sii ahan doontaa inshaa allaah. Mbaghati markii lagu soo dhisayay Cabdulaahi yuusuf ninbaa yimid oo dhahayay gaal baan ahay waxaan leeyahay xisbi gaalo ah oo aan madax u ahay waxaana doonayaa in waxlaygu siiyo jawaabtii nikaas lasiiyay maxay noqotay? Maxamed qanyare ayaa yiri waxaad doonto ahow laakiin gaalnimo xuquuq ku heli meysid ee qabiilkaaga ka raadso cod marka hunguri iyo madaxnimo iyo magacraadis darteed qof waa u duloobi karaa laakiin ha ogaadto kaniisada beesada aa ka dhamaaneyso ma ahane Soomaali ma gaaloobeyso waxaan aragnay kuwo 30sanno fidinayay kristaan oo soo laabtay waxaa ka mid ah nin layiraahdo maxamed nuur oo marekanka daganaa cajalad uu duubay ayaan fiirsaday markii uu diinta islaamka ku soo laabtay cirbid bad kurid iyadaa lumaysee wax tar mayeelaneyso marka waxaan kula talinayaa kaniisada lacagta ay ku bixinayso dhuuni qaate midkooda cilmaaniga noqday ee aan diintaba haysan ha siiyaan kaas ayaa u baahan risaalo sida ay aniga ila tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. ramla says:

    walaaxoowla walaa khuwata illaa bilaaah subxana laah rabinaa yahdii kum wlhi waa waxan dhagaha muslimku maqli kariin acuudi bilaah iqaabtooda alah ayaa u diyaariyay insha allah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  25. Umu Nadira says:

    A.s.c Ramadan Kariim .Inaa li.laahi wa inaa ileehi raajicuun. ILAAHOW TOOWFIIQDA NA WAAFAJI QAATAMADANA NOO SUUBI. waxaan aad uga xumahay dadka magaca soomaaliyeed sheega nayaa ee yiri waan gaa loowney waa Aakhiru samaan. Hadii ay hanuunka wax ku leeyihiin allaha soo celiyo lkn ha ogaadeen in qof alle iyo rasuul kiisa c.s.w. iimaan dhab ah ku reeyey ineysan waxba u dhimi karin. Hana ogaadeen in nabi ciise uu ilaahex koryeelay uusan qofna soo dirsan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. najma says:

    Asc walaaleheyga muslimka.Alle ha soo celiya walaaleheyka kale oo diintoda ka tagaay,ille waxaay ka tageen diinteni ugu macaaned dunida uguna saxsaned.
    waxaan dhihi lahaay.ino sheydanka inga naro.allene hanaga badbadsho aniga iyo caruurtena aamiin aamiin .maantana waxaan saranahaay waa aduunyo.mana ahaan wax leys dabo dhigo.ee alle ka cabsade.diintina uu soo noqda .ille diinta muslimka waa diinta kaliye ka baadbadineyso naarta .hadi aad ku camaal sameyso.alle hanaga dhigo kuwi diintoda ka bixiin waligoda.ille waa aduunya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. muuuuuuuuuuuuuna says:

    subxaanala walaal xawla walaa quwatal ila bilaaha la ilaaha ila muxamed rasuul allah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. Madina Cumar says:

    Madina:
    08/16/2011 at 13:59#
    Inaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun Ma,ahan marki iigu horeysay oon maqlo qof somali ah oo diinta kabaxo laakin waa mid ku cusub somalida swedhan waxaase layaab leh bishan kherka badan qofka ka baxay diintiisa macaanta badan ee islaamka waxaan leeyahay Alla ha soo hadeeyo xaqana Allaha tuso Islaamkana Allaha ka badbaadiyo fidnada waxaan waa fidno Ilaah hanaga bixiyo Muslimiintana quluubtooda Allaha isu soo dumo AAMIIN:

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Ahmed Cumar Ibrahim says:

    asc w rwb , astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey maalinta QIYAAMAHA waxaa ka mid ah 1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan
    2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda.
    (3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.
    4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo
    5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, soda milixda ama cudbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu’minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo, mana woodo inuu wax ka bedelo.

    Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?

    Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
    6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah
    7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwo caasiyaal ah
    8) Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu maaniye waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya
    9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan
    10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa ianya waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la maaini doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay
    11) Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.

    12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo
    13) Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.
    14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa
    15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets)
    Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?
    Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
    ‘ Salmaanow
    16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda
    17) Roobka di’ doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.
    18)Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka iugu dhow uu mid kasta oran doonaa, naigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu wax faaido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof Ilaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa.

    Salmaanow
    19) Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xishamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana la argagax geliyey.

    20) Shaki la’aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba’ay kuwa iimaankooda uu daciifka yahaya ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jirkooda waa jir baniaadam, laakiin quluubtooda waxaya noqon quluub sheydaan.

    Salmaanow
    21) Waqtigaasi ragga waxay haeysan doonaan rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween kale.
    22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.
    23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.
    24) Waxayn taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan

    25) Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda.
    26) Qur’aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya iwm.
    27) Minaaradaha masaajidd awaxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxaya noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.

    28) Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxaya kaloo xiran doonaan xariirta, isla markaan awaxa akel oo ay isticmaali doonaan hragga shabeelka.

    29) Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluusha.
    30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa,
    31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka.
    32) Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.

    33) Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha
    34) Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado music ah.
    35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda

    36) Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxaty u tegi doonaan is tustus.
    37) Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka , ba;de ujeedkooda ma ahan Allah dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalada music ah.

    38) Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn.
    39) Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro, adduunyo ceyrsasho awgeed.

    ‘Salmaanow! (40) Waxaani oo idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.

    41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada yaa iyana baahi doonta.

    42. Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.
    43) Waxaa di’i doona roobab aan watigooda la gaarin.
    44)Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik.
    (45) MA jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.

    46) Qofka Mu’mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa arka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  30. ramla says:

    jizaaka laah waxas oodhan waa aragnaa aduunku waa is badaloyaa alah waxan ka baryeeynaa inuu diinteyna nagu dilo naguna soo bixiyo malinta qiyame

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  31. Ahmed Cumar Ibrahim says:

    cafwan ukhtii … aamiin aamiin aamiin insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. cabdi cali raabuush says:

    Ina lilaahi waa inaa ileeyhi raajicuun, acaadanalaah minal kufri, wa shirki wa nifaaq, ma kuwii islaamka ku dhashay ayaa maanta ridoobaya, waxaas yaab leh kuwa ilmahooda iyo xaasaskooda u safrinya ee an ku waana qaadaneyn ayaa ka sii yaab badan ee soomaliyeey is daba qabta , kuwa noocaas ahna gacan , af, adin waxaad kareeysaan waa in lagala hortagaaa inta aysan saameyn jiilka kale eee soo koriyey oo ay dhici karto in ay duufsadaaan .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. lajecloow says:

    somali nabi nimo sheegatay xita wa maqlay nacalad alle haku dhacdee murtadiinta
    kuwa meeshaan rinkeby imadayna waa 3 wiil iyo hal gabar oo ridoobay markay diintoodi suubanayd siisteen shilimaad sida ayaga dhahen lkn ana wax shilin ah maqadan ee nacalatulllaah yaa murtadiin allow umadaan sug waa loo tashtee gaal iyo dhagartiis ka qabo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. cawale says:

    waxan filayaa kuwa sidan sameeyey in ay hayso daciif nimo iyo munaafaqnimo una dheer tahay in ay furaan qorshe dad cusub la leeyahay isku dhiiba magaca diintaas oo been beena si aad sharci aad uga heshaan sweden idinkoo iska dhigaya dad aan rajo lahayn hadii xitaa somali hagaagto dawlada swedena ma aha dawlad albaab xusub lagu khaldi karo hadii ay run u qaadanatana kuwii ahaa ayaa la tarxiilayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Ahmed Cumar Ibrahim says:

    ASC WR WB DHAMMAN UMMADDA SOMALIYEED EE MUMIININTAA AH MEEL

    WALBAAD JOOGTAAN GAAR AHAAN SWEDEN ……………………………………………

    Allahumma innee astaghfiruka min kulli zambiyon wa atoobu ilayk

    Rabbanaa innaka man tudhilinnaara faqad akhzaytahu wama liththaalimeena min ansaar

    Rabbi ibni lee AAindaka baytan fee aljannati

    Allahumma baa.id baina khataayaaya kama baa.adta bainal mashriqa wal maghribi ,Allaahumma maqqinee min khataayaaya kama yunaqqath thawbul abyadhu minaddanasi Allaahummagh sinlee min khataayaaya bith-thalji wal ma.ee wal barad

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  36. hama/chicahrito says:

    walh mar walbaa waxaa guuleeysan doonaa xaqa sida rasuulkeena nnkh uu sheegay marka ayagaa naarta doontay ha la iska dhaafo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. abdirisaaq says:

    waxaan dhi lahaa qofkii diinta kabaxa isagaa cadaab doontay wuu arki donaa maalinta qiyaame qof kasta cafimaadkiisa isagaa og qof islaam ah inuu diinta kabaxo waa wax aan laqadan karin maskaxna gali karin waxaa laga yabaa imaan kooda inuu daciif ahaa jahanama alaha geeyo qofkii diinta kabaxa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. Abdow says:

    SCWR, Somalida muslimka ahow. La yaab malaha dadkaan sheegtay in ay ka bexeen diinta islaamka, maxaa yeelay waaba cadaysteen oo fagaare ayay la soo istaageen, ee ka warama dadka sheeganaya Muslinimo samaynaayana wax ka xun amaba la eg waxa ay gaaladu samayso. Qofku marka uu 120 cisho uurka hooyadiis ku jiro ayaa la qoraa in uu shaqi noqon doono iyo in uu saciid noqon doono, Janno ama Naar midkii uu geli lahaa, waxa uu samayn lahaa oo camal iyo waxyaabo badan oo kale. Marka dadkaan waa u qornayd in ay gaaloobaan ee dadkiinaan muslinimada sheegnaayo Camalkiina toosiya oo Ilaahay ka xishooda.

    Hidaayada ilaahaa baxsha ee idinku ha caayina hana aflagaadeyna ee u nasteexeeya haddii aad aragtaan, lacalalaahu ay soo hanuunaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. abdi says:

    horta anigu lama yaabani oo waxaanan ula yaabanayn somaliyi waxay ku cisoobi lahayd ee ALLE ku cisayn lahaa waa diinta islaamka oo ay ka shaqeeyaan ku camal falaan , tiina nin waliba wuxuu ka doortay bariis iyo baasto iyo maqaaxi uu hayo markas walaahi wax ka waawayn ayaa imandona hadii aan laga toobad keeniin waxa lagu jiro ee ah diinta adduunyada laga horumarinayo , markaas angiu waxaan leeyahay war diintiina u soo noqda o ka shaqeeya kuna camalfala , hadii kale waxaad arki doontaan ciqaab ALLE ciqaabka ALLEna waxaa ka mid inaad aragto walalkaa oo masiixiyada kugu dhex faafinaya . ALLAAHU AKBAR .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  40. cigeh says:

    50 MILLION IN KA BADAN OO MUSLIM AH AYAA MAANTA KU NOOL YURUB,WAXA LA SAADAALINAYAA IN SAINADKA 2030KA KALA BADH DADKA YURUB KU NOOLI AY ISLAAM ISU ROGIDOONAAN,WAXBA ISLAAMKA YEELI MAAYAAN AFAR AQOON DARRO IYO IIMAAN LA’AANI QAADAY.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  41. Xaawa says:

    Hallelujah! horta Rabbiga aya mahad iyo amaan ba iska leh! aad ayan ugu farax sanahay walalaheeyga oo imaankooda bananka la yimid. Masiixa waa lagu fanaa waa iftin la qarini karin.

    Masiixa waa loo dhimanaa wanaa loo nolaana ameen!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  42. dhabta ka hadal says:

    marka hore waxa amaan mudan allaha na waafajieyey diintan cisiga iyo sharafta u saaxiibka ah (Diinta Islamka).
    marka labaad waxaan aad uga xumahay dadka iyagoo arkaya xaqa indhaha iska xiraya ee ku sii socda diinta xumaanta iyo fasahaadka badan (masiixi).

    waxaan leeyahay hadii ay idinka tahay jees-jeesna allaha idiin galiyo naarta jahanama hadii aad tahay dameeri dhaan raacdayna allaha kaa soo hanuuniyo.

    Guntii iyo gunaanadkii diinta xaga ihi waa diinta islaamka inta kalee soo hadhay waa baadi iyo wado aakhiro kaa fogeynaysa inaad raacdo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4