Soomaali ka cabanaysa shaqada baraatiiga [Video]

Soomaalida ku nool magaalada Fagersta ayaa cabasho weyn ka muujiyay shaqooyinka loo yaqaan praktik ee kamuunka uu u diro dadka. Soomaalida ayaa ka cabanaya in loo diro shaqo aan dhamaad lahayn isla markaana aysan waxba ka faaidin haddii ay ahaan lahayd waayo aragnimo shaqo ama luuqadeed.

Soomaalida ayaa sidoo kale ka caraysan ka dib markii masuul looga dhigay dhowr qof oo carab. Shir ay isugu yimaadeen Soomaalida magaalada ayay wacad ku mareen in arintaan ay ka doodayaan oo ay dacwadooda u gudbinayaan maamulka magaalada. Hadaba wareysi aan la yeeshay labo ka mid ah xubnihii shirkadaas ka soo qeyb galay ayaa iiga waramay cabashadooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. omar says:

    asc dhamaan wallaalaheyga soomaliyeed kuwa jooga dalka iyo kuwa ku nool daafaha dunida dacaladiisa qaasatan walaalkeyga jimcaale iyo kuwa la shaqeeeya oo is ku taxluujiyey inaan isku booqano fikradna aan isku weedaarsano dadaal dheerna u galey arimaha familada kala maqan intaas kadib waxaan arintaan practikga ka leeyahey waa caqab runtii heysata walalaheyga somaliyeed aniga waxan ku noolahey yuutabori run ahaantii bini aadamku isku mid maaha aniga ayaaba codsadey codsadey praktik waxan dalbadey stader waxa la igeeyey hotel markaan asbuuc ka shaqeeyey oo qofkii la igu darey iney i tusto oo aheyd gabar filibin ah waxan arkey in ay subax kasta ay igu qabaneyso howsha oo dhan anigoo dhabarka ikala go ay ayan kasoo baxaa waana u dulqaadan waayey anigoo iska aamusan oo leeyahey labo bil ayaa saxiixdey hadaa isku hadasho armuu dhib kaaga yimaada ayaa maalin macalimada i weydiisey xaaladeyda ayadoo ii qabatey turjubaan markaas kadib ayaan u faahfaahiyey sida ay wax u jiraan waxeyna ii sheegtey sababtee aya u qarsatey maxaa mar hore iigu sheegi weysey maanta laga bilaabana ma aadeysid ayey igu dhahdey hadane waxan arkey hanleegaradeydii sido kale ayan ugu sheegey waxeyna igu tiri inaad wax barato aya laguu geyey maahan in laguugu shaqeysto hadane waxey ii dalabtey dukaan second hand ah waaba kasii daroo dibi dhal kkkk waayo ayaga shaqaale maba qataan anigana waxan raadinooya sidii aan shaqo uga heli lahaa oo la ii baran laha ayadana bil ayan saxiixey hadane wan iskaga soo tegey sababtoo ah waxan u sheegey in xafiiska shaqada ay diyar iila yihiin boqolkiiba sideetan in ay iga bixiyaan hadane waxa la ii helay meel kale oo boostada ah ayadii ayaan ka practikgareeyey labo bil kadibna waxey ii bilaabeen inaan ka shaqeeyo shaqo tuurtuurasho ah marka waa dhib meel aad iska wadeysid un practik waana iney ka dacwoodaan inkastoo kamuunada aysan isku mid aheyn xataa shaqsi ahaan wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. Ugaaska says:

    Assalamu Calaykum :; Ma ogi Xaalka walaalaheen Fagersta iyo cabashadooda balse waxaan ogahay in aan Praktik necebnahay , saas oo jirto waxaa habboon in la iska fiiriyo meesha aad marka hore Praktiga ka dalbanaysid .

    Isna waydii , Rajo intee la ge ayay ii leeda in aan Shaqo ka helo , walaalaheeyga Soomaaliyeed , marka hore iskama eegtiin booska Praktiga rajadiisa , taasna waxay dhashaa in aad madaxa la gashaan meel walba hadhoowna aad ka Dacwootaan .
    ….. Iska Hubi meesha inta aadan Praktik billaabin.

    Aniga 1 Sano oo Utbilning iyo Praktik ah ayaan isku dhigtaa , xaqiiqatana Dukaan ad u heersareeya ayaan Praktiga ka dalbaday waana Dukaamada dharka Sportiga , Alxamdulillaah aadbaan ugu faraxsanahay haddana 2 bil ayaa ii dhiman 10 billoodna waan soo waday , wax dhibana kalama kulmin .

    Waxaan idinku dhiira gelinaa in aan Praktiga laga Caban , balse iska fiiriya meehsa aad Praktiga ka samaynaydiidn ……

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ABDIFATAH says:

    AAAAWAY hablihiii wareeysigaan ayaan waxaan ka dhan dhan saday in hablaha somaliyeed ay iyaga yihiin kuwa u badan dhinaca suuqa shaqada ayna u sabraan praktiga iyadoo meel walba aad aragto ay nimanka ay cabaadayaan iyagoo inta badan na ay shaqo naceeyb u gaynayso.
    F:G waxaan arkay aniga 5 qof oo praktig loo diray in ay kala carareen waa 1 bil oo kaliya praktiga. kadib aniga ayaa tagay 1bil inta aysan dhaman anigo sii marsiinayo 28 dagar ayaa la igu dhahay wan ku qadanay waxad tahay nice 75% xataa ma anan aheeyn qof si fir fircoon u shaqeeya istarees isku rido orad badan. lakin waxan ku ficnaa waqtiga imaasha iyo dhagaysida dadka marka la ila hadlayo iyo shaqadayda oo an sidii la rabay oga so baxo. inta waaxa an ku arkay waxyabaha ka cararsiyay 5 taas qof in ay tahay imtixan lagu marsiinaa, imtixankasna waa mid jira wana tijaba ka mid ah shaqa siintada danbe waxa ad tahay sida aad tahay in la kala ogaado. Mahad sanidin dhaman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. AHMED MUDANE says:

    asc dhamaan aqristayaasha somaliska. fikirkayga ku aadan kacabashada PRAKTIK farahabadan hadii aadtahay qof praktik sameynaya lasoco shirkada aad kasamaynayso waad fiicantahay iyo qof shaqadiisa gudtay aadtahay makuhelaysid shaqo ee muhiimka ayaa ah shirkadu ma ubaahantahay shaqaalo dheeraad ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. samsam says:

    Gratis arbetskraft bey somalidi noqtay, xita qofka swedishka ah ayaan waxaas oo praktik ah loo dirin.Shirkadahana iyaga oo gacan bilaasha ah heliya maxay qof ay lacag ay siiynayan ku fali.Reer Fagersta gacan ban i taagi, wixi xaq daro ah wa ina laga doodo o laga hadlo.Ina la is gumeysto ma fiicna.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. rashka says:

    ASc aqyaarta dhamaan. marka hore PRAktik micnihiisa mahan inaad shaqo heleyso, laakin waxaa marka hore muhim ah meesha aad praktik ka sameyneyso iney tahay meel dad shaqeyo loga bahanyahay,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. qaasim says:

    asc dhalanyarada nadamka jira in la fahansiyo ayaa u bahan yihin praktik macniisa mahan in mesha shaqo laga sinayo lakin keli ah luqad ahan iyo inad bulshada habkey u shaqeynayad ad aragto waye. mida kale inta ad praktika sameyneyso lacagta lagu siinayo u qaado in praktika lagugu sinaayo kkk lakin su,asha tagana waxay tahay wax praktik ka cabanaya ama händlägare dhaliilaya hadad aragto maxa somali ka wada dhigay?
    umada kale wax praktik dida ama wax ka shegaya ma arkaysid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ifraax says:

    wad salaman tihin dhaman walalaha somaliyed kkkkkkkkk manta waxan maqlay codkii ninkii ahaa jimcale oo waxan moodi jiray jimcale odaay marki hore ileen wa nin yar oo waxan ka dareemay codkisa marku lahadlayay inamadi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. rashka says:

    LOL ifraax JImcaale sawirkiisa ayaaba page-ka ku jiro ,halkan ka eeg jimcaale sawirkiisa:Dhttp://somaliska.com/contact-us/

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. Jimcale says:

    KKK Ifraax dadka badankooda waxay dhahaan codkeyga oday ayuuba u egyahay balse waaba cajiib haddii aad si kale u aragto. Hada leeban 26 noqday! mida kale maba aaminsani in odayaasha ay wax qabtaan, qabyaalad iyo farsamo xumo ayay wadankeenii ku burburiyeen xitaa Sweden odayaashii hore ayaa magaca naga dilay. Waxaan leeyahay waxaa la joogaa xiligii dhalinyarta ay hogaanka la wareegi lahayd.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Mohamed says:

    Asc all walaalaheyga Soomaliyeey marka ugu horeyso waxaan ku Noolahay magalada Karlstad gobolka Värmland .Maalin ayaa anigoo iskoolka dhiganaayo waxaa dhacday in oo ii imaado nin iskoolka u qaabishan dhanka Praktiga waxoona ii dhahay waxaan ku geynayaa Praktik waana meel aad wax ka baraneyso . Nin kii malintii ku xigtay ayuu i geeyey meel magalada ka baxsan oo ilaa iyo 10 Kilo meter u jirto aniga baabur iska qaraab ah na waan lahaa meeshii markaan tagay waxaa ley baray nin kii meesha masuulka ka ahaa nin kii wuxoo i dhahay bari soo shaqo gal okej ayaan iska dhahay ano la yaaban meesha ayaa malintii ku xigtay qabowgana uu yahay _ 23 nin kii waxoo isoo bixiyey baaldi iyo rinji ka buuxo waxoona igu dhahay intaadan rinjiyeynin ka hor Daxasha ka qaad meesha looga qadaayo wa meel banaan ah qabowgana faraha ku jabaayo howshii ayaan cabay kadib qabow ga dartiisa ayaan nin kii ku dhahay meeshan waa qabow meel kale oo lagu shaqeeyo ma jirto miyaa . maya ayuu dhahay adiga nin jil jilcan aya i egtahay shaqeyso cml anigana markaas ayaa madaxa qac i dhahay .Waxaan dhahay nin yahoo nagu kala wad meeshan maka shaqeyn karo waxoo wacay nin kii meesha i keenay waxoona igu dhahay maka soo tagi kartid hadii kale lacagtaada ayaa maqan waan ku adkeystay inaan kasoo tago iskoolka ayaan aday subixii danbe . Macalimada ayaa igu dhahday meesha lagu geeyey war iga sii cml waxaan ku dhahay markas Meel sidaas ah ayaa ley geeyey nin ki ayey la dhadashay ka badal nin kaan ayey dhhaday ok sidi loo socday waxaa ley geeyey second handiga o alaabta la qaadayo aad yaabeysid markan iyadana waday 2 bari ayaa culeyskii iga tan batay meeesha waan fekeray igu danbeyn aniga iyo mid meesha ka shaqeeyo oo swedish ah oo qadeyno Tvätt maskin ama kan dharka lagu dhaqo meeshana waxey laheyd sabiibax saaid ah baabur ayaan sareynay makiinada dharka lagu dhaqo oo aheyd 40 kilo cml markas baahashii ayaa jilibka iga dhacday ano baburka saraayo run meysan iga aheyn been ayey aheyd markaas ma kici karta ayaa ley dhahay maya ampalas ayaa ley wacay isbitaalka aya ley geeyey kkkkkkkkkkkk kadib ayaan kasoo baxay meeshii isbitaalka kadib waxaan ku dadaalay inaan iskoolka dhameeyo waana dhameeyey kadib waxaa isku dayey inaan Körkort qaato alx waan ku guuleystay markaas waxaan dalbaday Kurs buss wadow ah waana ley ogolaaday mudo kadib ilaahey mahadiisa waxaan qaatay körkortkii buss ka kadib waxaan shaqo ka helay Magaladan degenahay buss keeda inaan wado anigoo cid baryey nin alx marka walaalaheyga Fagersta waxaan idinkula tali lahaay inaa dadaashaan oo aad kommun sugin oo aad isku daydaan inaad wax baratan ama aad Körkort xooga saartan kadib kurs dalbataan Ilaaheyna dhibka idin haysto ha idin ka bixiyo in sha alah waan idin salaamayaa asc al

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. farta.sh. says:

    asc dhamaan inta fikir kadhïibatay & jimcaale o ah qofka kaliya e bulshada cabashadoda so bandhigo. Awalan walaalaheygow waxaan idin kula tali nayaa in aad sameesaan dadaal si . Aad uga gudubtaa dhibaatoyinka. Allaah ha idiin yasiro culeel walbo waxaa ka damben dono fudeed. Insha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. muxuyidin says:

    waa yaab walle somali waa ka reysay swedan waxa dad Q ugu jira ma xamaaliyaa u danbeeya allow nabad na sii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. sacdiya says:

    wax leyay hay in ficana baratigan inye taha loguyo tahay ee karasdha shoqo mal ka le

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. suweyz says:

    aamiin allow nabad nasii xamaali nimo waa dhib welibo wadan shisheye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0