Soomaali lagu dilay Stockholm

22

Habeenkii sabtida saacadu markay ahayd 2:00-am ayaa wiil Soomaaliyeed lagu dilay magaalada Stockholm halka mid kalena lagu dhaawacay. Qalalaasaha oo ka dhacay goobta lagu magacaabo Sergel Torget ee bartamaha Stockholm ayaa midi lagu dilay wiilka lagu magacaabo Liban Mohamed Yusuf, iyadoo  la dhaawacay wiil kale oo Soomaali ah oo aan magaciisa la sheegin, oo da’diisa lagu sheegay 18 sano jir.

Warar aanan xaqiijin ayaa sheegaya in ragaan la waxyeeleeyay iyo koox kale ay goob Klub ah isku qabsadeen, iyadoo markii dibada layskula soo baxay dagaal ka dhacay Sergels Torget oo ragaan midi lagu dhaawacay. Booliska ayaa soo xiray nin Afrikaan ah oo loo maleynayo in uu ka dambeeyo dilka balse waxay sheegeen in ay aaminsanyihiin in rag kale ka qeyb qaateen dagaalka.

Booliska ayaa sheegay in aysan aaminsaneyn in raga la dilay ay ka tirsanaayeen kooxaha gaangistarada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here