Soomaali Sweden ka tagtay oo Turkiga ku xayirantay

Soomaali badan oo maalintii isniinta ahayd diyaaradii waday ka duushay garoonkaArlanda ee duleedka magaalada Stockholm ayaa mudo laba maalmood ah ku xayirnaa magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

Dib u dhaca kuyimid Safarkii soomaalidaan ka tagtay Sweden kuna socotay inta badan wadamada bariga Afrika ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu soo baxay war sheegaya in foolkaano ka qarxay Eretria, taas oo keentay in la hakiyo duulimaadyadii u kicitimi lahaa guud ahaanba bariga Afrika.

Inkasta oo dhacdadaasi ahayd mid awooda bani’aadamka ka saraysa oo aan cidina wax ka qaban karin hadana waxaa si siman rakaabkii duulimaadyadaasi oga cabanayeen in aan sidii la rabay warbixinaha aysan u helayn, inta badan aan si wanaagsan loogu qeexayn sida wax ujireen iyo halka wax ka dheceen, taas oo ay dadka qaar u sii dheerayd in aan looba ogolaan in ay garooka dhaafaan oo ay wadanka gudaha u galaan.

Diyaarada Turkish-airline oo dadkaasi la socdeen ayaa dadka intii dhalashada Europe wadatay waxay durba geeyeen hotelo, halka Ethiopian, Ugandas iyo Soomaalidii Främlingspass passport-ka haysatay hal habeen garoonka ku xayirnaayeen.

Ka dib cabasho iyo is abaabulo xoogan oo dadkii xayirnaa sameeyeen ayaa Police-ka iyo diyaaradii dadka waday waxay isku afgarteen in dadkii garoonka ku xayirnaa dhamaantood baasabooradooda boolisku garoonka kuhayaan dadkana ayagoon wax aqoonsi ah haysan hotel lageeyo ayadoo dhaq-dhaqaaqooda la xadidayo korkana laga waardiyeynayo si aan boolis kale u qaban oo aan loo dhibaatayn.

Ilaa hada waxaa maqan oo aan gacan lagu hayn waxii ay agab wateen dadkii rakaabka ahaa intii Kampala u socotay,warse uma hayno rakaabka intiisii kale in ay alaabooyinkoodii heleen iyo inkale.

Saciid Cabdi Cusman
Kampala-Uganda

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Bashiir Naarkaroor says:

    Waa arin mar walba lagula kaco dadka aan haysan Passka wadamada Yurub .

    Dhacdo Igu Dhacday !!

    Sanadkii 2010 horraantiisii ayaan doonay in aan Wadankii gaadho , Adiis ayaanse sii mari rabay , waxaan Arlanda ka duuli lahayn 13:00 Dhurnimo .

    Waxaa dhacdeay in Diyaaradii baaqatay , markaa ayaa dadkii aan isku duulimaadka ahayn ee dhalashada Wadankaan Sweden haystay , iyo Swedhishkii kaleba waxaa lagu daray , diyaarado aadaayay Egland, Franca, mida aan markii hore ku qornayna waxay ahayd , Turkish Air .

    Alle amarkii dadkii Turkish Air ka baaqatay , aniga unbaa FrämlingPass ka haystay .

    Inta kale waxay ahaayeen Swedhish iyo 3 Soomaali , ah oo Dhalashada Sweden haystay.

    Rakaabkii dhamaa Diyaarado Eglang , iyo Franca u socday , balse Istanbul gaadhaa ayaa lagu daray kedibna Istanbul ayay Afrika kasii aadayeen .-

    Maxaa igu dhacay aniga?

    Waxaa igu dhacday in , la i yiri sharcigaaga laguma geli karo Franca iyo Egland , ee caawa xaafadaadii iska aad beri imaaw Diyaarad kale ayaa lagu saaraaye.

    Magaaladayda Stockholm 3 saac ayay u jirtaa , waana diiday oo qarashkeeda kama bixi karin .

    Way igu adkeeyeen in aan sidaa yeelo , sidii aan Maalintii oo idil Arlanda u dhex lugaynaayay , hadba qolo u tegaayay , hadba saf u gelaayay .

    Ayaan goorb aan isleeya waa 18:00 galabnimo qolyaha Turkish Air ee Xafiiska Arlanda , Afka ku furtay , waxaana u she4egay xuquuqda aan ka mudanahay maadaama aan Rakaab ahay .

    Waxaan u sheegay in aan xaq u leeya in ay Hottel i seexiyaan , maadaama ay iyaga sababta baaqitaanka leeyihiin .

    Markii ay arkeen in aan garanaa xaquuqdayda , ayay isla markii isku noqdeen , waxayna i siiyeen , warqad ay ileeyihiin Hotteel hebel aad , Hottelkii ayaan bas u raacay , warqadii ayaana tusay ileen hottelka rakaab dhawr boqol ah ayaa iiga horeeyay oo Swedhish ah , awalaan muran laga gelin warkoodee , adiga marka aad xuquudaada aadan raadsan cidi kula soo raadsan mee . Gaara ahan Soomaalideena aan Cidina u doodin .

    Hammiinkii markii aan Hottelkii seexday maalintii danbena Duulnay , ee aan istanbul tagnay ayaan waxaan ugu tegay Soomaalidii shalay Diyaarada lagu soo daray ee Arlanda iiga soo tegay oo Xalay Gegida Istanbul dhex seexday oo aan cidina u imaan , swedhishkiina isla markii ayaa Hotteel la geeyay .

    Marka dhacdadaan waxay ahayd mid aan u soo joogay , Turkish Air na Soomaalida uma firfircoona , balse waxaa muhiima in Soomaalidu xuquudooda dhacsadaan ,a diga haddii aad ku doodid xuquudaada waad heli .

    Mida kale Xaqqa adiga lagugu leeya hala gaa helo , musuqmaasuqa , qiyaanada iska daaya oo wadanka dhawra , dhaqamada aan wanaagsanayna , ka daaya bulshada dhexdeeda , sida qayla caadada ah , fadhiga meelaha dariiqyada ah .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 4

  2. Massago says:

    Bashiir jina uroor
    sxboow maquuste aaa reer leh aad naqatay wlh sheekadaada waa mid fantastic ah xaadan iskaga dhax seexan eelaborka qaniin iyo kudkude midna kugu cuni maayaane oo u madda hotel iyo hawl u galisay. Sax waaye qoftu hadawsan heeysan baasabor weyn oo doodo misn awsan xaqiisa dhacsan karin waa dhacdaa in laharawsado oo mugaas waxaan munaasab eheyn lagu sameeyo wax kheeyre

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Bashiir Naar Karoor says:

    Ustaad Massago marka aad tigidhka goosanaysid , ayay ka mid tahay , in haddii la baaqdo ay iyago qabaan , masruufkaaga iyo halkaa seexan lahayd , marka runtii . Walaalahayga Soomaaliyeed waxaan oran lahaa , Shirkadaan Turkish Air way dhibatantahay ee , yaysan Eelaboorada idin seexin ee u sheega in aad rakaab tihiin .

    Ogaaw Markii aan baaqday , dadkii kale Eelaboor ayaa war la’aan la geeyay , anigase Dagaal ayaan ku soo dhacsaday !!

    Balse markii aan Arlanda ku haray ee Soomaalidii , Dhalashada wadanka Haysatay eey Raaceen Franca Air , ee ay Turkiga iiga hormareen , waxay seexdeen Eelaboorka !!

    Maalintii danbe ayaana Isku Diyaarad ka raacnay Istanbuul iyagoo caraysan gaashana hayso !

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1