Soomaali xisbi siyaasadeed ka aasaastay Sweden

Dumar Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Eskilstuna ayaa sheegay in ay dhisteen xisbi siyaadeed u tartami doona golaha deegaanka ee magaalada Eskilstuna doorashada dhacaysa axada nagu soo aadan.

Xisbigaan oo loogu magacdaray Eskilstuna Parti ayaa ogolaansho ka helay Hay’ada maamulka doorashada ee Valmyndighet iyagoo ka qeyb qaadan doona doorashada. Dumarka dhisay xisbigaan ayaa sheegay in ay uu aasaaseen in uu ka shaqeeyo danaha Soomaalida, sida guryaha iyo waxbarashada.

Kaafi Hassan Elmi oo kaalinta koowaad kaga jidha musharaxiinta xisbiga, oo idaacada Sweden la hadashay ayaa tiri ” Guriyaha aad iyo aad ayey ciriir noogu yahiin oo baahi badan baan u qabnaa. Waxbarashada sidoo kaleeto, ilmahii iyaga oo cabaadaya ayey kuu imaanayaan oo waxay ku leeyahiin “maanta dhan waxbaa naloo qorayey wax aan ka fahanayna ma lahan”. Ilamaha hal mar keliya waxii ma wado qaadan karaan, waqti ayey u baahan yahiin waqtigiina waa loo dedejinayaa oo da’dooda ayaa loo xisaabinayaa, mar dhibaatadaas ayaa keeneysa in aan arrimahan ka hadalno”. 

Dhamaan musharaxiinta xisbigaan oo gaaraya 15 xubnood ayaa Soomaali ah, iyagoo filaya in ay cododka ka helaan Soomaalida kale iyo dadka ku fikirka ah. Magaalada Eskilstuna ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan oo u badan dad cusub oo wadanka yimid shantii sano ee la soo dhaafay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. GUESSI says:

    Macne weyn maa yelaam doono lkn iin ay tv kaso baxaan oo ay kaa dhawajiyaan danaha somaliyeed waa suro gaal wana ku habal yenaya wayo waa lagaga lexaan karaa somalida hadi uu xisbigasi yesho awood uu baladhiyo siyasadisa iyo arag tidisa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Nin Daran says:

    Dadka musharaxiinta ah waxaa weeye dad soogalay wadanka Bari dhaw ilaa 5 sano ayay joogaan…!!!! Waa arinyaableh anigoon niyada kajabinayn waxaan kudhiiri galinayaa dadaalka ay sameeyeen lacala haday soo bixi waayaan xiitaa waa Isku day fiican, Guushuna waxay ka bilaabataa isku daygaas uun…

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. kadir says:

    waa feker aad iyo aad u fiican oo la dhihi karo waa mid laga seexday lkn waxan dhihilahaa xisbiga hala badhiyo wadankoo dhan dadka utartamayanayana halagu qiimeeyo aqoontooda yaan lagu xulan magaaladaas ayuu deganyahay magacana halaga bedelo si aan loogu arkin wax magaaladaas uun quseeya hadii laga dhigo hanti somaliyeed somalida oo dhan way ucodaynayasaa sidaas ayuuna kusoo baxayaa ciduu is yiraahdo somalida ayay dan uwadaan ayay codkooda kubiirinayaan oo la share garaynayaan sidaas ayayna kunoqonayaan dad saamayn ku leh siyaasada wadanka waayo somalida wadankan joogta 1milyan kama yara dadkuna sharciyada waawayn way wada qadanayaan
    waxaan leeyahay caqliga hala tuujiyo wax badan ayaa laqaban karaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0