Soomaalida Göteborg oo cambaareyn dusha looga tuuray

28

Haweenay madax ka ah urur lagu magacaabo Caritas Frivillig oo ka dhisan xaafada Hjällbo ee magaalada Göteborg ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay jaaliyad Soomaaliyeed oo xaafadaas ka dhisan iyo guud ahaan Soomaalida iyada oo sheegtay in Soomaalida xaafadaas ku dhaqan ay sii noqonayaan xagjir xaga diinta ah iyo kuwo qabiilka ku dhagan.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Gun Holmertz oo isku xafiis ay wadaagaan ururka Soomaalida ee lagu magacaabo Afrikas Horn ayaa sheegtay in xaruntaas loo badalay goob Muslimiinta xagjir looga dhigo, waxay sheegtay in ragga inta badan halkaa yimaada ay yihiin kuwo garr la baxay isla markaana dumarku ay niqaab xirteen. Waxay sheegtay xarunta ururkaan oo markii hore loo furay goob ka shaqeysa dhaqanka ay hada noqotay masaajid qaasatan ay leeyihiin Waabiyiinta sida ay hadalka u dhigtay.

Haweeneydaan oo mowduuca ku qortay wargeyska caanka ah ee Göteborgs-Posten ayaa siyaasiyiinta ugu baaqday in lacagta laga daawo ururada ay ka mid yihiin jaaliyada Afrikas Horn. Waxay soo qaadatay hadal ay horey u sheegtay haweeneyda foolxumada u soo jiiday soomaalida ee lagu magacaabo Ayaan Xirsi Cali taasoo mar ka hadashay jaceylka Soomaalidu ay u qabaan qabiilkooda.

Hadalka ay haweeneydaan ku qortay wargeyska GP ayaa loo arki karaa mid ay ku dureyso jaaliyada ay dariska yihiin balse waxay tooshka ku daartay guud ahaan Soomaalida ku nool Göteborg iyo Sweden. Hadalkeea ayaa waxaa laga dhadhansan karaa cunsuriyad iyo nuuc masayr ah. Si kastaba ha ahaatee, jaaliyada Soomaalida ee Afrikas Horn  ayaa hada indhaha Sweden soo eegayaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here