Soomaalida Iswiidhan oo dooneeysa ineey gacan ka geeystaan dib u dhiska Soomaaliya

Soomaalida ku dhaqan dalkaan Iswiidhan gaar ahaan magaaladda Borlänge, ayaa bilaabay talaabo ay ku doonayaan ama ay uga qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya oo hadda u muuqda mid ka soo kabanaya dagaal sokeeyo oo muddo dheer aafeeyey.

Magaaladda Borlänge, oo ay soomaali badan ku nool yihiin ayaa qaarkood bilaabay ineey abuuraan mashaariic dib u dhisid iyo howl u fududeeyn dadka doonaya ineey dalkooda dib ugu laabtaan. Cabdulaahi Calasow oo ka tirsan mid ka mid ah urruradda ugu waa weyn ee soomaalida gobolka Borlänge, ayaa sheegay isagoo u waramayey idaacada Iswiidhan ee gobolkaas in soomaali badan ay daneynayaan dib u  dib u dhiska dalkooda  urrurkooduna gacan ka siinayo taabo gelinta howshaas.

“Waxaan ka fekerayaa ineey noqoneyso mid cid kasta u furan dibna ugu laaban karaan dalka iyagoo ka qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo ganacsi u dhaxeeya Soomaaliya iyo Iswiidhan, si shirkadaha Iswiidhana ay ugu faa’iideeystan mashruucaasi” ayuu yiri Calasow uu muujinaya sida u doonayo in la helo ganacsi u dhaxeeya labada dal  iyo siddii shirdkadaha dalkaanina ay maalgashi ugu sameynsan lahaayeen Soomaaliya.

Soomaaliya inkastoo dagaal sokeeyo ku raagtay iyo ammaan xummo, hadana weli waxaan si buuxda sal u dhigin ammaanka guud iyo siyaasadda dalka. Taasina xilligan dhow suuragal kama dhigeeyso in shirkadaha dalkaani ay ku dhiiradaan maal gelin ay Soomaaliya ku sameeyaan, waloow ay jiraan shirkado kale oo fadhigoodu yahay Kenya oo ay mudooyinkii ugu dambeeyey indho indheeyn ku sameeynayeen siddii maalgelin ugu sameyn lahaayeen Soomaaliya.

 

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. moha says:

    waa qoraal aan ka helin maxaa yeelay oo qofka soo qoreyna aanu tifaftirin tusaale borlänge ma magaalo baa mide waa gobol ? gobolku waa dalarna hadaan usoo laabto mashruuca maal gashi horta waa suale goorma ayaa maal gashi la sameyaa? xageese laga sameyn karayaa? maxaa sal u ah in dal la maal gashto ? waxan filaya qorahan ama ka sawirkisa kuso mutaxay inusan xitaa wax yar basic course of investment inusan sop arag marka adeerayaalow jiha wareerinta umada ka daaya carurta gangs nimada isu laayeeso habka lagu kala celin lahaa hala raadiyo iyo in dalka iyo dadka lala nool yahay lala qabsado oo waxa wanagsan halaga barto lkn somalida aan idinku soo arkayee fadhido hemköp ka borlänge iyo 10 ka ee qeyliyayo dacasyada macawiista fadhi kudirirka wado taa maku imaneysaa investment sxb qofka aad kab la tolaneyso tiisa la eegaa somala ku maahmaahdo as a borlänge is hagaajiya qabyaalada yareeya caruurtina ilashada op wax bara adina wax barta lkn sidii qolyihii 12 milyan ee magaca somaliyeed ku qadanaye stockholm ee ka dibna 4.5 u qeybsanayay war somali waa lagu yaqyaqsadaa ee aan isbadalno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *