Soomaalida oo loo qabanayo kulamo ku saabsan sida ay u dalban karaan lacagta horumarinta Somalia

Hay’ada Forum Syd oo Sweden u qaabilsan mashruuca ka qayb galinta qurba joogta horumarinta Somalia ayaa isbuucaan waxay qaban doontaa kulamo warbixineed oo Soomaalida loogu sharaxayo sida ay uga qayb qaadan karaan horumarka dalka iyo sida ay u dalban karaan lacagaha ay bixiso SIDA ee ay masuulka ka yihiin Forum Syd.

Mashruucaan oo lagu magacaabo (Somalia Diaspora Programme) ayaa dowlada Sweden ugu talagashay 45 milyan oo karoon oo sadexda sano ee soo socota la siin doono jaaliyadaha Soomaalida ee ka dhisan Sweden ee doonaya in ay mashruucyo ka fuliyaan Somalia. Shuruuda ugu muhiimsan ayaa ah in Jaaliyadaha Soomaalida ay wadashaqayn la leeyihiin Hay’adaha ka dhisan Somalia.

Kulamada ayaa ka dhici doona magaalooyinka hoos ku xusan.

  • 27/2 Göteborg kl. 13:00 – 17:00. Folkets Hus
  • 28/2 Malmö 9:00 – 12:00. Scandic St: Jörgen
  • 1/3 Stockholm kl. 14:00 – 17:00. Kista Träff
Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. cali hobyo says:

    Tuugadi waweyna föreninada aya kulmeysa jaanis lacag ah eey heleen kafa ideysta tuugoy

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 3

  2. wardhigley says:

    waxa aan ku talin laha in la hormariyo qabar ka swedan madamo somalida ey ku nosha hay swedan in webset kan uu soo gudbiyo waxii igu danbe yay oo qabar ah ey qoraan news ka swedan plz and plz ka baahi tira hooyo yinka iyo walidinta .waayo sii ey uu yartaato siyasada somali iyo in la is ku dhaf sado waxii qabar ah oo somali quseyso ok thnks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. geeydjaceyl says:

    alaha ka qabto kuwa ku qaraabto magaca jaliyadaha hadana aan ilmaha ka caawin cashirada ama wax walba hadana ku furto magacooda melaha oo la dagay somalida dowlada swedan waa in lagu dacweeya ku waas waxa ey ka dhigteyn melahi ganacsi iyo turub iyo ciyaaro lagu dawado dada ka wax uma soo kordhiyaan jaliyadaha carabta waxa ey subiyan daad ka aqoonta leyh ey soo xulaan ilmahooda aa laga caawiya cashirada marka waan danbeyna somali hadi aan nahay .

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. qaasim says:

    Qaasim hilowle

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. qaasim says:

    WAAN YAABAHAY WAX JAWAABA MAHAYSAAN DADKII OO SHARCIYA HAYSAN OO LOODIIDAY BOOLIISKII WAANOO YEERAY WAXAY DHEHEEN MALAYDIIN CELIYAA MAYA ISKABAXA MARKA MARKA MAXAA TALO AH WAAN KU DHIBTOONAY MEESHAA SHARCIYO MAHAYSANO SADEX SANAAN MARAYNAA WAX JAWAABA IGA CAAWIYA WALAALAHAY SOOMAALIYEED

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ali says:

    Qaasim apeal kale xareyso haniyo jabin waheleysaa. saxib xaaladada wan dareemi karaa e ilaahey haku garab galo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. abdiasiis says:

    walaal angiguba kulamidbaan ahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. abdiasiis says:

    Diidmadu soomaalida aad bay ugu badantahay wax loogu diidayna maleh oo qiil mahayaan dadkiina waa utuunsanyihiin kaamamka iyagoo sharci haysan baa intii ugu timaada oo ajnabi kalabaa sharcigii lasiinaa soomalida ma mudaa haraadaan xaqooda umu doidaan waa dad iska fadhiya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0