Soomaalida Sweden oo cambaareysay baarlamaanka [video]

5

Shalay waxaan booqasho ku tagay magaalada Falköping ee galbeedka Sweden taasoo ah goob si weyn looga soo abaabulo dadaalada lagaga soo horjeedo shuruudaha ay Sweden hordhigtay Soomaalida. Soomaalida ku nool Falköping ayaa si isku duubni ah ugu istaagay u doodida xuquuqdooda iyadoo sidoo kale Falkoping ay tahay magaalada Anders Lindström oo ah abaabulaha ururka Nätverk för rätten till familjeåterförening ama Shabakada u istaagtay xuquuqda mideynta Familida.

Hadaba halkaas waxaan kula kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magalaadaas iyagoo dareenkooda ku aadan doodii baarlamaanka ka dhacday 4 May halkaa ku soo bandhigay.

Sidoo kale waxaan wax ka weydiiyay Anders Lindström sida uu u arko miraha doodaas isagoo si kooban iigu sheegay in uusan markii horeba ka fileyn in wax ka soo baxaan balse aysan ahayn in albaabada oo dhan ay xirmeen. Anders ayaa u muuqday mid aan sidaa ula dhacsaneyn heshiiskii ay horey u gaareen dowlada iyo Xisbiga MP oo hada u muuqda rajada Soomaalida.

Dhinaca kale waxaan wax ka weydiiyay in ay dareenkeeda cabirto Christina Höj Larsen oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka taasoo si weyn ugu dooday xuquuqda mideynta familda doodii baarlamaanka. Christina ayaa ii sheegtay “Waxaan dareemayaa ceeb sida aan ula dhaqanay caruurta iyo waalidiinta. Ma qiyaasi karo culeyska haysta waalidiinta Soomaaliyeed. waxaan rajeynayaa in aad is caawisaan oo dadaalka sii wadaan”.

Waxay intaas ku dartay in ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto in arintaan la xaliyo sida ugu dhaqsiyaha badan balse waxa ay sheegtay in iyadu ay ka soo jeedo xisbi yar Vänsterpartiet oo aysan awood u lahayn in baarlamaanka ay mooshin ka gudbiyaan.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida Sweden ayaa waxay ka filayeen in baarlamaanka Sweden uu go,aan deg deg ah ka gaaro arimaha mideynta familada balse taas ma dhicin ee arinta waxay isugu shubatay heshiiskii ay dowlada iyo xisbiga MP horey u gaareen. Akhristayaasha Somaliska.com ayaa si weyn u dhaliilay dowlada iyo baarlamaanka Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here