Soomaalidii ugu horeysay oo xubin ka noqotay xisbiga cunsuriga SD

Wararka naga soo gaaraya magaalada Göteborg ayaa sheegaya in xubintii ugu horeysay ee Soomaali ah ay ku biirtay xisbiga SD (Sverigedemokraterna). Ninka lagu magacaabo Jörgen Fogelklou oo ka tirsan maamulka SD ee magaalada Göteborg ayaa bogga Twitter ku qoray in ay xisbigooda ku soo biirtay haweeney Soomaali ah. Magaca haweeneydaan ayaan la shaacin.

Xisbiga SD ayaa lagu yaqaaanaa in ay yihiin kuwo aad u neceb Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta. Qofka ku biiray ayaa la dhihi karaa waa mid aan la socon xaqiiqada SD ama ka dooratay sharafteeda in idaacadaha laga sheego iyo xoogaa dhaqaale.

Waxaa sidoo kale macquul ah in haweeneyda ku biirtay Sverigedemokraterna (SD) ay ku qaladay xisbiga Socialdemokraterna (S). arintaas ayaa macquul ah maadaama afti ururin aan dhowr jeer ka sameeyay Somaliska.com ay soo bandhigtay in 8% Soomaalida ku nool Sweden ay u codaynayaan xisbiga SD taasoo ah tiro aad u badan, ayna u badantahay in ay ku qaldayaan xisbiga S.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Faa,id says:

    Asc Jimacaale iyo dhamaantiin Jimacaale codeyntaad qaaday codeyn rasmi ah maahan ee dadka ku dhuftay SD. Ma rabaan,e waxay ka wadaan ciyraar ciyaar. Sababtoo ah Soomaali waa taqaan nidaam ma soo arag intooda ka yar da,da 30 jirka. Haweeneydaana waan ka xumahay hadiiba ay dhab yahay warkaasi. Soomaali nacayb qof wax waa u sameyn karaa oo waxaa jira dad badan oo Soomaali naceyb wax xun u sameeyey , waxaa la arkay kuwo diinta Islaamka uga baxay. Yareysan maayo in xisbina lagu biiro mid lagu soo bandhigay Stockholm oo raadiya Sweden qeybta Af-Soomaaliga 2012 dii waliba Ramadaan, Soomaali naceyb ayaa igu qasabtay ayuu sheegayey iyo waliba dhaqaale ayaa jira sida aan aaminanahay inuu u galay diintii hore ee la bedbedlay. Marka waxaan oran lahaa Soomaalidu ayada dhexdeeda ha laga heshiisiiyo oo dadka waligood la dhibi jirey ha daweystaan kuwa kale ee wax takoora si aysan walaalaheen noogu caroon waligood, teeda kale shaqada wey isku yastaa waxyaabo badan oo xirfad shaqo ah ayey dadka wax ugu dhibaan waana nin muhiim ah oo shaqada uu u hayo ay bulshada muhiim u tahay hadana meel uu ka galo ayuu waayey umaddii weyna u baahan yihiin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 2

  2. faarax says:

    Waxkasto weyka surtooda Caloshiisa u shaqeystaha. Xisbiga cunsuriga SD wey ka buuxaan ajaanib dantooda qaaska wato.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  3. Axyaa-Wadani says:

    XISBIGA [Cunsuriga SD ma necba Soo Galootiga Kirishtaanka ah lkn midka loo dan leeyahay
    waa Muslimiinta soo Galootiga…. Qofka Gaalka ah ama Diinta Islaamka Riddoobay way rabaan, waana Gabashii MONA Waltel ee Gaasha aheyd waxa galay sidaan u maleynaa.] Gaalnimaa Kulmiday Cadaabtuna way kulmin doontaa Haddii aadan Soo Laaban oo Soo Hanuuni

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  4. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  5. xussen says:

    siyaa sada waa sida banooniga adigoo bidix kasugayo lakaasiiyay midix qofka ku biiraane kuleey hadafoow kaleeyahay laakin meesha kama marno ina leesyiraado ii camir dhaqaalahaane qaado biri kamaalin dad badan ayaa la leeyhay weey itaageereen sida sax taahne waa shaqsiyaad qaaday dhaqaalo marka siyaa sada ayaa ba ah furaha la gu galaa ina aat dhaqaalo hesho soona aan baxto ama aad adiga aad bixito qadhaalo silagoodoorto inkastoo swedhan leesku doorto dalka iyo dadka qofkee u wanaagsan tusaale ahaan waxbarashada shaqada siyaasada midowga yuruB iyo kuwa kaloobadan . kuleey qofka hada kubiiray SD . oo soomaligaa lama dhihikaro waa qof larabo ina oow wadanka wax kusookur dhiyo laakin waxa oow rabaa xisbiga ina oow helo taageero somali taasi siseey kuhili lahaayeen wadada ugu fudud waa ina dhoow qof lala heshiiyaa wax lagula heshiiyaba kadibne eey ayika dadka eey kasoojeedaan kusooleexiyaan SD WAX intaas dhaaf kaas kadibne oow dhaho SD waxan heestaa taageero badan oo eey isiiyeey dadkaan islaamkaa waxa taageerayne waa shaqsiyaad qaatay dhaqaalo SD wax eey tihiin waan garaneeynaa tani waa aragtideeyda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0