Soomaaligii gabadha dilay oo la sheegay in uu waalan yahay

Wiilkii Soomaaliga ah ee gabadha ku dilay magaalada Mölndal ee duleedka Göteborg bilowga bishii Janaayo ayaa dhaqaatiirtu sheegeen in uu waalanyahay. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in xiligii uu ninkaan gabadha dilka u geystay iyo marka laga qaaday baaritaanka caafimaadka uu ahaa mid madaxa looga jiro.

Dhaqaatiirta ayaa ku taliyay in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan ninkaan oo markii hore da’diisa lagu sheegay 15-sano jir balse isbuucii hore ay Laanta Socdaalka sheegtay in uu ka weynyahay 18-sano. Haddii baaritaanka ugu dambeeya uu muujiyo in uu waalanyahay wiilkaan ayaa dhaqaatiirtu waxay ku talin doonaan in la geeyo xanaanada dadka waalan ama maanakoobiyo oo aan xabsi la dhigin.

Wiilkaan ayaa middi ku dilay gabar u dhalatay wadanka Lebanon oo 22-sano jir ah taasoo ka mid ahayd shaqaalaha guriga uu ku noolaa.

Dilka uu geystay wiilkaan ayaa argagax weyn ku dhaliyay Swedishka, iyadoo markii hore la sheegay in madaxa looga jiro balse dambi oogaha ayaa sheegtay in ay wali baaritaan ku hayaan wiilkaan oo aysan sheegi karin in uu xanuunsanyahay iyo in kale.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. mohamud says:

    Asc all lkn diinta islaamku maqabto in aad dishid qof gaalo xitaa hadii uusan xarbi ahayn. marka waa qalad in aad dishid qof aan waxba galabsan . ok mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Aqyaar says:

      Sifiican ma u aqrin miyaa qoraalka,
      wiilka wuu waalan yahay ayaa lagu dhahay
      Gaal iyo muslim ma taalo meesha

      Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  2. Kabtan matii says:

    Tolw waxaan MA xeyihiin MA hada diin ayaa laga hadley

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. omari says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 9

  4. IkNowWhatUdidLastSummer says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 9

  5. Dhuusaayee says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 8

  6. Abdifatah says:

    Dhuusaaye adi aqligaaga waa dhuuso lee war wof waalan moxoo ogyahay miirbo ma leheen markoo wax dilaaye

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. kabtan lii says:

    Dhuusaaaye adiga ayaaba waalan afsoomaali maba taqaaanit

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1