Sweden in aad shaqo ka hesho waxay ku xirantahay inta qof aad taqaano

Sida aan wada ognahay way adagtahay in shaqo laga helo Sweden, qaasatan haddii aad tahay qof soo galooti ah oo aanan aqoon dad badan. Shaqooyinka inta badan ayaa lagu helaa inta qof aad taqaano, iyadoo si hoose dadka is-yaqaana ay isku shaqaalaysiiyaan. Balse su’aashu waxay tahay sidee ayaad ku baran kartaa dadka muhiimka ah ee shirkadaha maamula?

Taasi ayaa waxaa hadda kaa caawinaya shirkad lagu magacaabo Diversitas oo abuurtay barnaamij muhiim ah oo ay isugu keenayaan dadka shaqo doonka ah iyo maamulayaasha shirkado gaaraya 2000. Taasi oo kuu sahlaysa in aad xiriir la samaysato dadka sameeya go’aamada shaqaalaynta ee shirkadaha yaryar iyo kuwa waaweyn ee Sweden.

Shirkada Diversitas ayaa la shaqaysa xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) qaasatan barnaamijka lagu magacaabo Stöd och matchning. Haddii aad ka qorantahay xafiiska shaqada ayay shirkada Diversitas bilaash kugu caawinaysaa, iyagoo kaa saacidaya in aad barato dadka muhiimka ah ee shaqada ku siin kara isla markaana kuu diyaarinaya wareysiga shaqada iyo CV qurxoon.

Haddaba haddii aad ka qorantahay Arbetsförmedlingen, waxaad soo dooran kartaa shirkada Diversitas, adiga oo la xiriiraya gacanyarahaaga. Aqoonsiga shrikada Diversitas ee Arbetsförmedlingen waa KA: 10046001.

Wixii su’aalo iyo faahfaahin ah kala xiriir:  073-5051822, nyttjobb@diversitas.se ama booqo www.diversitas.se

diversitas

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Sayid says:

    Kulan Kun shaqaale ah iyo 10 arbetsgivare oo hal saac kaliya ah, oo mid Walba intuu sabuurad yar ku qorqoro shirkadiisa magaceeda iyo halkay ku taalo ah weeyaan.
    Marka sheekadan waxaan u arkaa niman shaqadu ku badatay oo nasasho kujira waxbana masoo kordhinayaan.
    Shirkadan cusub ee aad xayaysiinayso ee Diversitas-na projekt ayay kusoo qaadatay beentan waxba ma hayso.
    Timirtii horeba dab loo Waa ku dheh ..!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. Filis says:

    Sayid walal waad asiibtey runti balse coachningka shaqo ma bixiyo ee wadada ayu ku saxa oo lugu heli laha shaqada waxana hela kaliya qofka dedala

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Ali Najiib says:

    sheekadaan maahan wax jira shirkadaani waxay ushaqaynaysa qaabkii lots ka ama hagayashi shaqada lagala noqday waana dad raba iney iyagu lacag kuqataan dadka

    qofkii shaqo ubaahan xirfad ha barto sitoos ahna ha u raadsado shaqada waabeen sweden shaqo mataalo iyo wey adagtahay inaad shaqo ka hesho . yaan dadka niyada laga jabin wadanka shaqo waa buuxda weliba heerkena ah lkn in laraduyo in xirfad labarto ayey ku xiran tahay shaqadu

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0