Sweden iyo daris xumada

Shalay ayaa magaalada Karlstad waxaa laga helay meydka haweenay waayeel ah oo labo sano ka hor ku geeriyootay gurigeeda. Haweenaydaan ayaa in ka badan labo sano dhextaalay gurigeeda iyadoo aysan cidna tabin in ay dhimatay. Ka dib markii ay shaqaale booqdeen gurigeeda ayaa la ogaaday in ay mar hore xijaabatay.

Dariska ayaa sheegay in aysan muddo badan arag haweeneydaan balse marnaba ma aysan isku dayin ay booqdaan gurigeeda. Arintaas ayaa ah dhibaato weyn oo ka taagan Sweden iyadoo aysan darisku xiriir wanaagsan lahayn. Daris xumada Swedishka ayaa ah mid sabab u ah fashilka isdhexgalka soo galootiga iyo Swedishka.

In haweeneydaan ay muddo 2 sano ah dhextaalay gurigeeda iyada oo aysan cidna tabin ayaa muujinaysa fashilka bulshada wadankaan iyo muhiimada ay leedahay iska warqabka dariska. Swedish badan ayaa ah kuwo kaligood nool oo aan wax famil ah lahayn, isla markaana ay caruurtoodii ka guureen guriga.

Ma ahan markii ugu horeysay ee qof waayeel ah gurigiisa laga helo isaga oo meyd ah, iyadoo dhacdo midaan la mid ah ay sanadkii hore ka dhacday magaalada Stockholm oo laga helay nin oday ah oo gurigiisa dhexyaalay labo sano.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. Ahmed cade says:

    Allaahul mustacan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. caqli says:

    Mawduucan wax caqliga galaya maaha maxaa yeelay qoodobadan hoos ku qoran daraadeed 1. Miyaan mayd hal bil yaala aanuu qudhmeen iska dhaaf 2 sanee 4 km oo isku wareegana laga soo uriyeen 2. miyaan cid daris la ahayn Urta qadhmuun ee maydka urisa ileen maydku talaagad kumuu jirine oo wuu qarxayaaye 3. miyaan qolodii guriga ka kiraysay lasoo xidhiidhin 2 sano oo dhan gudaheed, hadii ay yadu guriga leedahayna shirkadaha laydhka ama is gaadhsiintu biil ka raadin 3. Miyaan dawlad ka war haysa qofka oo hadii uusan qofku shaqayn ka war heshaa jirteen. waxaas oo dhan is waydii markaad mawduuca soo qorayso maaha in aad waxaad rabto soo qorto wax caqliga galaya keen.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 26 Thumb down 6

  3. abdow says:

    Ilaaheey ayaa dad islaam ah inaga dhigay alxamdulillah, daris wanaaga iyo xiriirka ino dhaliyey qof islaam ah iska daaa isbuuce 2 maalin guri meyd kuma uusan ahaateen iyadoo eysan jirin wax og. ilaahoow so hanuuni inta baadiyeysan.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. ali says:

    Bro waxa aad sooqoreysaan ee bulshada daalacaneeso hanoqdaan wax macquul ah.meyd ayaa 2 sano guri dhaxyaalay.igamadaadagin.meydka miyaanan ureenin.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 11 Thumb down 7

  5. hiibo says:

    Waay dhiici karta waan waxa hore u dhacay waxa macqul aha inay daganayd guri villa aha bilashana si tosa loga gosan jiray, waxa kalo macqula inaay ahayd qof waa wany o beshina bilkeda si tosa ugu so diraan . Midna ku darso dadkandadkan waay safar badan yihin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  6. Somali wa 5 maaha 1 says:

    Somali maryoolay buuq iyo muran ayay la tagan yihin, islaantaa dhimatayna maydunu ku murmi, waa wax macquula oo marar badan ka dhacda Europe, 2 sano ayaydunu la yabantihiin Holand 11 sano ayay taalay islaan sidanoo kalle

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. fuad says:

    Waxaad ubaahantihiiin Course sida loo alifo hadalada beenta ah lkn runta u eg

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  8. Umu Ruwaida says:

    subaxanallah..xita somalida sweden dagan ayaa ka daray swedishka iyaguba isma dhex galan.. meeshu meel maha lagu noolado dad xumo iyo cimilo xumo ayay isku darsadeen ilaa dadkii ajanabiga ayay qalbigooda xumeeyeen

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  9. luul says:

    asc
    waad ku wareer teen isweydiinta weydka qofka waxa laga yaabaa in uu asiga leeyahay kurigiisa wixi räkning ahna outomatig looga goosto kontadiisa wixii uu beeshin lahaana bilwalba ku soo dhacaan koontada mida urka xagiisa ah waa sax in uu qofku uro laakin sida dadka u kala hilboon yahay ama u kala buuran yahay ayuu u kala ur badan yahay hadii uu caato yahay qofku ur badan ma yeelanayo mida kale guryuhu waa xiran yihiin si sahal ah kuma gudbi karo urku marka wey dhici kartaa ayaan qabaa anigu arintaas lamidha ayey ku dhacday islaan soomaali ah oo ku noolaan jirtay wadanka holan wexel leheed gabar yar oo 12 jir ah oo ey aaba heed kala tageen gabadhii oo aaba heed ku maqan ayaa tii rabi u timid

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  10. jeri says:

    odey norwejian ah ayaa sidaan camal gurigiisa kudhax dhintay 3 sano… 2 caruur ayuu lahaa, xiriirkoodii wuu jaray intuunan guriga kudhiman, caruurtiisii ayaa dabadeed wexey goaan sadeen in aabahod laxiriiraan, gurigii markey yimaadeen ayaa iridii laga furi waayey, kadib ayee poliskii u waceen, gurigii villada ayeey jibiyeen dabadeed wexey arkeen aabahood oo qalfoof ku noqday isagoo fadhiga fadhiyo…ilahow cidlo hanagu dilin.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. runsheg wacebsheg says:

    kaalaya ma wexeynu doonaynu isugu sheekeynaa beentaan cad oo aynu ujeedno miyeynu qaadana mida labaad islaantaan haba dhimato oo yaan loo warheyn marki ay geeriyooneysaye miyaaney kamuunku cid daryesha ooo guriga ka hagajisa usoodiri jirin miyaanay deriskeedu usoo urin qurumuunkeedu markay dhimatay miyeysan jirin shirkad guriga iskaleh oo kirada iyo korantada laga qadijirn war JIMCAALE wax caqligala keen sxb oo dadku qadankaraan mid asbuuc kayar baqtisneyd ayaa xafad igudhow qurmunkeda laga daremay oo polic lyo ambalance lowacay alaaba walabo sano ee mise tani midqurmaysa oo soo uraysa mayey ahayn

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. Umu Najib says:

    Arintan waa dacdo run ah ka aqriso joornaalka aftonbladet http://www.aftonbladet.se/nyheter/article19840112.ab

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. caqli says:

    Sory dad caqli yar ayaa jira oo aan maskaxda sidii ilaahay ugu tala galay u rogayn oo aan fakarayn malaha Caydhaa fikirkiiba ka qaaday, iminka gabadhaas leh qofka dhuuban ma uro, aadbaad u khaldantahay walaal maskaxdaadana ma aadan tuujin, jiirka ama bisada amaba aygaba hadii ay Guri ku dhex bakhtiyaan waxaa urinya bulshada Agagaarkaas maraysoo dhan, waxana lais waydiinayaa maxaa meelahan ku bakhtiyay dadkuna waa dad cilmi leh oo way garanayaan in waxa urayaa yahay shay bakhtiyay, markaas sideed ugu fakartay in qof dhan oo noolaa markuu rawaxo uu bilaa ur noqdo walibana iskadaa Jaarkee dadka istaraydada maraya ayaa Urinaya, waxaa jiray oday goblana yacnii aan waxba dhalin noloshiisa oo somalia joogay wuxuu lahaa Guri wayn oo gooni u goan kaligiis ayaan u hooyan jiray, maalin maalmaha kamid ayuu geeriyooday deetana mudo ilaa 4 cisho oo kaliya ayaa lagu qiyaasay intuu ka maqnaa meelaha uu wax ka iibsan jiray. deetana maalintii shanaad ayaa urtii ugu badnayd ayaa qabsatay xaafadii uu daganaa iska daa jaarkee dadkii xataa ag marayay iyo kuwii baabuurta ku soconayay ayaa la dawakhay urta intan leeg halkay ka imanayso, wixii la yaabanaadaba maalintii lixaad ayaa dhexaan farabadan bulaacada Guriga kasoo Qul Qulay ileen maydkiibaa qarxaye, deetana sidaas ayaa lagu ogaaday Urta ayaana sababtay in la ogaado ee isaguba cid booqnaysay may jirin cid account number wax ugu diraysaana may jirin, mudaduna waxay ahayd 6 maalmood oo kaliya, maasaa 2 sano laga sheekaynayaa, ma isagaa qofka lafihiisa mooyaane laba aqoonsan karoba ciduu yahay, maaha khuraafaadka iyo waxyaabaha gaaladu websaydada iyo wargaysyada kusoo daabacaan ee ay is leeyihiin ha gadmo ama Credit halalgu siiyo in aynu soo qoro waa in bulshada waxaynu u sheegayno ka shaandhaynaa, ileen qaar qaadanayaa jiree oo caqli gaabee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  14. luul says:

    asc
    walaal waa sax lkin la soco in ey kala hawo duwan yihiin Sverige iyo Soomaaliya ex waa kuleyl Soomaaliya oo waxyar kadib qofku waa uu bararayaa kadibna dilaacayaa lkin halkaan waa qabow
    tusaale ahaan marka aad cunto karineysid soomaaliya waxaa caraf teeda laga arkaa meel fog
    Sverige ne kushiinka hadii albaabka loo laabo qolka fadhiga kama arkeysid marka sidaa ula soco dadka kaa waayo aragsan ha ku oran waad qaldantahay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  15. caqli says:

    luul adiga ma waxaad ka mid tahay dadka khuraafaadka aaminsa, yaadse ku sheegaysaa in ay iiga waayo aragsanyihiin, teeda kale sweden iiga sheekayn maysid sanadka dhamaantiina maaha qabow, teeda kale somaliya marka la dhaho waxaad niyaysanaysaa Mugdisho oo olol ah bal caqliga tuujiyoo ma is leedahay sweden meel ka cimilo qabow ayaa jirta oo somalia ka mida oo sanadkaba yadu qabow, adeer iska aamus Tahriib ayaad kusoo gashee wax ma garatayahay wax walba laga dhaadhicinayo, wixii khaldana Bulshada in aan ka qabtaa waa mid ilaahay igula xisaabtamayo nooc walbana ha ahaadeene, waa hadiiba aan aqoon dhaamo wabilaahi tawfiiq, kuyeeh maydbaa 2 sano guri yaalay oo la helay, wax walba maxaa la arakayaa dee wax kalena waydun keeniba hadii cid walbaa wax idinka maqasho.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  16. geeso riyaad says:

    Kkkjkjjkkkk reer sweden laba sano ayaad la yabantihin waxa magalada aan daganahay ee holland laga helay sanadkii hore islaan 10 sano kahor dhimatay oo aan cidna ogaan ilaa wakhtiga ilaa batana waxa lala yaaban yahay sababta loo ogaanwayay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. luul says:

    kkkkkk bal qoftaas wax u sheega umada ayaan wax ka difaaci ku leh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. ali says:

    arintaan horta waa wax laga naxo waa na eey kudhacdaa dad badan oo dunida kunool tusale ahaan ustaleeiya sadadkii hure midaan camal ayaa kadhacday diriskaana dareemay urkeeda muda badan kadib marka dowlada ayaa laga rabaa ina eey koontaroosha marka oow qofko noolyahay kaligiis tusaale ahaan in gubalkastaaba oow shaqaaleeyo 10 qof oo soo kur meero bishiiba 2 mar xataa eey kawacaan taleefoon si loo ugaado xaalada ow kusuganyahay,. mida biilkaane dadka labiilo lasoowaco ama loojimaado intaas hadii lasoobiyo waa eey yaraa laheed arintan ina eey diriska is booqan waa dhaqan ka swedhan ubadka ina eey katagaan waalid kood ne waa dhaqan . hadaan soo qaato sheeko gaaban oo eey soomaalida isku waanido nin ayaa aabahiis geed ina oow geeyay ayoow kujiri aabo waan kuusoo laabanayaa ee halkaan sii joog kadibne dib uguma soonoqon willkii aaba hiis katagay waa oow guursaday kadib wiil ayow dhalay wiilkii ina oow soowaday ayoow keenay giidkii aaba hiis uga dagay aaba hii dhalay markaas ayoow kujiri aabo waan kuusoolaabanayaa ee sii joog halkaan markaas ayoow kujiri maan dhow geedkaan mayahay geed hebal willkii ayaa ku yiri haa aabo iska sucu ayow ku jiri anigaa uga tagay aaba heey halkaan adigane iisoonoqo maheeysid sheekadaan waxaan usooqaatay waa mida kajirda wadanka swedhan qaarkiis mida kale hada waxanba uga baqayaa soogalootiga xataa ina eey soogaarto .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Ayan says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk mac

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0