Tirada gabdhaha lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah ilaa sanadkii 1982 ayaa la sheegay in ay aad u yartahay waqtigaas oo Sweden mamnuucday gudniinka nuucaas ah. Warbixin ay soo bandhigtay jaamacada Uppsala ayaa lagu sheegay in 9 gabdhood oo keliya lagu sameeyay gudniinka fircooniga inta la,ogyahay. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sweden ay soo galeen 20,000 00 gabdhood oo ka yimid wadamada Somalia iyo Eritrea kuwaasoo da'dooda ka yartahay 18 sano, balse 46 dacwo oo keliya ayaa la soo bandhigay ilaa 1982, iyadoo 9 ka mid ah la xaqiijiyay, halka 2 kiis oo keliya la xukumay. Balse warbixinta ayaa lagu sheegay in ay aaminsanyihiin in gabdho badan lagu sameeyo gudniinka fircooniga balse inta badan loo kexeeyo dibada oo aysan dacwo ka imaan. Si kastaba ha ahaatee, gudniinka fircooniga ayaa ah mid dhibaato ku ah dumar badan oo Soomaaliyeed waloow sanadihii ugu dambeeyay wacyi kalin balaaran la sameeyay. Sweden ayay sharci daro ka tahay in gabdhaha dibada loo kaxeeyo oo la soo gudo iyadoo arintaas ay keeni karto in waalidiinta xabsi lagu xukumo iyo in la ganaaxo.

Sweden iyo gudniinka firacooniga

Tirada gabdhaha lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah ilaa sanadkii 1982 ayaa la sheegay in ay aad u yartahay waqtigaas oo Sweden mamnuucday gudniinka nuucaas ah. Warbixin ay soo bandhigtay jaamacada Uppsala ayaa lagu sheegay in 9 gabdhood oo keliya lagu sameeyay gudniinka fircooniga inta la,ogyahay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sweden ay soo galeen 20,000 00 gabdhood oo ka yimid wadamada Somalia iyo Eritrea kuwaasoo da’dooda ka yartahay 18 sano, balse 46 dacwo oo keliya ayaa la soo bandhigay ilaa 1982, iyadoo 9 ka mid ah la xaqiijiyay, halka 2 kiis oo keliya la xukumay.

Balse warbixinta ayaa lagu sheegay in ay aaminsanyihiin in gabdho badan lagu sameeyo gudniinka fircooniga balse inta badan loo kexeeyo dibada oo aysan dacwo ka imaan.

Si kastaba ha ahaatee, gudniinka fircooniga ayaa ah mid dhibaato ku ah dumar badan oo Soomaaliyeed waloow sanadihii ugu dambeeyay wacyi kalin balaaran la sameeyay. Sweden ayay sharci daro ka tahay in gabdhaha dibada loo kaxeeyo oo la soo gudo iyadoo arintaas ay keeni karto in waalidiinta xabsi lagu xukumo iyo in la ganaaxo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Abu-Salaaxu-Diin says:

    Asc, War waxaan Diin , sal kuma lahan ee gabdhaha yaan Aduunka Lagu Ciqaabin !!

    Gabadha la Gudo Furcooniga , Dunidana waa lagu ciqaabay , oo gudashada xaajadeeda ee saygeeda dhib ayay ku qabtaa , dhalmada awlaadeeda dhib ayay ku qabtaa qaarbaaba u umul raacaa , mida kale mar walba oo saygeeda la kulmee way dhibsataa gabdha sidaan loo gudo waayo waxay ogsoonta dhibaatada kala gudboonaanee , sidaa awgeedna waxaa dhacee in ayba saygeeda kar hato . Wallaaaahi Waa Dhiiiig La galay Aaakhirana waa la is warin ee Alle uga baqa Gabdhaha Jirkooda aad iska jarjaraysaan !!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Daade yare says:

    A.s.c. Dhamaan somalaay salantas kadib abwanba wuxuyiray ninba dahab lumay si u don don.macnaheyga qofba mel aya udaran aniga ka (daade) ahan waxaiga sual ah qofku ma og yahay in qoralkisa uu kabixinayo ariktida dhabta ah uqofka leyahay muhim ma aha in feskaga layaqano lkn jawbta u qofka kale kusiyo kacabirqado waxa atahay orasmiga ah hadi lagudhaho walal thanks macnaha waxatahay qofmacqul ah hadise hadalada qar adlakulanto iskunoqo o fani hamodin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Daade yare says:

    Walala yal halheyka wabku waa,waalobahan yahay fikirkaga hadaba ogow waxalo bahan yahay maha fikirka aan cafimadka laheyn tasna wexey qebka qadandonta mustaq balkaga hamodini qoralkaga ogow markasta in uu tusale kabin nayo garadka (BAR AMA BARO) isha alahu kama dali dono wag isfarida thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. xamdi sweden says:

    jag hatar walahi…… jag kan inte höra om det?
    snälla somaliska föräldrar!!!!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. asc says:

    asc waxaan dhihi lahaay iney walidiinta ey ka firsadan inteyna sameyn qaladkaas ille nafti caruurtadi ayaa qadar galine

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. jaajuus says:

    waa wx aad u fiican waayo markaa jidhkooda kama ganacsanayaan … sidaa kuwada oo ka rifa geedka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. maslah says:

    asc all aniga ma qabo in gabadhaheena loo gudo fircooni

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0