Sweden oo sharci rasmi ah siinaysa dhamaan qaxootiga Syria

22

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa isbuucaan ku dhawaaqday in dhamaan qaxootiga ka soo cararaya dagaaladamigrationsverket-somaliska Syria ka socda la siin doono deganaansho rasmi ah. Qaxootiga Syria ayaa horay loo siin jiray deganaansho ku meel gaar ah balse Laanta Socdaalka ayaa hada xitaa kuwii hore siin doonto mid rasmi ah.

Sababta ka dambaysa isbedalka ayaa lagu sheegay in xaalada Syria ay tahay mid ka sii daraysa isla markaana uusan muuqal xal degdeg ah. Sweden ayaa noqonaysa wadankii ugu horeeyay ee ka tirsan Midowga Yurub ee deganaansho rasmi ah siiya Siiriyaanka. ilaa 8000 qof Syrian ah ayaa hada ku nool Sweden oo haysta sharciga ku meel gaarka ah iyagoo dhamaantood loogu badali doono mid rasmi ah. Waxaa kale oo fursad loo siin doonaa in ay dalbadaan reerahooda.

Jaaliyada Siiriyaanka Sweden ayaa soo dhawaysay go’aankaan balse sidoo kale walaac ka muujisay in go’aankaan uu albaabada u furi doono qulqulka soo galooti badan oo lacag bixiyay. Waxay sidoo kale sheegeen in ay walwal ka qabaan in arintaan ay saacido xisbiga cunsuriga ah ee SD oo markasta ku dooda in qaxootiga carabta iyo Muslimiinta ah ay qabsan doonaan Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here