Sweden oo soo bandhigtay qorshe looga hortagayo xagjirnimada

2

Dowlada Sweden ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku bixi doonto lacag gaareysa 62 milyan oo karoon kaasoo looga hortagayo waxa loogu yeero xagjirnimada. Qorshahaan oo ay fulin doonaan ururo badan oo dowli ah ayaa muhiimadiisu tahay in la yareeyo qatarta xagjirnimada.

Wasiirka Dimoqraadiyada Sweden  Birgitta Ohlsson oo soo bandhigtay qorshaha ayaa sheegtay in weerarkii Stockholm ka dhacay sanadkii 2010 ee uu isku qarxiyay ninka Muslimka ah uu soo bandhigay in Sweden ay qatar ku jirto. Waxay kale oo soo qaaday weeraradii ka dhacay Norway ee ninka cadaanka ah uu dadka badan ku xasuuqay.

Qorshaha dowlada ayaa wajahaya 3 qeybood oo ka mid ah bulshada oo kala ah kuwa u dooda awooda cadaanka, kuwa bidixda fog iyo islaamiyiinta. Wasiirada ayaa sheegtay in ay jiraan dhowr boqol oo qof oo u nugul in ay qalalaase sameeyaan oo la doonayo in isha lagu hayo.

Wasiirada ayaa diiday in ay koox gaar ah farta ku fiiqdo iyada oo sheegtay in qorshaha uu muhiimada siinayo dhamaan sadexda kooxood. Muhiimada ayay sheegtay in ay tahay ka hortaga xagjirnimada iyada oo la adeegsanayo iskuulada iyo bulshada rayidka ah.

11 December 2010 ayay ahayd markii ninka lagu magacaabo Taimour Abdulwahab uu isku qarxiyay wadada Drottninggatan ee magaalada Stockholm. Qaraxaas ayaa abuuray shaki weyn oo laga qaaday Muslimiinta Sweden iyo in farta lagu soo fiiqo dhamaanteen. Weeraradii ka dhacay Norway ayaa iyagana culeyska ka qaaday Muslimiinta oo tooshka ku daaray cunsuriyiinta qatarta ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here