Swedish badan oo doonaya in ay la saaxiibaan qaxootiga

9

Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u soo kordhay tirada Swedishka doonaya in ay saaxiib la noqdaan dadka qaxootiga ah ee wadanka soo galaya. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay cirka isku shareereen tirada qaxootiga wadanka soo galaya isla markaana saxaafada Sweden iyo caalamka ay xooga saareen soo tabinta macluumaadka la xiriira dhibaatooyinka ay soo maraan qaxootiga.

Hay’ada Laanta Qayrta Cas  (Röda korset) ayaa waxay qabataa barnaamij ay isugu keenayaan Swedishka iyo soo galootiga, kuwaasoo kaffe wada caba, iyadoo ujeedadu tahay in ay  sidaa saaxiib ku noqdaan. Shaqaalaha Laanta Qayrta Cas ee Stockholm ayaa telefishinka SVT u sheegay in ay faraha ka bateen Swedishka iska diiwaan galinaya barnaamijkooda, iyagoo hada heli la soo galooti doonaya in ay saaxiib la noqdaan Swedishka.

Arintaan ayaa ah mid xiiso badan isla markaana muujinaysa xaalada murugada leh ee ka jidha Sweden. Dadka Swedishka ah ayaa lagu yaqaanaa in ay yihiin kuwo ay aad u adagtahay in lala saaxiibo balse hadda ayay dareemayaan in qaxootiga dhibaataysan ay ku caawin karaan saaxiibnimadooda.

Markii aan arkay warbixintaan ayaan aad ugu qoslay waayo saaxiibtinimadu ma ahan mid sidaa ku abuuranta ee waa mid ku dhisan niyad sami iyo jaceylka in aad dadka dhaqamada kale la kulanto, balse in Laant Qayrta Cas ay isku keento dadka in ay saaxiibaan ayaan u arkaa saaxiibtinimo bugg ah oo aan dhab ahayn.

Haddii Swedishka ay daacad ka tahay in ay ajaanibta la saaxiibaan ayay guryahooda ku soo dhaweyn lahaayeen, oo dadka la sheegaysan lahaayeen, oo shaqada ka caawin lahaayeen balse in waayeelkooda ay dhowr saacadood oo wax ay qabtaan waayeen ay kaffe kula cabaan wax macno ah ma soo kordhinayso.

Sidee u aragtaa adigu akhristoow saaxiibtinimada nuucaan ah ee la soo maareeyay?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here