Swedishka iyo sida ay u arkaan dhaqamada kala duwan

Cilmi baaris ay sameysay jaamacada Uppsala ayaa lagu soo bandhigay in dadka Swedishka inta badan ay la dhacsanyihiin dhaqamada kala duwan ee bulshada dalkaan ku nool. Sanadkii hore 5.7% dadkii la waydiiyay sida ay u arkaan dhaqamada kala duwan ayaa aad u diidanaa halka sanadkaan ay tiradaas hoos ugu dhacday 4.9%.

Sida lagu soo bandhigay cilmi baarista, dumarka ayaa ka aragti wanaagsan ragga marka laga hadlayo dhaqamada kala duwan. Tirada dumarka ah ee diidan dhaqamada kala duwan ayaa kala bar ka yar mida ragga.

Balse 80% ragga iyo dumarka ayaa waxay shuruud adag duldhigeen dadka soo galootiga ah iyagoo dalbanaya in ay qaataan dabeecadaha iyo hab dhaqanka dadka Swedishka ah.

Arinta dhaqamada kala duwan ayaa ah mid dood dheer ka dhalisay wadamada Yurub iyadoo kuwa cunsuriyiinta ah ay sheegaan in aan loo baahnayn bulsho dhaqamo kala duwan leh balse la doonayo in dadka oo dhan ay isku hal dhaqan qaataan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. wadani da,yar says:

    waan ogolnahay dhaqamada kala duwan iyo dhaqanka swedish ka haqaataan ajanibta soo hadal iska horimaanaayo ma ahan,qasab ma aha inaan dhaqankaga qaato, hadi aan sifiican uwadanoolnahay oo qof walba kan kale caawineeno waxaa filaya waa enough intas maxa yele dhaqamada kala duwan waa ilbaxnimo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. Aden says:

    Qaado dhankale waxay iila midtahay waalo mana rabo in aan waasho
    caafimaadkaygu waa muhiim.
    dhaqan fiican qofkii rabo waa diinta islaamka ee qaado .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  3. hamdi says:

    asc dhaqanka kala duwan wa ilbaxnimo wana wax lagufano in wadankagu uu yahay mid ay kunoolyihin dad kala duwna wadankaguna yahay mid ufuran bulshada calamka oodhan wa wax qaliya oo an la helikarin marka nasibkinu hadu idinsiyay waxan u arka inay tahay nadibdaro iyo nasib iskumel soowada galay nasibkas wadankaggu manta hadulahanlaha runti waxay ii ahan lahayd wax an ku fano bulsho kaladuwan hadan kuwada nol mel is ixtiram leh qofkasta xoriyadiisa leyahay dhaqankaga ad uga shekaysid kisa kaga shekeyo kutuso ad aragtid adunkan in dadka kunool sida ay qofkasta dhaqankaladuwan uleyahay quruxwaye wana ilbaxnimo adunku ilbaxnimo horleh ayuu usiitalabaya marka gadal inloonoqdo wixiihore iyojahilnimadi lagulabta wa dib u dhac marka horay usocdka aya wnagsan waxn ooran laha kufabna tas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. ali says:

    wa wax muran badan ka dhaliya bulshada ee taas waxa looga bixi karaa in cadanka loo sharaxo dhaqanka islaamka oo diinta ah iyo kan somalida oo ah mid aad iyo aad u wanaagsan waxaan kaloon ku weydina JIMCAALE taleefan leen leen ah ma leedahay ama taleefan comviq aniga lycamobil ma heesto waana raba in ana kula soo xariiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. dade yare says:

    aniga wexey ilatahay in sanadba sanadka kadanbeyo ey wax fahmayaan cunsuriyiintu

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ramla says:

    alah ayan ka magan galay inaan qaato dhaqamo shishiye waxka wanaagsan malahan dhaqankeena ay xanbarsantahay diinteenu masha allah alahayoow noo xifdi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0