Swedishka oo ka xumaaday sharciga qaniisiinta Uganda

Ka dib markii uu madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni  saxiixay sharci adag oo qaniisnimada ka dhigaya mid lagu mutaysanyo xabsi daa’in ayaa waxaa cambaareeyay wadamo badan oo reer galbeed ah. Qaasatan Sweden ayaa cambaareysay sharcigaas iyadoo shalay guud ahaan warbaahinta Sweden ay hadal hayeen.

Wasiirka arimaha dibada Sweden Carl Bildt ayaa sheegay in ay tahay arin aad looga xumaado in madaxweynaha Uganda uu saxiixay sharcigaas, isagoo ku tilmaamay mid ka soo horjeeda xuquuqda aadamaha. Musevani ayaa sheegay in reer galbeedka wax kasta oo ay isku qabsadaan aysan dib uga noqon doonin arinta qaniisiinta.

Sweden ayaa ah wadanka ugu xoriyada badan xaga qaniisiinta, iyadoo wadankaan ay qaniisiintu leeyihiin xuquuqda dadka kale, oo xitaa ay isku guursadaan kaniisadaha.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Faa,id says:

    Wuu asiibay ayan oran kara Musfeni sharcigaas waliba asagoo gaal ah ayuu ka xishooday faxshigaas aadka u xun xoriyad wax kama yaqaanaan ee naftood iyo shahwo raaco shaydaanku u samiray wax xun.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. Mama Mustalifa says:

    Asc dhaman walalaha islamka, Alaha soo hadeeyo dhaman inta xumanta qoom dhan lagu halaagay ku farxaysa Ale ayaa quluubaha xukumee inshalah wadama badan ayaan rajaynayaa inay ku daydaan Musafeni sharciga.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. sahra says:

    waa ka xumadeeen kulahaaaa aar qaniis nima waxba matareeso xitaa hadii sweden xuriyad ku heestaan sidaaas ukuma badno qaniisinta sida wadamada qaar oo africa ah sida southafrica aay qaniisiinta ka buxaan oo wadooyinka aad ku arkeso nin sidii naag ulabisan oo shaqoyin nuuc walba kashaqeyaan lkn sweden sidaas ukuma arkin qaniis sidii naag cml ulabisanayo oo waxa aayba ila tahay in aaysan rabin qaniisnimada oo faaiiido laheen lkn aay tusayaan wadamada aqlika daran sida africa oo hadii ladhahao qaniis xuriyad qaas ayuu leyahay wada qaniis noqonayaan xishood yarna xitaa ku jirin sida aay naag cml ulabistaan ee africa aqli maqabaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. run sheeg says:

    Asc sahra waxa laga qaacina magaca afrikaan muwduuca si fiican u aqri Sweden hadii aadan ku arkin qaniis oo aadna degan tahey wad arki doonta ee afkaaga ka leexi afrikaan adigaba ahe

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. zaynab says:

    asc waxyar hadaan kudarsado idinkoo raali iga ah, suaashaydu waxaaweeyo mawduucan maxaan ka faaiideeynaa hada hadi dhabta laga hadlo anaga dad islaam ah ayaan nahay marka waxa loosooqoray ayaanba fahmi la,ahay waxba nagama quseeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  6. fatma says:

    asc dhaman waan idin salamey salan ka dib ana i sha sareey 2 nin oo somali ah oo qaaniis ah oo naag camal u labisanayayan ilaaah haso hadeyo inta dhunsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Muxammad Cabdullaahi says:

    Ninba siyaasadiisa buu ciyaarayaa ilaah. Balse 2adoodaba ilaah hasoo hanuuniyo anagana khaatimadeena hanoo sugo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. waryaa says:

    MUSEVENI nin libaax iga dheh…denmark iyo norway wexeeyba ku hanjabeen ineey lacagihii uganda ugu deeqi jireen kaga cuna qabateeyaan,, asagana wuxuu ugu jawaabay uganda lacagtina uma baahna, lacagtiinana dhibaato ayee wadataa….

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. khadija says:

    subxaanalah alan kamagan galeenaa sharta ay wadato reer galbeedka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. ashkar says:

    Asc waxan leeyahay kuwa kan wa wa kuwey ku dacday nacalada illahey Madahda kalena iney kudiradan allaha waxan iyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0