Taariikhda Zlatan Ibrahimović

Iyadoo caaway ay wada ciyaarayaan xulalka qaranka Sweden iyo England ayaa waxaa rajo weyn laga qabaa ciyaaryahanka caanka ah ee Zlatan Ibrahimović kaasoo ah ninka keliya ee ay ka cabsanayaan difaaca England. Hadaba maxaad ka taqaanaa taariikhda Zlatan?

Zlatan waxa uu Sweden ku dhashay sanadkii 1981 isagoo ku soo barbaaray xaafada ay soo galootigu u badanyihiin ee lagu magacaabo Rosengård ee magaalada Malmö. Zlatan ayaa waxaa iska dhalay aabe ka soo jeeda wadanka Bosnia oo Sweden soo galay sanadkii 1977 iyo hooyadiis oo ka soo jeeda wadanka Koroweeshiya. Zlatan ayaa bilaabay ciyaarta kubada cagta isaga oo aad u da’yar waxa uu ku biiray kooxda Malmö FF isagoo da’diisa tahay 15 sano halkaasoo uu ku soo caanbaxay.

Zlatan ayaa waxa uu ka midyahay ciyaartoyda caalamka ugu qaalisan isla markaana ugu mushaarka badan. Waxa uu ka dibna Malmö FF u ciyaaray kooxda Ajax ee wadanka Holland kaasoo ay u xigtay kooxda Juventus ee Talyaaniga. Waxa uu mudo badan ka ciyaaray wadanka Talyaaniga isaga oo u soo ciyaaray kooxaha Inter iyo AC Milan oo uu hada u ciyaaro. Sanadkii 2009 ayaa kooxda Barcelona waxay ku iibsatay lacag gaareysa 69 milyan oo Euro balse wax badan uma uusan ciyaarin, iyadoo aysan si fiican isku fahmin isaga iyo qaab ciyaareedka kooxda caanka ah ee Barcelona. waxa uu mudo gaaban ka dib ku laabtay kooxda AC Milan.

Ibrahimović ayaa ah kabtanka xulka Qaranka Sweden balse waxaa lagu eedeeyaa in uusan si hufan ugu ciyaarin xulka inkastoo uu yahay ciyaartoyga ugu muhiimsan ee ay leedahay Sweden. Shacabka Sweden ayaa waxa ay saaraan culeys badan iyaga oo ka filaya in uu koolal badan dhaliyo. Zlatan ayaa lagu eedeeyaa in uu yahay ciyaartoy isla weyn oo u ciyaara si aan firfircooneyn isla markaana aan wadashaqeyn wacan la sameyn xubnaha kale ee kooxda.

Zlatan ayaa sheegta in uu yahay Kiristaanka nuuca katoliga. Waxa uu saaxiib la yahay haweenayda lagu magacaabo Helena Seger oo ahayd aktarad, iyagoo labo caruur ah wadaaga. Zlatan Ibrahimović ayaa waxa uu ka midyahay wajiyada ugu muhiimsan ee soo galootiga Sweden, isla markaana ah mid saameyn weyn iyo magac ku leh wadanka.

Inkastoo uu taariikh weyn iyo magac ku leeyahay ciyaaraha caalamka ayaa la wada dhowrayaa in uu magaciisa iyo xirfada ciyaartiisa uu guul ugu soo hooyo Sweden oo hada ugu hooseysa dhibcaha kooxaha ay isku guruubka yihiin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Mohammed says:

    ASC waxaan rajeenayaa dad fara badani inaysan si qaldan ii fahmin Koley ANIGU waan taageersanahay Sweden waana rajeenayaa inay guuleysato ,taasi micnaheedu ma ahan kalgaceel aan u qabno ee waa un taageero maadaama sweden ay ina soo dhaweysay mida kale walaal Jimcaale Aniga sidaa uguma fiicni Dhanka ciyaaraha adigoo raali ah ma noo sheegi kartaa saacada ay bilaab meyso ciyaarta iyo haddii uu jiro kanaal soo deynaya oo farii lagu daawan karo waad mahadsantahay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Saredo1 says:

    Haguuleysato sweden. hanoolato soomalia kkkkk ciyaaraha waxay kasoo galaan stv1 sacadaha 8:00.9:00 11:00

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. seynab says:

    ASC WALAALO YAAL
    MAHAMMED WALAAL CAYAARTA CAAWA WAXEEY SOGALEEY 20:45 WAXAANA UMALEEYNA ENEEY KASOO GALEEYSO KANAL 4 AMA SVT 2 MIID KOOD. SVERIGR WAXAAN URAJEENA INEEY CAAWA GUUL GARTOO WAYOO WAXAA NAHAAY UMAAD TIIMID LASOO DHWAEEY HADAA SHARCIII YIO GURYOO LAGA SIYEEY CUNADOODA IYO CABDI DOODA CUNAAY WAXANA LEYAAHAY GARAA GUUUR GUUUL GUUUUUUUUUUUUUUUUUL SVERIGE.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. mandeeq says:

    asc sax waaye markastaa aniga xitaa waa ku edeyaa marka uciyaraayo xuulkaa swedan in usan sicifan ugu hagarbixin ibraam markaa ukamaqan yahay ayeena firfircon yihin inkasto ay noxayaysiyaan markastalkn anigaa wan mucadaraa markaa uciyaarayo waayo uma hagarbaxo sa kastaba ha ahaate caawo waxan urajaynaa guuul iyo markastaba oo ay ciyarayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. FM says:

    Sweden ha la garaaco wax lagu taageero bal sheeg oo sharciga ay siiyeen dadka aheyn waxay ku dhigeen intaas oo qoys Soomaaliyeed ah bal fiirsha oo midba meel ku xayiran yahay Sweden 1 England 3. 18,000 oo taageerayaasha jooga garoonka ciyaartu ka dhaceyso iyo inta kale Swedishka ahba ooya ooya waa la idin tumayaaye!!!!????

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  6. omar says:

    Asc aniga waxan leeyahey sweden guuleysta england iyo france waxan rajeynayaa in aad ka badisaan illaahna wadada xaqa ah ha idinkusoo duwo wad mahadsantihiin asxbta iyo jimcaalaba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. bishaaro says:

    Zlatan in u gaal yahay maanta i cadatay yab badana sowka dhaha muslin ban ahay waan sooma laakiin ma dukado …. awalba wax gaal daba socoda ayaga un buku cid yahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. qanciye says:

    as/c waxan leeyahay sweden ha guuleeysato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. roozo says:

    sxb lacagta aad sheegtay lagama bixin waxaa laga bixiyay etoo iyo lacagyar ala iskugu daray 69mayan karoon miyaa lacagtaan mise pound mideeda kale ibra markasto sidaan wu udhelaa emahan qaranka kaliya wayo nin racasho mahan e wa dhameystire ama mo 9 sidaa utaqano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. FM says:

    Sow idiin ma sheegin in la garaacayo Sweden ooya ooya ku dhawaad 19.000 xabsi ayaa Soomaalidii ku rideen mac.S 2 E 3 kkkkkkk Alla nacab leeyayaasha maxaa qabsadey????

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. abooto says:

    asc jimcaale waxaan rabaa in aan suaal ku weydiiyo 1562012 subixeedi idaacada waxay ka hadleysay soomaalida la keenaayo ee maxay sheegtay ii soo jawaab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0