Taksiile lagu dilay Stockholm

Xalay saqdii dhexe ayaa magaalada Stockholm waxaa lagu dilay nin Soomaali ah oo taksiile ah.  Ninka la dilay oo 64 sano jirtaksi

ah ayaa saqdii dhexe lagu dilay xaafada Bergshamra. Markii booliska la wacay ayaa loo tagay marxuumka oo dhaawac ah oo yaala albaabka baabuurka uu waday. Isla goobta ayaa lagu qabtay nin ka mid ah raggii dilka geystay oo marqaatiyaal sheegeen in isaga iyo marxuumka uu dagaal dhexmaray.

Markii hospitalka loo qaaday ayaa marxuumku halkaasi ku geeriyooday. Booliska ayaa sidoo kale soo qabtay nin kale oo looga shakisanyahay in uu lug ku lahaa falka dilka, waxaa sidoo kale la soo xiray haweeney markii dambe la siidaayay. Booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay la soo xiriiraan haddii ay hayaan wax macluumaad ah.

Taksiga uu waday marxuumka geeriyooday ayaa ah nuuca jaalaha ah ee loo yaqaan Taxi 020. Shirkada masuulka ka ah taksiga ayaa ka hadashay arinta, agaasimaha shirkada ayaa wargeyska Aftonbladet u sheegay in uusan marxuumka hawl u hayn shirkada taksiga xiliga la dilay balse uu iskiis u qaaday dadkaan.

Baabuurka ayaa waxaa ku xiran kaamiro duubaysa dhamaan hawlaha taksiga, booliska ayaa hada sheegay in ay baarayaan kaamirada. Mid ka mid ah ragga dilka geystay ayaa boolisku sheegeen in uu horay dambiyo u galay.

Shaqada Taksiga ayaa ah mid ay aad ugu badan yihiin Soomaalida ku nool Stockholm.

War cusub: Waxaan raali galin ka bixinaynaa in aan soo qornay in ninka uu yahay Soomaali, iyadoo ay hada soo baxday in uusan Soomaali ahayn !!!

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. allaa kariin says:

    ILLAHY HA U NAXARIISTO …………….LAKIN ANIGA MEESHA WAXA KU QORAN WAXAANAN FAHMIN Company uu u shaqeynaayy waxey dhaheen wax shaqo ah i noo ma heenin ninkan .. ma waxaa la dhihi karaa saacada shaqada ma uuan STARKERENIN midaa wa danbi oo arintisa kis ayay ku noqoneysaa ….magdhawne ma lahan qofki hadii uusan shidin saacada shaqada MISE QORAALKA AYAA WAX KA QALADAN YIHIN JAWABTA UU BIXIYAY Company bal ila fiiriya

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. ahlam says:

    inaalilah alah hau naxaristo .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. C/risaaq says:

    Allaha u naxariisto.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. Abdilqadir says:

    Alaha unaxtiisto marxuunka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. sumayo says:

    allaah ha u naxariisto marxuumka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. c/rashid cali says:

    ilaali laahi wa inaa ilaahi raajucuun ilaah ha unaxariisto marxuunka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. somali citizen says:

    allayarxama marxuumka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Nuur says:

    Ilaahey ha u naxariisto marxuumka!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Abdi says:

    Ilaahey ha’u naxriisto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. mandeeq says:

    ilahay haa unaxariisto qofbaa malintisaa ayaa sugaysaa ilahay malintena malin qayr leh hakaa dhiigo aaamiin yaa alaha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. sucaad naasir says:

    inaa lillaahi wa inaa ilahey raajucuun ilaahey ha u naxariisto marxuumkaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Osman says:

    alla ha unaxariisto geeridu waa xaq lkn shirkada jawaabtay bixisay mafahmin ma isagaan saacad shidin mise xaqiraada markasta nalagu hayo weeye shaqa kasta iyo goob kasta saas ayaan uxaqiranahay cidna uma maqna ceela uma qodna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. abdi says:

    wax la hubo ha sooqoro ninka somali mahan ee magaciisuna waa Tarmo Suojanen. Swedishkaa dabobabo idinka galay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  14. abdi says:

    wax la hubo ha la sooqoro ninka somali mahan ee magaciisuna waa Tarmo Suojanen. Swedishkaa dabodabo idinka galay.

    Waa dhib inaad waxaan lahubin aad meesha kusooqortaan. Waxaad meesha kusooqortaana waa warkan oo kale iyo waxaan dhaamin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  15. Cabdullahi says:

    saaxiibayaal ninka la dilay soomaali ma ahayn.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Faa,id F.M says:

    Wadanka is gaad gaad ayaa ka bilowday marka alle umadda alle ha ku nabad yeelo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. samira@yahoo.se says:

    samira mohammed waxaa ahya arday jogat dalak iswedhan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  18. dirie says:

    website yo badan a qorey inu somali yahay lakin ma ahan somali

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Madka says:

    Asc wax uu ahaaba kaa dhimayee yaa wax cusub ka haya arimaha 2sano dadki lagu heestay aqayareey jawaabtiina waa muhiim jimcalena arintaa waa uu ka seexday bro war ku saabsan raadi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. hanad says:

    MADKA ARINTAA ANBA WAX CUSUB KAMA MAQAL DADKA LAGU HESTO BAANA AHAY WALI MIGRATIONSVERKETKA KA AMUSANYAHAY LAKIN WAX MAQLAY WAA LABADALAYAA KOLEE ARINTAA BAA SUUQA KUYARA JIRTAA ILAHAY WAX KHYR QABA KA RAJENAYNAA ISHA ALLAAH DHAMAANTEENBA ALLE HA INOGA SO SAHLO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Madka says:

    Asc hanad bro aad baad u mahadsantay waan maqlay aniga xitaa arinkaas bro ee run alaha ka dhigo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Abdifatah says:

    Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis

    Mr jimcaale website kaada waan is ticmaalna badana mansalh waa good

    waxaan kuu sheegaya halmid cinwaanka aad ka dhigtay nin soomali ah kadibna aad dhahday somali ma ahyn ee qoralka markii la soo galo bage kaa aad dhaxda ka xariiqday , hadii aad ogu tala gashay in ay dadka aqristaan si ay u aqriyaan aad arinkaas ogu sirtay magaca somaliga ah aaqiro waa laguu haystaa oo waxad noqonaysaa qiyaanoole danbiga yuusan sibiq sibiq kugu soo galin walal waxa jira dad badan oo rabo in website kooda la aqristo darted been u shego kadibna gadaal iska saxo marki aad aqrisid kadib hadaba walal adiga iyo kuwa kale ba waxan idin lee yahay iyo anigaba itaquu alaah meel walba aan wada joogno . mahadnsaid waa iga waano walaltinimo wan ku jeclahy aidga somalida ku taxan webka .

    mahadnsaid
    abdifatah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0