Tima-jarayaasha Sweden oo aan aqoonin sida loo jaro timaha Afrikaanka

Ardada ka soo baxday iskuulada lagu barto tima-jaraha ayaa la sheegay in aysan aqoon u lahayd sida loo jaro timaha dadka Afrikaanka ah. Idaacada Sweden oo wax ka qortay arintaan ayaa soo bandhigtay in ardada dhigata barnaamijka timajaraha ee dugsiyada sare aan la barin sida loo jaro timaha adag.

Inkastoo ay jidho koorso lagu barto jaritaanka timaha Afrikaanka ayaysan koorsadaasi ahayn mid waajib ah. Sidaa darteed ayay arday badan aysan qaadan koorsada isla markaana aysan aqoonin sida loo jaro timaha afrikaanka. Dad badan ayaa ku qasban in ay aadaan xaafadaha soo galootiga si ay ula helaan cid taqaana sida timaha loo jaro.

Skolverket oo ah hay’ada Sweden u qaabilsan arimaha iskuulada ayaa aaminsan in nidaamka loo jaro timaha uu isku midyahay oo dhamaan ardada qaadata barnaamijka timajaraha ay aqoon u leeyihiin sida loo jaro dhamaan nuucyada kala duwan ee timaha.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. moha says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walaahi waan qoslay tintayda maalin walba shanlo cusub baan usoo gadaa si aan ugu shanleeyo waayo halkii shanlo halmar markaan ku shanleeyo bay ilkuhu ka jajabaan!kkkkkk marka dadkaas hadii loogeeyo maba jari karaan!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. omari says:

    5 sanaa igu dambeysay timojare…xaaskeygaa timaha iijarto

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 0

  3. Cabdi qani says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  4. Abdisamad says:

    Omari mashaAlah naag nool aa nasiib uyeelatay naagaha qaarkood timo iskadaayee toodii ayeey tabar ula yihiin waa xaqiiqo nin iyo ilmo ineey wax kutaraan iskaba daayee märke qarso xaaskaage ha iska sheegin …

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. asc jimcaale iyo aqyaarta waad salaaman tihiin salaan ka dib maxa loo soo tabin la yahey wararka Xaafada Rinkeby oo Meydka jidadka yaalo saacado Waxa Daraad 2 saac meydkiisa yaaley nin turki ah oo nin kalo turki ah xabado ku dhuftey iyo bilo ka horna wiilal soomaali ah ayaa nafta isaga qaadey xabada Wararkaas Maad dadka u tabisid.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. hanad says:

    Shaafici maananu maqlin sheekadaase, armaa websidadii beenaalayaasha ahaa ee u furtay si Click loo siiyo kadibana dhaqaale u helaan aad soo akhrisatay, ileen meel lagu ba,aad ka sheekaynaysaa is gaadhsiintana kamaananu arag markaas waxaad aragto adoon ka fiirsan dadka hala wadaagin argagaxna haku ridin, wixii xunba xaawaa leh miyaa wixii xunba somali ayaa lagu sheegayaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0