Tirada magangalyo doonka oo cirka isku shareertay iyo Soomaalida oo hoos u dhacday

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa kor u qaaday tirada magangalyo doonka la filayo in ay Sweden iska dhiibaan sanadkaan 2014. Horay ayaa loo saadaalinayay in qiyaastii 61000 qof ay sanadkaan magangalyo ka dalban doonaan Sweden balse tiradaas ayaa hada la siyaadiyay.

Qiyaasta cusub ayaa ah in 70-80.000 qof ay Sweden iska dhiibi doonaan sanadkaan, taasoo ka dhigaysa in Sweden ay noqoto wadamada ugu magan galyo doonka badan Yurub. Isbuuc kasta ayaa hada waxaa Sweden soo gasha 2100 qof iyadoo la filayo in tiradii ugu badnayd oo soo galooti ah ay yimaadan Sweden 2014. Sanadkii 1992 ayaa Sweden waxaa soo galay 82.000 qof nambarkaas oo noqday mid taariikhda galay.

Dhinaca kale. magangalyo doonka Soomalida ayaa hoos u dhacay sanadkaan. Sanadkaan hada kala barka ah ayaa waxaa Sweden iska dhiibay 1683 qof Soomaali ah. Sanadkii 2013 ayaa guud ahaan Soomaalida Sweden magangalyada ka dalbatay ay gaadhay 3901. Halka 2012 ay iska dhiibeen 5640 Soomaali ah. Sababta ka dambaysa hoos u dhaca Soomaalida ayaa ah in Sweden ay badashay aragtideeda ku aadan xaalada Soomaalia taasoo sharciga ku adkaysay Soomaalida.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. jaajuumow says:

    Jimcaale ilaahey ka baq warbixinta sida ay tahay u sheeg

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 7

  2. ayesha says:

    Shukran akhii

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 3

  3. saadaq says:

    Walaal somalida sharcigeeda maxa laga dhahay waxa heysanaa dhowr negativ walal jawab wacan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

  4. Hassan says:

    Asc all somaliweyn sxb jimcaale dadka singelka Akhbaar maxad kaheeysaa jimcaale maxad u iloowday Ina wax inooga sheegto plz and plz jimcaale ISO jawaab thanks bro

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

  5. Abaas says:

    Mahad sanid Jonas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. ayesha says:

    Waxaa layaabay dadka. Unlike sarayo ani wiilka wuxuu soqorey ledhahy thanks bro ama waa mahadsantahy walal mise wad kushaqeysatan aniga erey xun manan oran

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  7. xisaabta baro says:

    Jimcaale, hab xisaabeedka tirakoobka ( statistik ) ee aad khaldayso ma waxay kaa tahay aqoon la’aan misse waxbaad iska soo galisaa adigoon hubsan oo waxaad doontaad ku soo xariiqdaa keyboard-ka.
    Magangalyo doonka soomaalida hoos umay dhicin 2014 marka loo bar-bardhigo 2013 ee kor ayay u kacday weliba +8%.
    Fiiri halkan oo ah bogga Laanta Socdaalka
    http://www.migrationsverket.se/Om-Migrationsverket/Statistik/Asylsokande—de-storsta-landerna.html
    Ha soo gelin wax khalad ah oo aanad iska hubsan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  8. guessi says:

    “Sadly we cannot provide safety for everyone who needs it, but we can reach out to some of those who need it most,”

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. Ali says:

    1 Syrien 8818 3958 4860 + 123 %
    2 Eritrea 2437 1027 1410 + 137 %
    3 Statslös 2051 981 1070 + 109 %
    4 Somalia 1683 1558 125 + 8 %
    5 Afghanistan 1074 1226 -152 – 12 %
    6 Irak 783 488 295 + 60 %
    7 Albanien 608 366 242 + 66 %
    8 Serbien 431 577 -146 – 25 %
    9 Kosovo 393 383 10 + 3 %
    10 Marocko 336 225 111 + 49 %
    11 Iran 316 516 -200 – 39 %
    12 Georgien 315 190 125 + 66 %
    13 Ryssland 309 331 -22 – 7 %
    14 Mongoliet 293 237 56 + 24 %
    15 Ukraina 250 43 207 + 481 %
    Övriga 3742 3775 -33 – 1 %
    TOTAL 23839 15881 7958 + 50 %

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  10. aragsan says:

    Jimcaale walaguugu qabtay beentaa sheegtay ha u noqon dadka badow maa mooday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  11. xoriyo says:

    Jimcaale waxaad ku weydiinayaa somalida hada sharci ma la siinayaa mise waa laga xiray taas ii soo ogow saxaraha aan soo socdaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0