Tirada magangalyo doonka oo cirka isku shareertay

4

Ma ahan markii ugu horeysay ee aan qorno mowduucyo ku saabsan qiyaasta Laanta Socdaalka ee ku aadan dadka la filayo in ay Sweden magangalyada ka dalbadaan sanadkaan, balse waxaa warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxday Laanta Socdaalka muujineysaa in ay hada cirka isku shareertay tirada qaxootiga iska dhiibaya Sweden. Dadkii ugu badnaa ayaa la filayaa in ay Sweden iska dhiibaan ilaa sanadkii 2000.

Qiyaasta cusub ee Laanta socdaalka ayaa lagu soo bandhigay in dad gaaraya 38,000 ay sweden iska dhiibi doonaan sanadkaan, halka sanadka soo socda tiradaas ay kor u dhaafi doonto 40,000. Waa markii ugu horeysay ee mudo 12 sano ah oo tiradaan ay halkaasi gaadho. Sababta keentay kororka ayaa la sheegay in ay ka dambeyso xaalada cakiran ee ka jidha wadanka Suuriya iyo Soomaaliya.

Laanta Socdaalka ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda wadamada Afghanistan, Somalia iyo Syria ay u badantahay in la siin doono magangalyo, sidaa darteed ayay ugu baaqeen kamuunada Sweden in ay isku diyaariyaan qaabilaada dadkaan. Tirada dadka caruurta isku dhiibaya ayaa iyaduna aad kor ugu kacday.

Si kastaba ha ahaatee, laanta Socdaalka ayaa cabasho ka muujisay in ay jidho guri la’aan haysata dadka sharciga la siiyay, dad gaaraya 3000 ayaa hada ku jira xeryaha Laanta Socdaalka iyagoo sharcigii la siiyay balse aan guri heli karin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here