UK: Dad fara badan oo diinta islaamka soo galay

Cilmi baaris laga sameeyay dalkaasi Ingiriiska ayaa lagu soo bandhigay in tirada dadka diinta Islaamka soo galay ay aad u sareyso. Cilmi baarista ayaa lagu sheegay in ilaa 100,000 oo qof la aamisanyahay in Muslim noqdeen 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Baaritaanka oo uu sameeyay urur lagu magacaabo Faith Matters ayaa lagu sheegay in ay adagtahay in la ogaado tirada dhabta ah ee dadka diinta Islaamka qaatay maadama afti ururinta laga sameeyo Ingiriiska aan lagu darin qofka diintiisa.

Si kastaba haa ahaatee, ururka ayaa sheegay in qiyaastooda ay tahay in sanadkasta ay diinta Islaamka qaataan ilaa 5000 oo qof iyadoo sanadkii 2001 ay ingiriiska ku noolaayeen dad gaaraya 61,000 oo Muslim noqday.

Cilmi baarista ayaa sidoo kale waxay aad ugu dhowdahay tirada laga soo wariyay dalalka Faransiiska iyo Jermalka oo la sheegay in sanadkasta ay diinta Islaamka soo galaan dad gaaaraya 4,000 qof wadankasta.

Qubarada sameeyay cilmi baarista ayaa sheegay in sababta ka dambeysa in dadka faraha badan ay diinta Islaamka qaataan ay tahay maadaama Islaamka aad looga hadalhayo warbaahinta reer galbeedka taasoo dhalisay xiiso gaar ah. Dadka ayaa bilaaba in ay raadiyaan macluumaad ku saabsan Islaamka taasoo dhalisa in qaar badan ay la dhacaan Islaamka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. hodan says:

    masha allah alah hanagu xidfiyo diinteena wanaagsan waa guul inta harsana alah hakusoo hanuuniyo diindeena macaanka badan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  2. Lil messi. says:

    Waxa mahad leh allaha naga dhigay muslimin anaga iyo awoweyashen. Alxamdulilah. Waxan alle u waydinaya hanuun kuwa an ahayn muslimka.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  3. disowboy says:

    masha allaah waa arin lagu farxo. diinta warbahinta waxay u magachayeen ayaa aheed iney dadka si xun i tusaan laakinse ilaah baa si kheer leh inoogu badalay oo waa taa dacaayad fiican inoo naqatay alxamdulilaah, insha allaah 50 sano hada kadib ah yurub waxaa ay noqonaysaa qaarad islaami ah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  4. geele says:

    masha alaah ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh ilaahayna waxaan kabaryayaa inuu soo isaamiyo dad badan oo diinteena xaqa ah ale ku xoojiyo amiin amiin amiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  5. yaasir says:

    yaa rabi lakal xamdu waxan aqrisany wax aad ii farxad geliyo oo ku soo kordhay diinteena muqadaska ah mudana in lagu faano yaa rabi noo siyaadi arinkan qeyrka leh .Kuwa walaalahayn ah oo aan u soo jeedin diinta ilaahow anaga iyo ayaba na fahansii………….. amin yaa arbi……….
    diinta islaamka waa diinta kaliya ee jirto aduunka . ALLE mid kaliya Rasuulkeenu muhamed SCW…diintaynu waa ISLAAM…..WSR

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  6. Âbukâr Âbđullâhi says:

    Allow dadka gaalada qalbigooda diinta ku islaamka kusoo duw adaa ku soo duwi karee wanaga diinta islaamkana fahansii

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  7. bravom says:

    Alle deenteena macaan badanaa!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. Iid says:

    manshalla waa bushaaro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. Abdiraxman says:

    Masha alah waa arin farxadleh alah waxan ugabaryaya kuwa soo islamay in elahay kadhigo kuwo caqidadoda ashcariyo tahay amin amiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. MACOW says:

    Asalaamu caleykum dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ahan Muslimiin, wax waliba waxa ay u dambeynayaan Xaqa, Diinta Islaamka waa diin sharaf leh oo Caadil ah, Laakiin Gaalada waa ay ogaadeen in ay diinteenu tahay diinta keliya oo saxda ah oo aan la bedeli karin, waa wax lagu farxo in walaalaha Muslimiinta ay ku soo bataan Wadamadaan Yurub. Alxamdulilaah.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  11. Axmed cabdikarim says:

    Assalaamu calaykum wr wbr waa arrin aad lagufarxo oo farax galinasa qofkasta oo muslim ah waayo waa walalo kasoo badbaaday naarta,allaha inaga badbaadiyee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Ragiihore says:

    Mashalah ilaahow diinteena adaa kadhigay diinta xaqa ah, alxamdulilaaah ilaahow adaaa igadhaliyay hoyaday anoo islaaam ah, ilaahow islaaamka kayeel mid dadka oodhan ay kusoo hirtaaan amen amen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. Khadija says:

    Maashaa Allaah waa dad Alle hanuun la dooney ee ayaga iyo annagaba Allaha na xifdiyo Aamiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  14. Abu Marwo says:

    Afkood ayay Dooneen ineey Nuurka Alle ku Damiyaan ( Warbaahinta Reer Galbeedka ) Allese waxaa uu sabab uga dhigay ineey kusoo Muslimaan Kumanaan kun oo Nasaaro ahaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. maxamed muqtaar says:

    maash allaah waa illaah mahadiis qofkoo illaah hanuun ladoono ayaa hanuuna anagana waxaan illaah kabaryenaa jidka toosan hanagu hanuuniyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0