Shirkada lagu magacaabo UPS ayaa shaqada ka cayrisay nin Muslim ah ka dib markii uu diiday in uu gargiisa xiiro. Ninkaan ayaa loo sheegay in garku uu ka soo horjeedo siyaasada shirkada sidaas darteedna uu soo xiiro. Waxa uu u sheegay in daysashada garka ay farayso diintiisa, garkiisuna uusan sidaas u weyneyn sidaa darteed uusan xiiri karin. Intaas ka dib ayaa loo sheegay ninkaan in shaqada laga cayriyay ayagoo u sheegay in Muslimiin kale ay ka shaqeeyaan UPS kuwaas oo garkooda soo xiiray. Dacwo ka dhan ah UPS ayaa loo gudbiayy  Xeer Ilaaliyaha Sinaanshaha (Diskrimineringsombudsmannen, DO) kaasoo Maxkamada Shaqaalaha (Arbetsdomstolen) ka codsadey in UPS ay siiso ninkaan lacag dhan 150,000 iyo 42,000 oo mushaarkiisii ah. Qareenka ninkaan ayaa ku dooday in shuruuda shirkada UPS ee ah in garka la xiirto ay tahay mid adag oo aan la sameyn karo maadaama ay taabaneyso dadka diintooda.

UPS oo nin Muslima shaqada ka cayrisay

Shirkada lagu magacaabo UPS ayaa shaqada ka cayrisay nin Muslim ah ka dib markii uu diiday in uu gargiisa xiiro. Ninkaan ayaa loo sheegay in garku uu ka soo horjeedo siyaasada shirkada sidaas darteedna uu soo xiiro. Waxa uu u sheegay in daysashada garka ay farayso diintiisa, garkiisuna uusan sidaas u weyneyn sidaa darteed uusan xiiri karin.

Intaas ka dib ayaa loo sheegay ninkaan in shaqada laga cayriyay ayagoo u sheegay in Muslimiin kale ay ka shaqeeyaan UPS kuwaas oo garkooda soo xiiray.

Dacwo ka dhan ah UPS ayaa loo gudbiayy  Xeer Ilaaliyaha Sinaanshaha (Diskrimineringsombudsmannen, DO) kaasoo Maxkamada Shaqaalaha (Arbetsdomstolen) ka codsadey in UPS ay siiso ninkaan lacag dhan 150,000 iyo 42,000 oo mushaarkiisii ah.

Qareenka ninkaan ayaa ku dooday in shuruuda shirkada UPS ee ah in garka la xiirto ay tahay mid adag oo aan la sameyn karo maadaama ay taabaneyso dadka diintooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Salaaxudiin says:

    Nin Walboow , Sundaada Gundaha Hayso *!!!!!!

    —————————–
    Ama inta quud la raadinaa buhul kasta halagu dhaco !!

    Mida kale ninkaan maxaa shirkadaan u geeyay miyaysan ahayn shirkad Qamri?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. Salaaxudiin says:

    Balaayadaan aniga maba khayraysan , Gaaridooda ayaa Qam Qamri u eg cml.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ruwayda says:

    asc walaalkaasi wuu kumahadsan yahay siduu ugu da daalay diintiisa ilaahna haxafido shaqo ka khayr badana ilaah howgu badalo iyo irsaaqad waasaca waana kudayasho mudan yahay marka waxaan leyahay ku dayda walalkiin waana kuraacsanahay arinkaa wanaagsan oo dad badani ay ku dayanayaan waayo maanta waa aduunyo berina waa aakharo marka waxaan leeyahay illah halaga cabsado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0