Ururka IS oo arin la yaableh ka sameeyay xafiiska shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen)

Ururka argagixada loo aqoonsada ee lagu magacaabo IS ama Daesh ayaa arin la yaab leh ka sameeyay Sweden ka dib markii ay isku dayeen in ay askar ka qortaan dhismaha Xafiiska shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen). Arintaan ayaa ka dhacday xafiiska Malmö iyadoo sanadkii hore uu mid ka mid ah xubnaha IS xiriir la sameeyay dadka shaqo doonta ah ee ka diiwaan gashan xafiiska Malmö si uu uga dhaadhicyo in ay u safraan Syria.

“Waxaa jira calaamado muujinaya isku day lagu doonayay in askar loo qoro ururka argagixisada” ayuu yiri Per-Ola Persso oo arimaha amaanka u qaabilsan Arbetsförmedlingen.

Arintaan ayaa la sheegay in ay ka dhacday goobta lagu qaabilo dadka shaqo raadiska ah ee xafiiska Malmö. Shaqaalaha AF ayaa waxaa la soo daristay cabsi weyn markii ay ogaadeen arintaan, iyagoo dacwad u gudbiyay booliska (Säpo).

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Abdifatah says:

    Qoraalkaan waxba kama fahmin. Ninkaan la dhoho jimcaale ma aqaan waxa ka qaldan waayo waa nin aaba ogeen woxoo qoraayo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

    • Visa huwa says:

      Allaah yahdiik Noocaagoo kale wa kuwiii ay ku fiicneyd qoorta in caloosha loo saaro

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. abuubakar says:

    Somali adoo kale aa ka buuxo oo jaahil ah warbixinta qoraalka ma faahfaahsano mana la fahmaaayo run ahaanti marka meel kale aad la aaday akhlaaqda iyo soomaalinimada waa wax qaali ah.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. SHIRWAC says:

    WALLE KUWAAN DAACISH WAXAAN KA CABSANAYAA INTA EEY U DULQAADAN WAYAAN QARAXYADA GAALDU IN EEY ANAGA MUSLIMKA AH OO AAN RAACSANEYN NAGU DARAAN EE YIRAAHDAAN UL IYO DIIRKEEDA WAA LAYS RAACIYAA, DAB MUNAAFAQ SHIDAY MUMIN BAA KU GUBTA, OO HALKAAS UU KA QARXO DAGAAL MUSLIM IYO GAALO AAKHIRO ZAMAAN LAGALO

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Gaasim says:

      Sidaas beey ku socotaa ee ninyahow haddaba meel fiican ka soo jeeyso inta aan lagugu dili dhul gaalo

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1