Video: Wiil baraatiik loo diiday oo la siiyay 80 000kr oo magdhow ah

0

Trollhättan: Wiil 16 jir ah oo u dhashay wadanka Iraq ayaa la siiyay magdhow gaaraya 80 000kr ka dib markii loo diiday in uu baraatiik ka sameeyo shirkada GKN Aerospace oo horay loogu magacaabi jiray Volvo Aero.

Xoghayaha ka hortaga faqooqa Diskrimineringsombudsmannen (DO) ayaa sheegay in sababta loogu diiday wiilkaan baraatiiga ay tahay mid cunsuriyad ah. Wiilkaan oo doonayay in uu barto cilmiga diyaaradaha ayaa markii uu baraatiik ka raadsaday shirkada loo sheegay in uusan halkaasi ka samayn karin maadaama shirkadaan ay la shaqayso Maraykanka oo aan ogolayn dadka u dashay Iraq in ay bartaan cilmiga diyaaradaha.

Go’aanka DO ayaa ah mid aad muhiim u ah, iyadoo horay looga dhawaajiyay in sharciga Sweden aysan ku jirin wax mamnuucaya in ardada ajaanibta ay bartaan cilmiga diyaaradaha ama maado kasta oo ay doonaan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here