Video xiiso badan: Stureplan vs Rinkeby yaa gacan furan?

Videowgaan waxa uu muujinayaa nin dhalinyaro ah oo isku dayay in uu ka tuugsado wadooyinka Stockholm isagoo ka soo bilaabay bartamaha magaalada ee loo yaqaan “Stureplan” halkaasoo uu kala kulmay wajigabaxnimo iyo dad baqiiliin ah oo xitaa aan salaanta ka qaadin.

Ka dib ayuu go’aansaday in uu ka tuugsado xaafada Rinkeby ee ay ku badanyihiin soo galootiga, halkaasoo ay ku nool yihiin Soomaali aad u fara badan. Soo dhaweynta iyo gacan furnaanta uu kala kulmay Rinkeby ayaa aad uga farxisay wiilkaan isagoo dadkii lacagta siiyay labo jibaar u celiyay.

Daawasho wacan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. farax says:

    Asc masha allah gacan furnantu wa dhalan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0