Waa imisa tirada Soomaalida ee qaadatay dhalashada Sweden sanadkaan?

Tirada dadka qaatay dhalashada Sweden sanadkaan socda ee 2014 ayaa Laanta Socdaalka soo bandhigtay. 13 000 qof ayaa ilaa hada la siiyay baasaboorka Sweden kuwaasoo ka soo jeeda 150 wadan. Dadka ugu badan ayaa ka soo jeeda wadamada Iraq, Poland, Somalia iyo Thailand.

Tirada Soomaalida ee qaadatay baasaboorka ayaa sanadkaan gaaraysa 719 halka Ciraaqiyiinta ay hogaanka u hayaan oo 2530 qof ay qaateen baasaboorka sanadkaan socda. Dadka qaatay dhalashada ayaa waxay isugu jiraan kuwo Sweden ka yumid qaxooti, arday nimo, shaqo ama guur.

Sanadkii hore ee 2013 ayaa guud ahaan waxaa baasaboorka Sweden qaadatay 30 253 qof, halka sanadkaan la filayo tiradaas in ay kor u kacdo oo gaadho 39 000 qof.

Dadka cadeyn kara aqoonsigooda ayaa baasaboorka ku qaadanaya 5 sano, halka dadka aan cadeyn karin aqoonsiga oo Soomaalida ugu badanyihiin ay waajibtahay in ay sugaan 8 sano.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. WAR CUSUB says:

    hadaba su aashu waxa weeyi sidee loo cadayn karaa madama aan somali nahay mise waxa weeyi inaan sugno uun, 8 sano, waxaan arkay yar somali ah oo cadeyey somalinimadiisa lana siyey basaboorka wayn isaga oo aanay gadhin wakhtigii lasiin lahaa ilahay baa mahad leh.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 10 Thumb down 6

  2. Omar says:

    Walaahi waa arrin lala yaabanyahay mida ah in la cadeeyo somalinimada. Maadaama ayna aqoonsaneyn baasaboorka somaliga ah.
    @WARCUSUB
    waxaan ku weydiiyay yarka aad aragtay ee lasiiayay dhalashada siduu ku cadeeyay somalinimadiisa fadlan dagdag iiga jawaab hadii aad ogtahay qaabka uu isku cadeeyay waayo aad ayaan ugu baahanahay oo waxaa iiga xiran arintaas dhalashada ah.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. um alwaled says:

    Sc
    Falastiinyaasha sadex sano oo kaliya ayeey ku qaataan dhalashada intaasna waxaa usii dheer iyagoo weli sharciga deganaan shaha haaysto cunugeey dhalaan horay ayuu jinsiyada ka qaataa taasina waxaa uugu wacan baasaboor kooda iyo kaarka deganaan shaha ayaa waxaa uugu qoran BIDUUN yacni wadan ma haysto meeshay anaga noogu qoran tahay Somalia.
    Yaa aqbaar cusub nooga haayo arintii 2sano aniga waxaan maqlay in dad itoobiyo jooga la siiyey ogolaasho bes ma hubi ilaahaa og.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Ahmed says:

    Yarka cadeeyey siduu ku cadeeyey noo faahfaahi plz

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Diini says:

    Wad salaaman tihiin, ka dib qofka somalinimadiisa waxa cadeyn kara dukumenti soo baxay 1990 kii waqtigii dowladi Marxuum siyaad bare, waxii dowladaas ka dambeeyey lama aqoonsana, marka qofka cadeey cida uu yahay waxa macquul ah in uu watay dukumenti waqtigaas soo baxay oo sax ah iyo da’diisa oo is waafaqday ileen qof 15 sano ka yar ma qaadan karin waqtigas, wixii kale Warculus oo warka noso gudbiyey ayaan ka rabna sxb faahfaahin noo weydii wiilka siduu ku helay passka

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. maxamad says:

    Asc Anigu waxaan ahay qof qaatay mardhow sharciga bishii april Markii laiaqrinayay sharciga ayaan weydiyay 5 sano kadib Maxaan sameynayaa Ileen sharcigani waa 5 sane ujeedaa ankarabayna wuxu aha inaan ogaado saan waxey igutiri waad dalban kartaa dhalashda Anigana ma aheeen qof wax aqoon si ah keenay Somalida Un ayaan Lamid ahaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. khadar khan says:

    asc dhamaan aqris ta yasha somalia waxan ka yabanahay dad keyna maa walan mase wadan sweden ayaa walan maxaan kudhahay sidaas soo ma ogidin dowlada sweden in ay ku xir tey qof kii iska dhiiban halkaan in lageynaa yo muqdisho oo ay tahay nabad taas maxaa ka cad qofkaas in uu yahay qof somali ah oo dhalad ah leh wadan nabad ah loona celinayo ok su asha is weydinta ah ayaa ah maxaa koos gareyay in ay nagu xujeyan aqoonsi jinsiyeed hadana na dhahan wadan kiina waa dowlad nabad heysa ta waa waxaan is qadan karin 8 sano iyo wax la mid ah mesha hala ga saaro waa faquuq nala faquu qaayo waayo dadka kale oo qaxotiga sida anaga camal mala dhaho waxaa by mahad sanidin dhaman tiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  8. fahad says:

    Asc dhamantiin walalkyga hadalkiisa hadan wax yar kahadlo 8 sano ..soomali ayaa keenty waxayna bilaamaty qiyastii ilaa 2004 wixii kadanbeeyay kiiskaan …waxaa uaabab ah dad badan oo dhalasho qaateen oo dalkii aysan joogin ama ay ga guureen
    …mar ka dib halays kula labto nin walboo hadaad dhalad qaadato …maxaa kuu qorsheesan …….dalka aad dhaladka kaqaadaty waakan asaana kusoo dhaweeyay ..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. omar says:

    Waxan maqlay in uu hirgilayo sharci cusub hadii qofka anan cadeen karin dhalashadisa in bsaborka ku qaadanayo 7 sano haduu dhameeyo luuqada ilaa sfi sharcigaas waxuu hirgalayaa 2015 04 15

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. jamaal says:

    Asc waxaa idin weedinayaa qof ku nool Yurub dhahdeeda familkiisa joogo sweden lagana qaaday DNA asaga iyo familka somalia isku qabay wax ka yar 2 sano lakin in badan iskula nolaa sweden caruurna ugu dhalay sweden malaga yabaa inuu qabato arrinta 2 Sano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. jekey says:

    jamaal sxb aneeyba i haysataa midaas waxaa iigu dhashay laba canug midna africa ayay kala imaatay sedexdaba anaa dhalay DNA waa wada marnay sidaa ay tahay waxaan heestaa diidmo bishii koowaad Ayaan racfaan ka qaatay ilaa hadana wax jawaab ah kama haayo marka sxb iska samir waxaana kuu rajeynaa teeyda oo kale ineysan taada noqon oo aad qaadato nasiib wacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. jamaal says:

    Insha allah Ilaah hanoo wada fududeeyo inta Muslin ah oo dhibkaas heysto, Dhanka kale Jekeey walalkis waxaa ku wedinayaa Dacwada sweden maay kaaga socotay oo adiga iyo caruurta kuwada marteen DNA-ga mise, safarada ayaa laga soo qaaday ciyaalkana looga qaaday migration-ka taas ii kala sheeg bro teeda kale waxaa rabay inaan wada xirirno insha alah si aan isku dhaafsano waxii maclumaad ah telkaaga iso qor bro hada jogto sweden ama meel kale si aan kula soo xiriro insha alah Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. sahal says:

    asxt waa salamantihiin jamal iyo jakey waxan idin waydiin lahaa imisa aya sheegateen in aad wada nooleedeen ma bilo mise sanad wax la jiro intaas iga shafiya aqayaarta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. jekey says:

    sahal iyo jmaal waad salaamantihiin hadaan ku hor maro jamaal dacwada waxaan ka xareeyay italiya DNA meesha Ayaan ku soo maray ciyaalkeygana waxay ku mareen halkaan sahal sxb waxaan sheegay inaan wada nooleen sideed bilood

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. rashka says:

    Qof somaali ah oo dhalasho qaatay haddii uu jiro waxaa macquul ah inuu heysto dhalasho wadan kale.sidoo kale waxay ku xernaan kartaa nuuca sharciga qofka la siyaay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. jamal says:

    Jekey bro mahadsanid isku mid ayaa nahay koley aniga mar dhow ayan soo baray wana sugeynaa waxii ilaahey noo qoro insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. shuruud says:

    Asc waan idinsalamay dhamaan tiinba asaxabta lasocota wepkan waxaan rabay inaan wax ka ogaado qof markuu isweedhan yimid sheegatay qof ay qaraaba yihiin oy sowada koreen markii danbana soguursat oy caruur udhashay maa lagu xidhaya shuruudan 2 sano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  18. osman says:

    asc dhamaan asxaabta sida kaliya o lagu cadeyn karo ayaa ah in somaalida israacdo o ay sameeyso
    doorashada in ay o codeyso hal xisbi si ay xisbigaas kula gorgortanto in somalida lagayareeyo sanadadaas badan ileyn waa cadahay in aan soomaali ahay waa sida kaliya e lagu cadeyn karo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Abdi andalle says:

    Qfkii heeysto sharciga A8 dhalashada Sweden wuxu ku qaadanaa 5sano sharciyada isku mid ma ahn klass ayay kala keeyihiin waana idin salaamaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0