Waa kanaa cunsuriga seefta ku dilay Ahmed Hassan

23

Weerarkii shalay lagu qaaday iskuulka Kronan ee ku yaala magaalada Trollhätan waxaa ku dhintay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Ahmed Hassan oo 15 sano jir ah. Wiilka ayaa markii hore hospitaalka loo qaaday isaga oo dhaawaca balse xalay ayuu halkaasi ku geeriyooday. Waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay macalin iyo arday kale iyo ninkii weerarka soo qaaday.

Hooyada dhashay Ahmed oo lagu magacaabo Kiin Mohamed Ali ayaa sheegay in xalay oo dhan ay hospitaalka ku sugnayd iyadoo markii loo sheegay in wiilkeeda uu geeriyooday ay xaaladu ku adkaatay. Waxay sheegtay in ay aad u jeclayd Ahmed oo uu ahaa wiil baari ah oo si wanaagsan u caawiya hooyadiis.

Booliska ayaa xaqiijiyay in sababta weerarka uu ugu qaaday ninkaan iskuulka ay ka dambayso cunsuriyad iyo naceyb, isagoo la sheegay in ardada uu u kala soocay kuwa cadaanka ah iyo kuwa maddoow. Ninka weerarka geystay ayaa lagu magacaabaa Anton Lundin Pettersson oo da’diisu tahay  21 jir. Waxaa la sheegay in uu aad u jeclaa arimaha Naziyiinta iyo cunsuriyada. Dharka uu gashanaa markii uu weerarka soo qaaday ayaa la mid ahaa kuwii ciidamada Germany ay gashan jireen dagaalkii labaad ee aduunka.

Cunsuriyiinta ayaa hada u muuqda kuwo bilaabay in ay hadalkooda ficil u badalaan, iyadoo isbuucaan keliya ay gubeen ilaa 5 xarumood oo loo diyaariyay qaxootiga cusub. Haddii ay hada bilaabeen in ay ugaarsadaan soo galootiga qaasatan dadka madoow ayay taasi tahay mid walwal badan abuuraysa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here