Waa kee wadanka ugu fiican aduunka? kaalintee gashay Sweden?

Baaritaanka lagu sameeyay heerka nolosha, dhaqaalaha iyo xoriyada wadamo gaaraya 60 wadan ee ugu horumarsan caalamka ayaa dhawaan la soo bandhigay, iyadoo uu kaalinta 1-aad galay wadanka Germany. Kaalinta 2-aad ayaa waxaa galay wadanka Canada halka sadexaad ay gashay UK, afaraad waxaa galay US, halka Sweden ay gashay kaalinta 5-aad.

Baaritaankaan oo ay samaysay shirkada¬†WPP ayaa waxaa ka qeyb qaatay dad gaaraya 16,000 qof oo wax laga waydiiyay su’aalo gaaraya 75 qodob. Germany oo 1-aad gashay ayaa lagu amaanay arimo badan oo ay ka midyihiin dhaqaalaha wadankaasi oo xoog leh, shaqo la’aanta oo hooseysa iyo soo dhaweynta qaxootiga oo Germany ay sanadkii la soo dhaafay iska dhiibeen dad ka badan 1 milyan qof.

Hadaba sidee u aragtaa arintaan? maku qanacsantahay in Sweden ay gashay kaalinta 5-aad?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Naser says:

    Ma garanaayo mar hadii Jarmalka galay kaalinta 1aad waxa ey u gali wayday Sweden kaalunta 2aad. Waxaa laga yaabaa waxyaabo kale in ey u fiiriyaan. Qaxootiga Jarmalka aad buu usoo dgaweeyay balse waxaan u malaynayaa in ey Sweden ka kaalin horeyso dhanka qaxootiga waayo tirada dadka Sweden ay qaabishay marka loo fiiraayo dadka dalka ku nool aad bay u badan tahay.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  2. Kabtan matii says:

    Anaga wadamada kale waxba noo mahaayaan sweden ayaa wax noo heyso

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  3. Baarka says:

    Sababta sweden kaalinta 5aad ugashay horta faahfahin dheer kasoobixi kadib sidaan u arko ayaa kusheegaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  4. Saadaam cade says:

    Asc

    aniga waxay ila tahay in laga fiiriyey xaga shaqada .iswedhan waa wadan aan shaqo badan oolin
    haday taalana ay ku xirantahay xirfad iyo wax la mid ah waa taas sababta k 5aad u gashay.
    waxay ila tahay waaba loo ronaaday haday 5 timid aniga waxaan siin iahaa k18aad iyo waxii ka hooseeya.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 6

  5. Fatma says:

    Hhhhhhhhh saadaam 18 aad kulaha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. Abdiraxmaan says:

    Waxbadan ayaa la eegi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Ibra says:

    Abow somalia meqo eygashay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Mohamed somali says:

    kaw waar niyaw haday kalinta shanaad siiyen wayba fiicanyihiin
    waxba ma yaalan meeshan walay kalinta 60aad bay uqalantaaa
    ish!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Khadar says:

    Maqabo germany ayaa kow ah aniga ahaan 1 canada oo ah wadan ka ugu naxarista badan dhanka bil admiga 2 sweden oo an kunoolahay oo ah wadanka kaliyah ee aytaal xuriyada iyo xaquuqul bil aadmiga waa dad daacad ah dhanka europe hadii loo eego waa 1 dhankA ADUUNKA NA WAA 2 HADII AAD MAQLI JIR TEYN QOFKAAS WAA GOB GOB DHALEY HADA BA OGAADA SWEDEN GOB GOB DHADHEY NIN KAN OGEYN HA OGAADO KII OGNA WABA OGYAHEY INTA KALE AD SHEK TEYNA WAXEY ADUUNKA KAYAHINBA ISKA YAR

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. osman says:

    asc asxaabta somaliska.com salaan ka dib wax suurta gal ah waaye in germany ey tahay wadan weyn una qalanto 1 in ey gasho wayo EURO wadanka ugu wanagsan waaye waa sida ey ila tahay ama aan hadalka u dhigaye mida kale Canada waa u qalantaa ayadane 2 4 wadan oo oo scandanevia sweden in ey mar walba ka horeyso waa u qalantaa ama qaxooti ha noqoto ama daryeelka dadka u dhashay sida ey dadka ajnabiga ula dhaqmaan amaan waa ku mudan tahay sweden marka la dhoho

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. cabdi says:

    kaalinte 9 aad somaliland aya gashay ma sha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Junior says:

    waxaan la yaabanahay kaalinta 5aad Sweden gashey.:
    dhaliil:
    1: Shaqo la aan.
    2: Bulsho shuuci ah aad iyo aad u xirxiran,
    3: Cunsuriyad direkt ama indirekt dhal walbo inkastoo isku mid aanan eheyn dadkoo dhan amaba aniga aan jecleyn in aan umada oo dhan aan wada jamciyo,
    4:Horomar la aan, hadaad adiguba la i maatid hor umarka hoos laguu dhigaayo, amaba lagula rabin in aad kal kacdid.
    5: dadku xadaariyiin ma ahan ladhaqanka ajnabiga oo liita ama wixii la mid ah,
    waa aniga aragtideyda igama ahan Neceeb aan necbahay dadka ama wadanka ama waxii la mid ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. Mesut says:

    Sweden igu kadiye Somalia halkee gashay baa la yiri

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. faay says:

    maku qanacsanin waxayna ila tahay in laga fiiriyo xaga cunsuriyeenta shaqada siiba ajnabiga lagu hayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0