Waa la soo xiray ninkii Johny tareenka u dhigay

Ninkii nacaska ahaa ee ku kacay ficilka foolxumada ah ee uu wadada tareenka ugu tagay nin ku dhacay, ayaa xabsiga la soo dhigay xalay. Ninkaan ayaa laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala xaafada Akalla ee duleedka Stockholm.

Ninkaan ayaa waxaa aqoonsaday shaqaalaha dukaanka LIDL ee ku yaala xaafada ka dib markii uu halkaasi ka adeegtay. Booliska ayay telefoon u direen iyagoo isla markiiba yimid oo gurigiisa kala soo baxay.

Booliska ayaa sheegay in ay hubaan in uu yahay ninkaan midkii falka tuugada ah kula kacay nin lagu magacaabo Johny oo ku dhacay wadada tareenka. Ninkaan ayaa markii uu baartay Johny oo miyir la’aan ah uga tagay wadada tareenka isagoo daqiiqado ka dib uu jiiray tareenka. Inkastoo uu badbaaday ayaa hadana waxaa soo gaaray dhaawacyo badan oo waxaa laga jaray lugta bidix.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan uu horay ficilo kuwaan la mid ah u sameeyay isagoo baartay dad kale oo cabsan habeenkii saqdhexe. Video kale oo la soo bandhigay ayaa muujinaya isaga oo baaranaya qof cabsan oo fadhiya goobta tareenka lagu sugo.

Ka dib markii la shaaciyay sawirkii ayaa dadka ku nool Sweden aad uga caroodeen ficilka uu ku dhaqaaqay ninkaan, iyadoo dad badan ay hawl ka dhigteen soo qabashadiisa. Ninkaan ayaa laga yaabaa in lagu xukumo 6 sano oo xabsi ah.

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. Dooyaale says:

    SubxaanaAllaah ,, Alloow Naxariista hanaga Qaadin ,, waxaan rajeynaa inuusan Shakhsigaan Muslim aheyn , ugu yaraan qof Muslima , nacasba ha ahaadee qof tareen ugama tageen sidaan rajeynaa …..

    Waqtigii Kaduudiyaha ee XAMAR ayaa Tuug laga sheegay inuu guri u soo dhacay , wuxuu doonana ka qaatay , LAAKIIN , reerka oo cudurkii Kaduudiyaha la daadsanaa wuu caawiyay ,,kedibna wuu ka tegay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. CIVILIZED BOY says:

    kan oo kale waxaan odhan lahaa gacan bira halagaga qabto mujtamaca.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Khadija says:

    Waa arrin aad loogu farxo qabashada ninkaan lasoo qabtay. Waxaana meeshaan ka cad sida shacabka sweden ay dowladooda ula shaqeynayaan, dowlad aan shacab la shaqeeya lahayna waxba ma qaban karto awood kastoo ay leedahay. Anniga waxay ila tahay in 6sanno ay aad u yar tahay marka loo fiiriyo sida naxariis darada ah ee uu ula dhaqmay ninka uu baartay. Kanoo kale waxuu ku fiicnaa in meel aan bani’aadanba degin oo keligi uu ku nool yahay lagu hayo inta cimrigiisa ka dhiman.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  4. bishaaro says:

    Laakiin waxa is waydin muadaan Tareenku muxu uga istaagi wayay hadduu arkay qof meesha jiifaa ?? in tuuga kaliya la eedo miya la isku racaay ?? ileen asaga kuma ridine ?? waxay ahayd dadka wada tareenada naftooda in aay ka so qadan qofkaas jiifa meesha oo aay ka istaajiyaan …

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. jaamac dheere says:

    waa nacas aan diin iyo jiir naxaba lahayn ee hala qabtee dhaaf tunnel bannel ka qaraabtaa tuuga tuuga dhalay<< bishaaro hhhhh tareen ka gaari miyaa maxay uga istaajin waayen ku te tarenka station ilaa station kale ayuu istaagaa ama hadii kontroll rumka war bixin siiyo xaga jidka uu ku socdo lkn hadii aanan wax warbixin uusan helein tareen ka xeeyaha ah qofka jidka ugu soo galo waa u dul marayaa waa sharc lol.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. malyuun says:

    asc,runtii waa arin laga naxo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. suheeb says:

    waa nacas weeyba kuyareyeen lix sano arin wanaagsan hadii na lasp qabtay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Geedi says:

    walaahi inta beerka laga tumo 10 sano ha laxiro waaa xayawaan waxaan arki jiray tuug xariif ah oo dadka caawiya kani waa doqon tuug ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Cabdirisaaq says:

    ninka magaciis? Swedish miyaa? Camirada WAARDIYE ma lahan miyaa? haddii uu wax arko si uu degdeg wax uga qabto,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. cawaale says:

    yeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeees marka hore waxaan leeyahay guul LIDL sida daas oo kale ha loo shaqeeyo maxaa iga galay hadhihin tuug somaliyeey sxbyaal nabada halaga wada shaqeeyo sababtoo ah tuug faa ido malahan soo wac oo kaliya 112 adoo mahadsan balan teenu waa nabad soomaaliya iyo sweden
    byyyyyyyyyyyyyyyyy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. imaanka says:

    niinkan waxa dhaqaankiisa oo kale leeh nimankii rerxamarka ahaa oo qoof an wax udhiimin madaxa xabaadkaga dhiifanayay kan waa kuwaas o kalee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  12. abdifatah says:

    somalida waa nacaso walahi war maxaa idinka galay qashin cabsan oo tariin ku dhacay dad ayaaba u doodaya aloow ale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0