WAA MAALINTA QARANKA SWEDEN

Maanta waa maalinta Qaranka Sweden (Sveriges nationaldag). Guud ahaan wadanka ayaa laga dhigayaa xaflado lagu maamuusayo maalintaan iyadoo soomaalida sweden ku dhaqan ay ka qeyb qaadanayaan. Xisbiga Miljöpartiet ayaa ku baaqay in maalintaan laga dhigo mid lagu muujiyo furnaanshaha iyo dhaqamada kala duwan ee Sweden. Cunsuriyiinta ayaa iyagu aaminsan in maalintaan laga afduubtay dadka dhaladka Swedishka ah.

Maalinta Qaranka Sweden ayaa si rasmi ah waxaa loo dhaqan galiyay sanadkii 1983 ka dib go’aan ka soo baxay baarlamaanka Sweden. Maalintaan ayaa waqtigaas ka hor waxaa loo yaqaanay Maalinta calanka Sweden (Svenska flaggans dag).

Dabaal daga maalintaan ayaa bilowday sanadkii 1916, iyadoo lagu maamuusayay doorashadii boqorkii Sweden Gustav Vasa sanadkii 1523, iyadoo tani loo arko aasaaskii Sweden.

Maalintaan ayaa la dhihi karaa waa maalinta xornimada Sweden maadaama lagu maamuuso sidoo kale markii Sweden ay ka baxday midnimadii loo yaqaanay Kalmarunionen waqtigaas oo Sweden ay hal wadan la ahayd Denmark iyo Norway.

Sanadkii 2005 ayaa Maalinta Qaranka Sweden si rasmi ah looga dhigay maalin fasax ah.

Hadaba Sweden iyo shacabkeeda waxaan leenahay Grattis Sverige på nationaldagen!!!

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Saredo1 says:

    Waa salaamanta hiin dhamaan tiin bacdal salaan waa u hanbalyay nayaa guud ahaan shacabka sweden meelkastoo ay joogaan waxaan leeyahay grtis iyo maalin wanaagsan o farxad leh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. MASSAGO says:

    Sareedo Hadaan su-aal ku waydiiyo adoo raali ah wabsedkaan komanstiskaaga daqiiqad daqiiqad aad u soo galisaahe waardiyo maad kuqorantahay daawim oo deher asad isku maaweelisaaa intaas waa iga kaftan be om ursäkta hadaad camashootay.
    intaas kadib Nationdag waala qaybsaneeyna inakstoon ruuxeeygu aw jiro somalia kaliya jirka aan marqaati uga ahay sweden inaaan joogo.,,ALQALBU QAAIBUN ALJISMU XAADIRUN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Saredo1 says:

    @massago su aashada jawaabmaleh sababto ah su al jaban jawaab maleh .tan labaad meeshu fadhi kudirir maaha e waa fikradada dhiibo cidna haku habsaamin adooraaliya walaalo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. MASSAGO says:

    Sareedo waa mahadsantaahy yacni aniga mugi hore aanba kaaga cudur daardhay kaftan leen kuu iri ee xumaan ha u fahmin.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Nin naagtiisu ka maqantahay says:

    Wejigiin la gub , Hambalyo ku lahaaa , sweden ha gubato , soomaliya ha iftiinto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. khalid says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. MASSAGO says:

    Nin naagtiisa kamaqantahay shiiiw lagaa yiri wadankaan iyo naagtaada maxaa iskugu juro hanaga gubin wadanka waram hele

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. FM says:

    Runtii Wadankan waan ku nool nahay meel aad ku nooshayna lama haaro balse Allow nagu nabad yeel ayaa lagu duceystaa intaas ka dib:- Dadka Ilmahooda iyo xaasaskoodu/nimankoodu joogaan Nairobi Kenya, war baan u hayaa waxaan fariin gaaban u direy Safaarada Sweden ee Nairobi waxaan weydiiyey xiliga iyo goorta la furayo oo ay howlihii DNA iyo mideynta familadda bilaabeyso waxayna ku soo jawaabtan sidatan:-

    Howla socdaalkaee safaaradda Sweden waxaa ku cad marka iney furi doonaan dhamaadka juni ama bilowga juli, weli ma cada taariikh saxsan.

    Hej,

    Svenska ambassaden öppnar för migrations ärenden någon gång i slutet på juni eller början på juli, vi har fortfarande inget exakt datum.

    Med vänliga hälsningar

    Migration/Consular Affairs
    Embassy of Sweden, Nairobi
    P.O. Box 30600
    00100 Nairobi
    Kenya.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. FM War cusub oo ku saabsan Safaaradda Sweden ee Kenya says:

    Dadka Ilmahooda iyo xaasaskoodu/nimankoodu joogaan Nairobi Kenya, war baan u hayaa waxaan fariin gaaban u direy Safaarada Sweden ee Nairobi waxaan weydiiyey xiliga iyo goorta la furayo oo ay howlihii DNA iyo mideynta familadda bilaabeyso waxayna ku soo jawaabtan sidatan:-

    Howla socdaalkaee safaaradda Sweden waxaa ku cad marka iney furi doonaan dhamaadka juni ama bilowga juli, weli ma cada taariikh saxsan.

    Hej,

    Svenska ambassaden öppnar för migrations ärenden någon gång i slutet på juni eller början på juli, vi har fortfarande inget exakt datum.

    Med vänliga hälsningar

    Migration/Consular Affairs
    Embassy of Sweden, Nairobi
    P.O. Box 30600
    00100 Nairobi
    Kenya.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. runsheeg says:

    Asc waraa mesago ka leexo saredo waxey difaac ugu jirtaa jimcaale kkkkk sababtoo ah waxaa la yiri wixii uurka jiro afkaa soo xado ayadaa horey u cadeysatey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. muslim says:

    swedan hagubado raayada tawxiidkana lagataago in shaa allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. saredo1 says:

    waan jeclabay jimcaale sii aada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. MASSAGO Till FM says:

    Runsheeg okej xirig mayro i celsho sAreedo aniga ineey kalyeenti fiican tahay leen sheegay ayuna waa iga camashootay unbaydeey raali naqo mug kale rootina cun.
    FM eboow maan dhahaa mase unbaay qoraalka waxaa ku cad Juni,,juli dhaxdooda lkn kuma cado sanadka 2012 miyaa mase 2013 dabeecada an Swedshka ku aqaan waxaaka mida hadii aysan rabin ineey sheegaan waqti mucayin ah bisha ama malinta lee lasheegaa marka sanadka kasto ayna kusoo aadi kartaa bisha ama maalinta wali macado muga arintas nuxurka hadalka hadii lasooo koobo Danta loo xirana waxeey eheed safaaradaha aan wax dakhli ah kasoo galin dawlada ay kamid eheed saasaa loo xiray hadeey u arkaan inay wali sidi tahayna qaxooti dartood cidna uma fureeyso saaseey ku xiraahee ilaa yawmal qiyaamaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Saredo1 says:

    Walee wax la arag waxna laaban xataa magacaygii waa laygu sooweraray inta webkii lasoodhafay bal arka qofka dhahaaya jimcale waa jeclahay o aniga imatalaaya war asxaabey sharafta sida xoolaha haloo ilaasho waa iga talo.. Tukale waxay ilatahay qofki wax jeclaada waa arin asaga quseysa e maaha wax dadko dhan kadhexeya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. FM to Massago says:

    Maya Massago sidaas maaha waa ra,yigaa waxaan aad soo qorty Safaaradda Kenya waa mida sadexaad Aduunka ugu weyn safaaradaha wadankan ku leeyahay dibabadaha oo dhan waana tan koowaad ee Africa ugu weyn,marka waxay xataa u shaqeysaa dadka asalkoodu yahay:-Somalia, Kenya ,Rwanda iyo Komorous iwm. Marka waxaynu rajeyneynaa dhamaadka juni amaba bilowga juli ee sanadkaan ee dooda mid jirta oo wax dhiseysa ka dhib hadii kale iska aamus dadkana wax ku soo kordhi walaal Af-daboolan Dahab!!!!!!?????

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. MASSAGO Till FM says:

    Sxb marki laga soo tago hadalka ilma kuseexiskaa waqtiga saxdaa ay furaayaan masheegin dawlada Sverige. muda kadhiman 25 biri in la ogaado ay eheed xiliga la furaayo ama dhaq dhaqaaqeeda tan kale afriko wadamada badan ay ku leedahay saafarado kuwaasba cabsi looma xirine maxaa keenay in tan kenyo laxiro tusaale ahaan ugaanda oo qaraxyay waaweeyn kadheceen lama xirin kenyo ka,amaan fiican maxaa kenay in laxiro taas waxaa kajawaabi karo diblumasiga hawshaas quseeyso marka wixi kabad badis ah waa gooni lkn waxaan sheegay anungu inesan jirin muda mucayin ah oo aw tahay wax wali muran kujuro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. FM says:

    dhismaha oo ku yar oo ay ka guurayaan iyo arimo amaan ayey u xirneyd Safaaraddu sida ay ku sheegeen webka safaaradu ay leedahay weyna furayaan dhawaan insha Allaah sida aan rajeyneyno.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0