Waa maxay Valentine’s Day? Maalinta Jaceylka?

14-kii bishaan Februari waxay ahayd maalinta loogu yareeyo Valentine’s Day ama Maalinta Jaceylka aduunka. Hadaba waxaan eegayaa taariikhda iyo asalka maalintaan.

Maalinta Valentine’s Day oo aduunka si aad ah looga xuso ayaa taariikhdeedu waxay tahay mid ku dhisan been iyo hal abuur aan sal ku lahayn sida loo dabaal deggo maalintaan. Wadamada reer galbeedka ayaa maalintaan lagu xusaa in dadka isjecel ay ubaxyo iyo shukulaato isweydaarsadaan.¬†Waa maalin ay shirkaduhu si weyn uga faaidaan.

Waqtigii hore ayay maalintaan ahayd “St. Valentine” oo ah maalin ka mid ah ciidaha Kiristaanka oo lagu xusayo nin lagu magacaabo¬†Valentinus. Dhamaan waxyaabaha ku dhisan jecaylka iyo sheekooyinka la xiriira galgacalka ee lala xiriiriyo maalintaan ayaa ah kuwo la alifay dhowr qarni ka hor.

Kaniisada Romanka ayaa go’aansaday qarnigii la soo dhaafay in ay ka saarto liiska ciidahooda maalinta Valentine maadaama ay sheegeen aan waxbadan laga aqoon baadariga lagu maamuusayo maalintaan. Sida ay ku timid in jaceylka lala xiriiriyo maalintaan ayaa la sheegaa in ay ka dambeys hadal la alifay oo ah in dowladii Romanka ay ku amartay ragga in aysan guursan si ciidanka aysan uga bixin iyo ninkaan Valentine oo la sheego in uu ahaa baadari diiday amarkaas. Si kastaba ha ahaatee, sheekadaas ayaa lagu sheegaa been abuur.

Waxaa la yaab ah maalinta nuucaas ah oo taariikhda nuucaas leh in ay maanta noqotay maalin dad badan ay isugu hambalyeeyaan. Bal horta haddii loo hadlo si caadi ah yaa u sameeyay jaceylka maalin gooni ah, soo ma ahan in maalin kasta lays jeclaado? oo aad maalin kasta u iibiso jaceylkaaga hadiyado iyo ubaxyo?

Marka laga soo tago midaas, ayaa waxaa ka sii cajiibsan in Muslimiinta ay u dabaal dagaan maalintaan iyaga oo qaarkood ogyihiin qaar badana aysan ogeyn in maalintaan aysan wax sal iyo raad ah ku lahayn dhaqankeena iyo diinteena.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. shekhuna says:

    reeer galbeedka hadabaal degaan maxumee, laakiin hey raacdeena oo muslimiinta ah ama soomaalida, aan layaabaa sababta ay u dabaal degaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. fatima says:

    bal adba dameer dhaan raacday beey noqdeen

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Iniin says:

    Asc jimcaale horta waad mahadsantay horta ma aragta commant badan in aan laga bixin ma aragta waayo dhalinta inta badan kuma qanacsana lkn hadaad wax ka qori laheed arimaga socdaalka dad badana ka dhiiban laha fikir dadka maalintan aaminsan wax ay u badanyihiin dad maan gaab ah waa horay suu u sheegay sxbkey waa dameeru dhaan raacday dadka xusay maalinta xusina doona ale ha laga baqo meel walbo aad joogtaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Muhanad says:

    Jimcale sxb aad iyo aad aya umahadsan tahay mantay kahor man u ogen sidas aan nogu bayanisay sxb thanks

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. kadar kadar says:

    Asc. Maalintan horta waaba nin gaala oo gal dhalay oo roma ka so jeda oo dhintaye maxanba ugu dabal dagi anigo muslima war ileen fujaan..!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Ana says:

      asc waxaa ardayadi dil ma dad jiro oo ah waa dad aan qali heyn oo walan waxas jihad ma aho waa qayadweln ilah ha naxaristo

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. abdi says:

    Asc jimcaale aad ayaad u mahadsan tahey Lakiin ..waxaad Ogaata wax walba waa qalbiga Hadii aan aniga niyadeeda eey nadiif ii tahey oo maalintaasna kaliya aan u aqoonsanahey maalinta jaceylka oo qofkan jeclahey hadiyad u keeno in eey dhib lee dahey ma u maleynayo sababto ah wax alba waa niyada gaalada waxey raban ha u niyeestan lakiin aniga waxaan u niyeeysana maalin jaceyl kaliya in eey tahey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. samka nuura says:

    asc dhamaan muslimiinta gaar ahaan umada soomaaliyeed ee ashahaadata waxaan rabaa inaan idinku darsado wax yar oo ah arintaan ku saabsan dabaaldaga maalinta jaceylka hadaanu nahay umad muslim ah wax shaqo ah kuma lhin maalin gaar ah oo aanu leenahay majirto oo ladhaho maalinta jaceylka iyo maalin naceebka midna malihin insha allaah hala iska ilaaliyo waxaas oo kale ilmahana kala dagaala hadeey idin dhahaan idika oo u sheegaya fahansiinaya si tartiiba insha allaah illaahay hana xafido dhamaaanteen walaalkeen jimcaale aad ayaad u mahadsan tahay jazaakalaahu

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0