Wadamada ugu farxada iyo murugada badan aduunka oo la soo bandhigay, kaalintee galeen Sweden iyo Somalia?

Baaritaan ay samaysay Qaramada Midoobeey ayaa lagu soo bandhigay wadamada ugu farxada iyo murugada badan aduunka. Baaritaanka oo lagu magacaabo World Happiness Report ayaa waxaa ka qeyb qaatay 157-wadan. Liiska oo dhinacyo badan oo xaga nolosha, shaqada, caafimaadka, dowladnimada iyo arimo kale ka eegay bulshada ayaa waxaa kaalinta 1-aad galay wadanka Denmark, oo ay soo raacaan SwitzerlandIceland, Norway iyo Finland.

Sweden oo liiskaan horay kaalimaha hore ka gali jidhay ayaa aad hoos ugu dhacday, iyadoo su’aashu ay tahay waa maxay sababta aysan Swedishku u faraxsanayn? Sweden ayaa gashay kaalinta 10-aad. Sanadkii hore ayaa Sweden waxay gashay kaalinta 8-aad iyadoo sanadkaan labo kaalimood hoos u dhacday.

Dhinaca kale, wadanka Burundi oo galay kaalinta 157-aad ayaa noqday wadanka ugu murugada badan aduunka. Iyadoo ay soo raacaan wadamada Syria, Togo, Afghanistan, Benin, Rwanda, Guinea, Liberia, Tanzania iyo Madagascar. Wadankeena Somalia ayaa galay kaalinta 76-aad taasoo ka dhigaysa in dadka ku nool Somalia ay ka farxad badan yihiin dadka ku nool 82 wadan oo kale.

Liiska wadamada ayaad ka helaysaa halkaan: http://worldhappiness.report/

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. luul says:

    maansha allaah waa wax lagu farxo inkasto ey weli liidato somalia hadana waxanba nahay dhex dhexaad ilaahow noo siyaadi idinkana aamiin dhaha intiina caafi maadka qaba

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. Saafi says:

    asc mashaa allah soomali waa dad allah yaqaano oo imankooda qabo wax diin leheen miya kuwaas waye waxaan an nolosha alaah siyeey ku qana saneen.laakiin waxaa iga suaalah maxa wadamada aduunka kuwa ugu malaaqanen sen sida caraabta maxa iyaga mala xisabiin miya mise waa wada murugo iyagana

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Farxaan says:

    Alshabaab iyo Qabiilka hadaan kahortagno Soomaliya shaki kumajirto ineey noqonayaan dadka ugu farxada badan aduunka. Nambar 1.😆😃😄😁

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  4. Omn says:

    alshabaab waa la iskaqabankara lkn cudarka dhimaneynin oo dhamaneynin waa qabyalada

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. Hilil geel raadshe says:

    Somalia waxay kujirta kaalinta 2aad kagadaal Libya oo 1aad gashay marka loo fiirsho qaarad ahaan Africa allow awood iyo amni iyo cadaalad noogu badal cawaantii kalee afrika ee wadankeena ilaalinaysana liiska meelaha ugu hooseysay joogaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. mohamed yada says:

    somali hanolato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0