Warbaahinta Europe waa inay wax ka bedesho qaabka ay wax uga qorto Soomaalida

somalis-europe-jamilah-featured-20131112[1]
Daraasad cilmiyeed ay samaysay hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo Open society foundations laguna sameysey nolosha Soomaalida ku dhaqan 7 magaalo oo Europe ku yaala ayaa si hordhac ah loogu soo bandigey magaalada London. Sheekooyinka ku saabsan nolosha Soomaalida ee 7-da magaalo oo kala ah Amsterdam, Copenhagen, Helsinki, Leicester, London, Malmo, iyo Oslo ayaa qofkii akhrista faham wanaagsan ka siinaysa nolol-maalmeedka qofka soomaaliga ee Europe jooga. Sheekada soomaalida oo loo baxshay (Meet the Somalis oo macnaheedu yahay la kulan soomaalida) waxay ku salaysantahay waraysiyo laga qaadayey soomaalida 7-daas magaalo ku nool mudo 6 bilood ah oo intii sanadkan 2013 lagu guda jiray ah.

Daraasada ayaa Soomaalida- Europe ku tilmaantay dad fir-fircoon oo ka mid ah dadka laga tirada badanyahay ee Europe ku nool waxayna xogtani soomaalida Europe u qaybisay sadex qaybood oo kala ah ,dad soomaali ah oo Europe ku dhashay, qaxooti iyo magan galyo doon mar dhow dhib keenay iyo kuwo waddan Europe ah ka guuray oo wadan kale oo Europe ah u guuray, waxayna intaa ku dartay in aan lahayn tiro sax ah oo inta ay yihiin sheegaysa laakiin hadii la isku wada geeyo ay soomalidu tahay bulsho ka mid ah kuwa ugu balaaran bulshooyinka laga tirada badanyaahy ee Europe ku nool.

Daraasada ayaa lagu sheegay in ay gudbinayso khibrad badan oo aan horay soomaalida looga hayn, sida ilmo yar oo maanka ku haya dareenka goob dagaal iyo xanuunka iyo uur-ku-taalada ay leedahay in aad ka tagto oo dani idin kala wado ehelkaagii aad jeclayd. Waxaa kaloo lagu eegey cilmi barista , caqabadaha ay soomaalidu kala kulanto Waxbarashada, guryo helida,Warbaahinta, shaqada, ka qayb qaadashada siyaasda iyo aqoonsiga. Waxaa la tilmaamay in warbaahinta Europe sida ay wax uga qorto Soomaalida loo baahanyahay in dib loo eego ayna haboontahay in warbaahintu joojiso xogta aan runta ku dhisnayn iyo sawir aan wanaagsaneyn oo ay soomaalida ka bixiso .
Sida la sheegay sheekooyinka darasada waxaa lgu turjumi doonaa looqado dhowr ah waxaana looga gol-leeyaha in caalamka loo gudbiyo fikirka saxda ah ee Soomaalida ku nool Europe iyo waxyaabaha ay ku wanaagsanyihiin.

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Abdullahi says:

    Don’t forget the source of news ALWAYS! Specialy marka Warbixin add soo qoraysid!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

    • Saciid Cabdi Cusmaan says:

      The resource is mentioned clearly but maybe not as you wanted, once again our resource is Open society foundation and you can visit their website to get more details if you need it.Thanks

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Mohammed says:

    ASC WALAAL WAA MOWDUUC AAD II SOO JIITAY LKN WAXAAN KU DARSAN LAHAA IN QORAAGA UU XOOGAA NOO KALA DHEEREEYO QORAALADA OO UU IS-BEES AMA BOOTIN U DHAXEYSIIYO 3 DEXDII LEEN AMA 4 TII LEENBA SI AY NOOGU FUDUDAATO AQRISKA IYO FAHANKA…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. sanka says:

    anigu waxaan dhihilaahaa soomaalay istoosiya oo fadhiku dirirka iskadaaya oo shaqo raadsha si qofkasta u firfircoonaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. somaliland boy says:

    iyagoo ah dad laga tiro badan yahay ayay iyagiina 4.5 isku sii qaybiyaan, yaaaaaaaaab halkee wax lagu wadaa tolooow

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. seytuni says:

    asc all asxaabta waa warbixin xiiso leh runtii aad ayaana ugu farxay aniga ahaan somalida inay yihiin dad wax qabsankara insha allaah ilaahay kheyrka ha waafajiyo dhamaan muslimiinta gaar ahaan somalida.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. F.M says:

    Waa warbixin aad looga shaqeeyey sida ay u muuqatao, waana wax lagu daydo daraasadaani. Reer Yurub ayaga ayaa hadba warbixin sameeya isdiidaya, Soomaaliduna waa dad firfircoon oo meelihii jaanis leh runtii wey ka faa,iideystaan laakin meeshii ceyr iska sug bes ah dhibkeeda ayey lee dahay, hadaad is tiraahdo hoeumar sameena maxkaxiyan maba sameyn kartid oo maskaxda ayaa la iskala diriraa siiba Sweden.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. SOMALI says:

    ASC.DHAMAAN WAA IDIIN SALAAMAY SALAAN KADIB.SOMALIDE MARKAAN RUNTA KAHADALNO WAXA SUMCADOODA UGU DHEELAAYO WAA SOMALI KALE WAXAAN KAWADAA DAD SOMALI AH OO WAXAA JIRO SOMALIDE XUMAANTOODE BES AH WAX KAQORO AMA MACLUUMAAD HADII LAGA WEYDIIYO SOMALIDE KASHEEGAAYO WAX SAX AH IYO WAX BADAN OO BEEN AH ANIGE WAA OGAHAY IN SOMALIDE EY CEEBO BADAN LEEYIHIIN LAAKIIN MARKAAN RUNTA SHEEGNO SOMALI UMADAHA KALE OO KALE WAAYE SABABTOO AH DADKA OO DHANNE ISKUMID MANOQONKARAAN HAL QOYS OO ADIGU AAD KADHALATAY BAL FIIRI WALAALAHAA MA ISKUMIDBAA?! MARKE SOMALIDA WAA DHOOR MILYAN OO QOF LAAKIIN WAXAA XAQIIQO AH IN EY QAARKOOD YIHIIN DAD KU DHEELAAYO MAGACA IYO SHARAFTA SOMALIYEED TANKALE WAXAAN OGNAHAY IN YURUBTAAN OO DHAN EY JIRAAN DAD MAGAC SOMALI KUQAATAY SHARCIGE OO AAN SOMALI AHAYN WAXAAN ULAJEEDAA DHIIG SOMALI DHAN MALAHA AMA WAA AFRIKAN KALE AMA WAA CARAB MARKE TAASNE WAA XAQIIQO IYADANE WAXAA JIRO WADAMADE QAAR SOOMALI AAN LAGA GARANAYNIN MARKE WAA INAAN DADAALNAA OO AAN AAN KAMUUQANO MEESHE AMA AANKAMAQNAANAA OK

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0