Warbixin: Kalabar haweenka Swedishka oo doonaya in ay guriga joogaan

6

Afti urur lagu sameeyay haweenka Swedishka ayaa lagu soo bandhigay in ku dhawaad kala bar ay doonayaan in ay guriga joogaan haddii ay awoodi kari lahaayeen. Haweenkaan ayaa doonaya inay noqdaan hooyooyin, waa kuwo da’dooda u dhaxeyso 18-29 sano.

Macluumaadkaan oo uu aruuriyay websiteyka ugu weyn ee arimaha qoyska familjeliv.se oo ay ka qeyb qaateen haween gaaraya  9,552 ayaa lagu eegay macluumaad kala duwan oo la xiriira guriga, shaqada iyo nolosha.

Haweenka ayaa la sheegay in wali ay cunsuriyad kala kulmaan goobaha shaqada, qaasatan marka ay caruur yeeshaan. Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay in dumarka loo arko kuwa masuulka ka ah daryeelka guriga iyo caruurta.

Iyadoo marar badan ay bulshada reer galbeedku ay dhaliilaan in Islaamku uu farayo in dumarku ay guriga maamulaan ayaa warbixintaan waxay soo bandhigeysaa xitaa in dumarka Swedishka ah ay doonayaan in ay guriga ku ekaadaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here