Wergeyska Dagens Nyheter (DN) oo ka mid ah wargeysyada ugu caansan Sweden ayaa bogiisa hore ku daabacay mowduuc ku saabsan dhibaatada haysata qoysaska Soomaaliyeed oo kala go’doonsan. Tan iyo markii Sweden soo rogtay in dadka daganaashiyaha ka soo codsanaya wadanka dibadiisa, qaraabo Sweden u joogta darteed ay codsigooda soo raaciyaan baasabor la aqoonsanayahay ayaa waxay taasi dhibaato ku noqotay qoysas badan oo soomaali ah in ay la midoobaan qoyska intiisii kale oo ku nool Sweden. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay dadkii soomaaliyeed oo daganaashiyaha helay 2009 , ayadoona 2010 tidaradii hore is dhintay ilaa 90% . Waxaan arintan sidoo loo baahnaa ula tacaalin heyadaha dawladda oo ay maxkamaduhuna ku jiraan, siday ay la tahay Annika Lagerqvist Veloz Roca, oo bare sare ka ah jaamacada Stocholm , “hey’adaha dawladda ayaan go’aamada isku raacayn, taasina waxay dhimbil dab ah ku tahay xitaa siyaasiyiinta” sidaasi waxaa yiri Annika Lagerqvist . Wargeyska ayaa sheegay in wasiirka Socdaalka gaabsaday mar wax laga weydiiyey arintaan,laakin wuxuu xaqiijijey in arintaan ay tahay mid hada taagan, mar dhawna xal laga gaari doono. Joornaalka oo sheeko dheer ka qoray gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Istaahil Xuseen, kuna nool magaaladda Fälköping oo 7 caruur ah iyo saygeeduba ku noolyihiin xerada qaxootiga Kakuma ee wadanka Kenya ,ayuu wargeysku soo bandhigay sida ay xaqa ugu leedahay gabadhani in xubnaha kale ee qoyskeeda si sharuud la’aan ah loogu keeno. Madaxa Xaga Sharciga u qaabilsan Laanta Socdaalka, Mikael Ribbenvik ayaa sheegay in hada maxkamada sare ee laanta socdaalku arintan kor u soo qaaday, hadii jawaab wanaagsan ay bixin weydana ay arintu u gudbi doonto siyaasiyiinta. Sikastaba ha ahaatee waxaa jira dhaq-dhaqaaq wanaagsan oo hada socda lana doonayo in arintaan wax looga qabto, kaas oo xoogiisu hada ka dhex socdo hey’adaha dawliga ah dhexdooda. Dhanka kale dhalinyaro Soomaaliyeed oo ayguna dhankooda arintan oga hawlanaa ayaa lagu wadaa in maalmaha fooda nagu soo haya la kulmaan wasiirka Socdaalka una gudbiyaal dacwad ka dhan ah sharciga hada lagula dhaqmo soomaalida. Saciid Cabdi Cusmaan, Uppsala

Wargeyska DN oo Soomaalida wax ka qoray

Wergeyska Dagens Nyheter (DN) oo ka mid ah wargeysyada ugu caansan Sweden ayaa bogiisa hore ku daabacay mowduuc ku saabsan dhibaatada haysata qoysaska Soomaaliyeed oo kala go’doonsan.

Tan iyo markii Sweden soo rogtay in dadka daganaashiyaha ka soo codsanaya wadanka dibadiisa, qaraabo Sweden u joogta darteed ay codsigooda soo raaciyaan baasabor la aqoonsanayahay ayaa waxay taasi dhibaato ku noqotay qoysas badan oo soomaali ah in ay la midoobaan qoyska intiisii kale oo ku nool Sweden. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay dadkii soomaaliyeed oo daganaashiyaha helay 2009 , ayadoona 2010 tidaradii hore is dhintay ilaa 90% .

Waxaan arintan sidoo loo baahnaa ula tacaalin heyadaha dawladda oo ay maxkamaduhuna ku jiraan, siday ay la tahay Annika Lagerqvist Veloz Roca, oo bare sare ka ah jaamacada Stocholm , “hey’adaha dawladda ayaan go’aamada isku raacayn, taasina waxay dhimbil dab ah ku tahay xitaa siyaasiyiinta” sidaasi waxaa yiri Annika Lagerqvist .

Wargeyska ayaa sheegay in wasiirka Socdaalka gaabsaday mar wax laga weydiiyey arintaan,laakin wuxuu xaqiijijey in arintaan ay tahay mid hada taagan, mar dhawna xal laga gaari doono.

Joornaalka oo sheeko dheer ka qoray gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Istaahil Xuseen, kuna nool magaaladda Fälköping oo 7 caruur ah iyo saygeeduba ku noolyihiin xerada qaxootiga Kakuma ee wadanka Kenya ,ayuu wargeysku soo bandhigay sida ay xaqa ugu leedahay gabadhani in xubnaha kale ee qoyskeeda si sharuud la’aan ah loogu keeno.

Madaxa Xaga Sharciga u qaabilsan Laanta Socdaalka, Mikael Ribbenvik ayaa sheegay in hada maxkamada sare ee laanta socdaalku arintan kor u soo qaaday, hadii jawaab wanaagsan ay bixin weydana ay arintu u gudbi doonto siyaasiyiinta.

Sikastaba ha ahaatee waxaa jira dhaq-dhaqaaq wanaagsan oo hada socda lana doonayo in arintaan wax looga qabto, kaas oo xoogiisu hada ka dhex socdo hey’adaha dawliga ah dhexdooda.

Dhanka kale dhalinyaro Soomaaliyeed oo ayguna dhankooda arintan oga hawlanaa ayaa lagu wadaa in maalmaha fooda nagu soo haya la kulmaan wasiirka Socdaalka una gudbiyaal dacwad ka dhan ah sharciga hada lagula dhaqmo soomaalida.

Saciid Cabdi Cusmaan, Uppsala

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Abdulahi says:

    jimcaale taarikhda ayaa ku xisidoonto lkn sha,niga jira ayaa ah somali isku duuban ayaa la,layhay sidaa adiga iyo dhalinyarada isku duuban wax uqabatiin ma,udadaalaayaan sxb ilma ka maqno oo waxii lakeenaayo wax kama galin somalida iyada ayaa xaasid isku sxb lkn inta walaalaha fiican hadadaalaan waana mahasantiihiin somaliska.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Jimcale says:

    Waa mahadsantahay Abdullahi, mowduucaan waxaa qoray Saciid, oo ka mid ah dhalinyarada aadka ugu dadaasha arimaha Soomaalida.

    Saciid waa wakiilka Somaliska ee Uppsala.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Maxamed says:

    Wa mahadsantihin walalaha somaliska walalayal dadalkina sida insha alah inta dhiman ilah aya idinka sacidi dona marka ilaha hanaga qado culeysaka amin bye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Amin says:

    Aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa Jimcaale iyo dhaman cidkasta oo isku hawshay ama ka damqatay waxka qabashada qosaska Somaliyeed ee lakala xayiray waxanan leeyahay aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin dadaalka dheer ee aad wadaan waanad ku guulaysandoontaan ee dadaalka halkaas ka wada waxa kale oo aan jeclaan lahaa in aan idin xasuusiyo in aad dadaalka iyo hawsha aad wadaan ka qaybgalisaan walaalihiina Somaliyeed ee gudaha Sweden ku xaniban ee loodiiday ama laga xayiray dhaman xaquuqdoodii qaxootinimo ee dhuumashada ku jira.
    waanad mahadsantihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. maxamed nuur says:

    asc ww halkaan waxan kasalamaya mudane jimcale iyo dhaman bahda webka somaliska anigo uga mahad celinaya dadaalka ay ugu jiraan in ay sodhiciyan quxuqda kamaqan walalah somaliyed e loo diiday iney reerahoda lamidoobaan waliba waxan si qaas ah ugu mahadcelinaya walalken jimcale oo markasta u taagan waqtina u huray in walalihis uso gudbiyo xogkasta iyo warbixinkasta o somalida kahadlaysa thanx jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ahmed says:

    ASC jimacaale iyo dhamaan inta isku xilsaartay iney soomaali dhibaateysan oo aan awoodin iney wax ka ogaadaan waxa socdo & sidey arinta ula socon lahaayeen ha ahaato dhan dowladda inaad u fududeyseen sida ay wax u socdaan dadkiina ayaad wax la taaban karo u qabateen.waad mahasantihiin shaqo wacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Muna says:

    ASC, marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shaqaalaha webka somaliska gaar ahaan mr Jimcale.
    marka xiga waxaan idin leeyahay dadaalka aad wadaan waan u bognay waxaadna tihiin muwaadiniin dhab ah ee halkiina kasii wada.
    waxaan kaloo ku darsan lahaa fikradda ah somaliyey bulshada aad la nooshihiin takoor haka noqonina wax aan dantiina ahayn na haku mashquulina. hadii aan somali nahay waa inaan is dhexgalka bulshada ku dadaalnaa, luqada wadanka baranaa, waxna ka qabsannaa wadankan shisheye, waad aragteen bulshoyinka kale.
    wabillahi towfiiq. från Södertälje Sverige.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0