Wasiirka isdhexgalka oo doonaya in uu xafiisyada dowlada u soo raro Rinkeby

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa mowduuc uu ku qoray wargeyska SvD waxa uu ku muujiyay rabitaankiisa in qaar ka mid ah hay’ada dowlada loo soo raro xaafadaha ay soo galootigu ku badanyihiin ee magaalada Stockholm sida Rinkeby, Tensta, Husby, iyo kuwa la mid ah.

Wasiirka ayaa doonaya sidii lo yareyn lahaa kala qeyb sanaashaha bulshada iyo sidii soo galootiga looga qeyb galin lahaa shaqooyinka iyo nolosha wadanka ayaa ka dhawaajiyay waxyaabihii ugu dambeeyay ee dowladu ay ka qabatay arimaha la xiriira soo galootiga. Waxa uu ka dhawaajiyay lacago badan oo ay dowladu u diyaarisay kor u qaadiska heerka shaqada ee xaafadaha soo galootigu ku noolyihiin iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ay ku jiraan in shirkadaha ka dhisan xaafadahaas laga yareeyo canshuuraha.

Fikradiisa ugu dambeysa ayaa wasiirku waxa uu ku sheegay in ay doonayaan in ay soo raraan qaar ka mid ah Hay’adaha dowlada iyo qaar ka mid ah xafiisyada maamulka gobolka Stockholm. Sababta ayaa ah in kor loo qaado niyada dadka ku nool xaafadaha iyo in kor loo qaado magaca xaafadaha iyo fursadaha shaqada.

Wasiirka isdhexgalka ayaa noqday nin aad u daneeya arimaha xaafadaha soo galootiga isagoo dhowr bilood ka hor xaafiiskiisa si ku meel gaar ah uga furtay xaafada Rinkeby oo uu 1 isbuuc ka shaqaynayay halkaasi. Hadaba in uu xaafiiskiisa si rasmi ah u soo rari doono iyo in kale wali lama shaacin balse waxay noqon lahayd arin faa’iido u leh xaafadaha Soomaalidu u badantahay oo sanadihii dambe ay isaga guureen xitaa adeegyadii bulshada sida Bankiyada, caafimaadka iwm.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Dulmidiid says:

    hadalka ka so baxay wasaarada kala qaybinta iyo cunsuriyada, hadalka wasiirka waxan dhihi karnaa waa boro bagando iyo maaweelin,
    ( qawda maqashii waxna hawqaban)
    waxan doonayna isbadel dhaba lakiin uma baahnin hadal oo kaliya.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. farxiyo says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

    • MS says:

      Asmc. Ku farxiyo! walaal wiilka wuu qaldanyay waad oran kartaa laakiin aflagaado jooji! Dadkoodhana isku fikrad ma,aha. Taadu haday saxantahay xitaa dad ayay laqaldanaan kartaa?, laakiin haisku dayin in dadkoodhan ay ” Hal fikir” iskugu imaadaan. Ama ay isku caqli noqdaan. Waxaasna waa waxa soomaali isku haysato. Ee walaal aragoo katag!! waad qaldantahay kaliyaa ku ekoow!!!!!

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Khadija says:

    Waan soo dhoweynayaa fikirka wasiirka isdhexgalka waana ficil ka tarjumaya hawsha wasaaradiisu ay u xilsaaran tahay. Waxaana leeyahaya adiga iska bilow oo si rasmiya xafiiskaaga usoo rar si aad tusaale ugu noqoto kuwa kale. Arrinta canshuur dhimistana waa ra’ayi aan soo dhawyenayo maxaa yeellay mushtamaca soomaalidu waa dad dhanka ganacsiga ku fiican markaa fursad aan ganacsi iyo shaqa badan ku abuurno ayay noo noqon lahay.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  4. Khadija says:

    Waxan Erik Ullehang leeyahay haddii la rabo in la abuuro is dhexgal bulsho waa iney kommunaduna mas’uuliyadooda qaataan oo habka ay dadka u degaameynayaan ee soo galootiga meela gaara loo dejinaayana wax laga beddelo oo si isku dhaf ah dadka loo dejiyo xaafadaha, haddii kale waa jug jug meeshaadi joog.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  5. sahro ali says:

    ASCdhamaan waan idin salaamay runtii wasiirka waan soo dhawaynaynaa aad iyo aad waana fikr fcn oo aad iyo aad loo bahanyahay tankale waxaan layaa banahay su aal dhowr maalin lees waydiinaayay oo ila iyo hada sas wayay qof dhahday aysan jirin
    dadka lagu xujaynaayo 2 sano ma isla noolaydeen marunbaa horay 2 sano ma isla noolaydeen ladhahaayo ee ladiiday maxay tahay arinkaa xaqiiqda warkan jimcaale iyo inta wax garadka ah ha inooga warceliyeen waad madsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. fatimaa says:

    farxiya fikirkaada dhiibo nin fikirkiisa haku mashquulin
    hadana gaaælaas inaad ninka soomali aga hiiliso baad rabtaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. ayaan basey says:

    Asc jumacaale iyo inta ku xiran shabakada somaliska, walalyaal haldhibaato ayaa i heysato dhibkaasi oo ah ninkeyga iyo canugeyga oo aan wada dhalnay först ninkeyga iyo cunuga waxey mareen DNA kadibna aniga ayaa marey DNAga kadib waxey isoo siyeen jawaab oo ah DNAga waa sax waad wada dhasheen cunuga laakin adiga iyo ninkaaga mawada nooleen 2 sano oo go’ah, marka aniga iyo ninkeyga waxaan wada nooleen sano iyo 10 bil marka waxey igu yiraahdeen maadaama aad wada nooleedeen in kayar 2 sano xaq waxaad u leedahay inaan kusoo qaadno cunugaaga, laaakin aabaha wax badan Ma isla joogina labadiina waloo aaad wada dhasheen cunugaaan marka laga yaabo inaad dib u furtid dacwad markuu cunuga kuu yimaado midaasi waan ka diidey Handlagerkeyga marka jawaab iga siiya walaalyaal hadey jirto wax ila qabo dhibaatadaan oo ila soo gudboonaaatay, jawaab wacan jumcaale iyo inta ku xiran shabakada somaliska wa bilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1