Wasiirka socdaalka oo booqasho ku tagay Rinkeby [Video]

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa shalay booqasho ku tagay xaafada Rinkeby halkaasoo uu wareysi ku siiyay telefishinka TV4. Wasiirka oo wax laga way’diiyay siyaasada dowlada ee ku aadan magangalyo doonka soo badanaya ayuu sheegay in Sweden ay tahay wadan furfuran oo dadka qaabilaya. Waxa uu sheegay in dadka soo badanaya ay ka imaanayaan Siiriya, Afghanistan iyo Somalia.

Wasiirka ayaa dhowr jeer u ku celceliyay sida uusan ugu qanacsanayn tiradada dadka soo galootiga ah ee imaanaya Sweden marka loo barbar dhigo kuwa iska dhiiba wadamada kale ee Yurub. Wasiirka ayaa sheegay in wadamada kale ee Yurub aysan masuuliyada la qeybsan Sweden. Taasoo uu sheegay in ay xoog leh isugu dayayaan in masuuliyada la qeybsado.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dadka soo galootiga ah ee Sweden yimaada ay helaan fursado wanaagsan, isagoo sheegay in siyaasada isdhexgalka ee Sweden ay tahay mid shaqaynaysa.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii wax laga waydiiyay in uu ogolyahay in magangalyo doonku ay codsigooda ka xaraystaan safaaradaha Sweden ee dibada, isagoo  sheegay in uusan arkin wado cad oo lagu samayn karo taas isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo la samayn karo. Dowlada ayaa isku qilaafsan arintaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Abubakr says:

    DOORASHAA SOO DHOW MIYAA QOXOOTIGA SHARCIGA WEYN HESTAAN HANOO CODEEYAAN AYAAN U ARKAA WAX KALE MA AHAN, HADII WAQTI KALE AMA MEEL KALE LAGU WEYDIINLAHAA WAXA LA WEYDIIYAY SI KALE OO KA GEDISAN WAXA HADA UU SHEEGAY AYUU SHEEGI LAHAA, WAKE UP PEOPLE. THIS IS POLITICAL.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. 2sano says:

    ASC JIMCAALE SXB WAAD MAHADSAN TAHAY MAALIN DHAWAYD WASIIRKAN SOCDAALKA TOBIAS AYAA EMAIL U DIRAY AAN KAGA HADLAYO XAALADA SOOMALAIDA IYO DHIBAATADA MIGRATIONKU DADKA SOOMALIDA KU HAYO EE AH CADAYN MA HAYSATASAAN IYO 2SANO MAYDAAN SOO WADA NOOLAYN. QORAAL AAD U QIIRO BADAN WUU II SOO JAWAABAY WUXUUNA DHAHAY AAD BAAN UGA XUMAHAY XAALADA AAD KA SOO HADASHAY LAAKIIN WAXBA KAMA QABAN KARO AAD BAAN UGA YAABAY MAADAMA WASIIRKII SOCDAALKU SIDAA IIGU SOO JAWAABAY SOBOBTANA WUXUU UGA DHIGAY WUXUU DHAHAY HAAYADNA HAAYAD HAWLAHEEDA MA FARO GALISO MARKAA MA WASIIRKALE OO SOCDAAL AH BAA JIRA EMAIL KALE AYAAN UGU JAWAABAY FURSAD MA ISIIN KARTAA AYAAN DHAHAY AAN ADIGA IYO CIDA MIGRATIONKA XUKUNTA AAN KULA HADLO WUXUU IGU SOO JAWAABAY WAAN KA FIKIRI CODSIGAAGA WALI IIMA SOO JAWAABIN .LAAKIIN NINKA ISAGABA QOF ISKA CUNSIRI AH HADALKIISA IYO DHAQANKIISA MARAR BADANA WAAN DAAWADAY WARASIYO UU BIXIYEY MARKAA ANIGU MA CODAYN KARO LAAKIIN SOOMALIDA MUDADA JOOGTAY EE CODAYN KARA WAXN LEE YAHAY HADAAD CODAYNYSAAN NINKAN IYO XISBIGIISA HA U CODAYNINA.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  3. faarax says:

    Wasiirka sharciga migrationka ayuu badali karaa laakiin shaqo kuma laho migrationsverketka inuu amar siiyo mise hawshooda faro geliyo….

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  4. shukri ciise says:

    wajigiisaba necbahay kan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. sadaam says:

    hadal xumaa swedish ka uuuuuffffffffffffff

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. Cabdiraxman run jecel says:

    Asc all war dadki negativka mahayo maxa ku dhacay miye cabsanayan.war jimcalow dadka u so fikir oo gafaraxsi.anu uku dambeyo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Cabdiraxman run jecel says:

    Dadka didmada haysto niyadina kheyr u sheka ilahayba ini kenay ilahayba ini joka ini maqaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  8. Saadaq says:

    Asc walayaaal wa idin salaamay salaan kadib Waxaan rabay Aqyaarta inaan Waydiyo Aniga waxaan haystaa diidmadii labaad e maxkamada anigane waxaan ahay saxafi ka so shaqeeyay moqdisho cadeemanka inaan saxafi ahay cadenayo maxkamada wan la tagay maxkamadiina waxay igu jawaabtay saxafi nimadaada wan aqoonsanay lkin somalia wa ku noolan kartaa abiiilka sedaxaad ayaaan xarestay marka abiilka sedaxaad maxaa ka so bixi karo hadii ay i aqoonsadeen saxafi nimadeeeda wa mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. khadiijo says:

    asc jicaaale waxaan ku weeydiinaa dadka kasoo furtay dibada dacwada waxaa lagu xujeeyay ma aqoon sanin baasaboorka soomaaliya ee hadii xataa ay aqoonsadeen doowlada soomaaliya wali ma baasaboorka soo maaliya sidi muu aqoonsi la aan uyahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0