Waxa uu jeclaaday gabdha ka dibna waxa uu dilay aabaheed, hooyadana waa ku xiktay

Wiil 18-sano jir ah oo la aaminsanayahay in uu ka qeyb qaatay dilka oday waayeel ah oo 68-sano jir ah ayaa la sheegay in uu doonayay in uu guursado gabadha uu dhalay ninka la dilay. Wiilkaan oo u dashay Afghanistan ayaa wargeyska Expressen uu qoray in isaga iyo haweeneyda oo 41-sano jir ah ay qorshaynayeen in ay is-guursadaan si uu u helo sharciga Sweden.

Haweeneydaan oo leh shirkad caawisa caruurta aan la wehlin, ayaa la sheegay in ay wiilkaan saaxiib la noqotay si ay ugu caawiso in uu sharci Sweden ka helo balse hadda ayaa waxaa la qaarajiyay aabaheed oo waayeel ah, iyagoo doonayay in ay sidoo kale dilaan hooyadeed. Sababta ay wiilashaan u dileen odayga waayeelka ah ayaan wali cadeyn.

Haweeneydaan ayaa u muuqata mid jecel caruurta qaxootiga ah, iyadoo horay loogu eedeeyay in ay u galmootay labo wiil oo soo galooti ah oo caruur ah balse booliska ayaa go’aansaday in aysan dambi ku soo oogin haweeneydaan.

Wiilashaan lagu eedeeyay in ay dileen odayga, ayaa sidoo kale la sheegay in ay doonayeen in ay qaarajiyaan hooyada haweeneydaan saaxiibka la ahayd wiilka reer Afghanistan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. waryaa says:

    Koow haye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Bile says:

    Waba sheko igu cusub sidana majirta

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. luul says:

    asc
    warkaan aniga waxaan u arkaa in uusan dhameystirneyn

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Alasow says:

    Wax kale oo lasoo sheeko maa lawaayay webka somaliska aan war kasoo raadinaye marne naag qamri cabtay marne nin afganistan sheekadaas maa noo keentay jimcaale xiisa malahan webkaga isaga tag mesha sxb iskana kansal webkaan anaga waqtiga hanaga lumin adne ha iska lumin sxb

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  5. Abdiraxmaan says:

    Waad mahadsantahay jimcaale
    Waa sheeko yaab leh.anigu wiilashaan yaryar ee.sweden.ku soo.qulquli
    Horaan ayaan layaabanaa oon islahaa war wiilasha meesha ma xalwaa u taala.
    Way isu.sheegeen in isku dhuuq yaalo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Miskiinka buruuj says:

    sheekada wiil 18 jk jir ah bay mareysee goormay usu bedeshey wiilal!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0