Wiil doonaya in uu iska celiyo dhalashada Sweden, maxaa ku kalifay?

Iyadoo aan wada ognahay dhibaatada loo maro qaadashada dhalashada Sweden iyo mudada dheer ee la sugo, ayay cajiib tahay in qof dhibkaas u soo maray uu ku dhawaaqo in uu iska celinayo baasaboorka. Sidaa waxaa hadda ka dhawaajiyay wiil lagu magacaabo Kevin Pedral oo ka soo jeeda wadanka Kongo.

Kevin oo Sweden soo galay 1998 ayaa sheegay in uu sameeyay dadaalka kasta oo uu kaga midnoqon karo bulshada Sweden. Waxa uu dhameeyay iskuulka, oo waxa uu shaqooyin badan ka raadsaday shirkadaha. Waxa uu sheegay in markasta uu shaqo raadsado la siiyo shaqooyin hoose oo micno daro ah , iyadoo dhowr bilood ka dibna loo sheegay in uusan si fiican ula qabsan shaqada oo la fasaxo, halka dhalinyarada cadaanka ah oo isku mar soo galeen shaqada la siiyo shaqo rasmi ah isla markaana mushaarkooda uu labo jibaar ka badan yahay kiisa.

Kevin ayaa wargeyska Expressen ku qoray in ka dib markii uu qiimeeyay xaalada Sweden in uu dareemay halka ay la egtahay cunsuriyada ka dhanka ah dadka madoow (Afrofobi) taasoo uu sheegay hadda darteed in uu ka fikarayo in uu iska celiyo baasaboorka Sweden oo dib u dalbado midkii Kongo.

Waxa uu intaasi ku daray in haddii aad dhaliisho Sweden laguu sheegayo in aad tahay jisaar madoow oo xanaaqsan.

Sidee kula tahay fikrada wiilkaan? Cunsuriyada darteed ma isaga celin lahayd baasaboorka oo aad muddo dheer sugaysay? Ku darso fikradaada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. Abdulkadir says:

    Passport waxba maahan maxa looga dhigaya inu qalad galay asaga go , aansaday sweden jaceyl looma imaan shaqo ayuu u yimid hadu kawaayeyna wu isaga tagaaya somahan?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 28 Thumb down 1

  2. Shiine says:

    Inta badan way dhacdaa arinkaas oo Sweden maaha dad aad u furfuran ama ufiican dadka madow saas darteen wuuku saxanyahay waana nin African nimadisa ku qanacsan Wana u celinlaha aniguba

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 1

  3. Omar says:

    Wan KU racsanahay MAxa Yelay ninka Ragga Ah adunka marka jooga markan diinta iyo wajebadkeda kale ka soo baxno waxow soncad iyo sharaf ku leyahay inow xoogiisa maasho waxow isaga u soo dhididay cuno HAdow intaas ka waayo ma passaborka ayaa sharaf u naqan laha jawabta waa maaya marka ogow qofwalbow dhorkaas waraqo iyo garbadka loo sameyaay kuma ah sharaf sharaf waa xoogaga iyo wadankaga African Dhab ah oo ku qanacsan African nimadiisa waaye xusuusnow wax walbo aad sameyso wadaniyadada kuma badalanto

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 4

    • Omar says:

      Wan KU racsanahay MAxa Yelay ninka Ragga Ah adunka marka jooga markan diinta iyo wajebadkeda kale ka soo baxno waxow soncad iyo sharaf ku leyahay inow xoogiisa maasho waxow isaga u soo dhididay cuno HAdow intaas ka waayo ma passaborka ayaa sharaf u naqan laha jawabta waa maaya marka ogow qofwalbow dhorkaas waraqo iyo garbadka loo sameyaay kuma ah sharaf sharaf waa xoogaga iyo wadankaga African Dhab ah oo ku qanacsan African nimadiisa waaye xusuusnow wax walbo aad sameyso wadaniyadada kuma badalanto

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  4. Hanad says:

    Hadaan soo bandhigo aragtideyda, wiilkan ka cabanaayo in la gacan bidixeeyay, way dhici kartaa qof ama laba qof ama ka badan ay sameeyaa arintaan uusheegay, laakiin sharciga udegsan dalka ee heshiiska lagu yahay in sidaas lasameeyo waa dambi, waxa uu kacabanaayo hadaan fiirino shaqo loodiiday ma aheed, waa in uushaqo joogto ah helo taasna dadka ayuu ula simanyahay, tankale mushaar yari ayuu kacabanayaa ee mushaar la,aan ma ahan taasna waxay ku xirantahay sida aad ula heshiisid iyo aqoontaada, masuuliyada aad qaaday iyo mushaarkaada way islahaanayaan. Hadaan u soo laabto xaqa muwaadinka iswiidishka ah ma ahan baasaboorka oo kaliya , xuquuq badan ayaa jirta oo ay kamid tahay in uu dacwoon karo , in uu siyaasada iyo sharciga uu aratidiisa ku biirin karo haduu wadadeedii maro, haduu jiro sharci si gaar ah u quseeya dadka madowga ah, kaas ayaa xiiso leh in laga hadlo waaba haduu jiro. Wiilkaan carooday haduu soo celiyo dhalashada dalka waxa uu luminyaa xuquuq badan oo weli lagayaabo qaarkood in uu isaga kasoo shaqeeyay in uu yeesho. Ugu dambayn in lakala saaro faldambiyeedka xuquuqda muwaadin uu qof yeelan karo.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 4

  5. Adam says:

    Mr Kevin ha iskudeyo inuu cunsurnimada ladagaalo ee mahan inuu kacararo waxaan ulajeeda dulqaad iyo samar dhan kasta halayimaado , kadibna baraha bulshada yuu kadaalin inuu dareenkiisa kamuujiyo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  6. Sayid says:

    Waraabihii arkay daanyeerka dabada cas. Waxa uu yiri, :- “Ragna hilibka orod iyo ayaanba way ku waayeen ragna dabada ayaabu saar-saartay.
    Mr Kidhaadhu waxaan dhihi lahaa sxp kartoonkaaga iska hayso wixii Alle kuugu darana arag.
    ha u caroon waqtiga iyo waxaad calaf ku weeydo.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 3

  7. dhug says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

  8. Faarax says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  9. Anwar says:

    Asxaabey kanada ayaan rabaa inaan iska dhiibo oo aan isaga tago wadankaan 10 sano ayaan joga 4 sano kaliya ayaan shaqeeyay bal yaa warbixin iga siin kara USA ama kanada sida aan ugu guuri karo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  10. bashir says:

    sxb waa ku raacsanahay dad aan aqoon xisaab lahayn ayaa loo dhiibaa meelaha qasnada lacagta taalo waayo waa wadan musuqmaasuq sida soomaaliya oo kale aniga waxaan dhihi lahaa sxb waxba kongo haku laaban ee USA iska aad meeshaas ay taalaa shaqo noocaa rabto oona lagaa baqiilayn

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. nimco says:

    ASC salaan kaib walaal waxay ila tahay wiilkaas in uu qaatay go,aan waxaana muhim ah in u qofka go,aan leeyahay, hadduu uu la kulmay cunsiyada heerkaas ah wlhi waxaan dhihi karaa go aan fcn ayuu qaatay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. mohamed Nuur says:

    Qof welbo hadaf ayuu leyahy hadafkii u,lahaa hadiii u,ka,waayey macquul sababta u, u cilinayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Ali says:

    Waa sheeko cid ku dhagan ma leh.pasaport hadii uu hayso NO .Calaacal.aniga 23 joogay ,hadana UK joogaa Sweden a waa jeclahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Hejman says:

    Asc
    Walaalayaal aniga kuma raacsani go, aan uu qatay wiilka. Sababta oo ah waxaan arkay madow badan ama dad badan oo wadanka dibadiisa ka soo jeeda oo shaqooyin joogta ah iyo weliba minshaar fican haysta.
    Saas awgeed wiilka waxaan kula talin lahaa inta aadan sharciga iska celinin baritaan fcn ku samee dhinaca ay wax ka qaldan yihiin.

    /waad wada mahadsantihiin!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. haanim says:

    Haa aniga xitaa midaas waan dareemay waxana jeclahay in aan ku laabto somaliya oo iska celiyo waan ku wareeray sweden waa wadan cunsuri ah oo is qarinaayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  16. Mohammed Ahmed says:

    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته. Bacda Salaam, I Agree with him, Waa Xaqiiqa Jirtaa Wiil Somaliand Ka Yimid Ayaa Sidaas Oo Kale Sharciga Ugu Celiyay Kuna Laabtay Waxankiisii, Balse Tiisu Waxay Kaga Duwanayd Isagu Diintiisa & Dhaqankiisa Ayuu La Baxsaday. S

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  17. faay says:

    waa qof damiir leh qofku markuu qof damiirleh yahay wuu go,aan adagyahay mana kufikiro baasaboor xun meel maskaxda loogaga dilayana masii joogo waa iska celin lahaa shaqsi ahaan meel aan xaquuq kalahayn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. nuurtomacalin12 @hotmail. com says:

    Wiilkan waa intuu iskaga baxo Sweden si uu uga reysto cusurnimadda pass ha celiyo 😊👌👍👏

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. hadda ayaa cunsuriyad leygu haayaa muddo 9 bilood lacag leyma sinin aniga familkeyga oo ka kooban 7qof waxaan bishii november sanadkii lasoo dhaafay isku qeylinay naagta iisoo dirto lacagta ceyrta oo markaasna shaqadeeda ay ku ekeyd sii joogitaanka komunka Boxholm.waxaa lagu bedelay gabadh kale oo ii noqotay handlägare kadibna ay igula dhaqantay in aan imaan karin socialka talfoona an diri karin warqad mooyee muddo sagaal bil ayaan lacag la.aan ahay waan dawooday maxkamad sugayaa in ay xaquuqda 9bilood ay iisoo dhiciso ma.idiinla tahay in aan helaayo iyo in kale haddii aan helin maxaa dhici kara in aan gaajo u geeriyoono ama aan galno kronefogden yaa ka m as uul ah miyaanan arintaan ku habooneyn in aad iskaga celiso dhalashadooda waxaad kasoo carartay dagaal waxaad soo doonatay gaajo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. maaidah says:

    asc dadoow horta qofkii wadan kiisa gurikuleh oo uunabad uyahay heeska celiyo passaboorka ee qofkii horaantiiba lasoodhacay oobeertiisii laqaatay iyo hantidiisi xaguu unoqon balkawarama taas anigaruntii waxa joogaa swedan sagaalsano halsano bis ayan shaqeyay ooweliba aan anugu raadsaday kidibna ceyr ayaan qaataa hade waan islahadlaa oowaxan iraahdaa xagee kunoqon wadankii xaladiisa mafiicnee eeaniga xitaa habeen kumaanhoydeen iswdan waan isaga tegi lahaa walaahi passaboor waxba maahee umada illaaheey alaha umaciino wiilka dhahaayo waancelinaa wuuxanaaqikaraa wayoo wuxuleyahay wadan dhowlad iyo kaladanbeenkajirtaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Ahmed Ibrahim Hassan says:

    Aniga hadi an qofkan ahan laha wan iska samir lahaa sababtoo ah dhiqadaan isagaa markii horeba ul ku garaacey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. adam says:

    aniga hada kahor waxaan iska dhiibay sweeden 2mar waxaan weeydiistay ookaliya inan sweden nabadku joogo ma anan weeydiisay inan sweden kamidnoqdo lakiin joogis iyo kunoolaansho waanrabay sababtoo ah wadankeyga qalalaaso dagaal iyo nolosha noolaha oo aad u adkeed nasiib xumo joogis iyo kunoolaansho swden dhaxdeeda kama aanan helin kamid noqoshana iskabadaa ,aniga ahaanteeyda wax dhaliil ah uma soojeedin umana heynin maadama anan aheyn qof wadanka xaqkuleh macnaheygu dadka dhaladka ah swedenka ama yurubka ah waxaan ahaa nin wadanleh dadna leh lakin xaga alle amaandaro nagugu dhacday hadii sweden wadankooda aan daganansho kujoogi wayay waxaan yaqiinsaday in aduunka kabadan yahay sweeden waxaan isku dayay inaan xogta europe iyo qaabka dadka ajanabiga ah kusoodhaweeyaan inaan ogaado kahor inta anan daganaansho anaan weeydiisan wadan kamida yurub waxaan ogaaday in sweden ugubin aadnimo fiicantahay xiligaan isla swedena alle in uu waxkaaga sooqaado mooyaane in nasiibkeeygu uusan aheeyn inaaa joogo wadankaan sweden waxaan goaan saday inaa iskagatagoo europ alle wuu iigu guuleeyay waxaan imid mareykan xaquuq bin aadnimo waxanka helay waxaakaloo siidheer inaa warshad kashaqeeyo 500. qof galinka hore wada shaqeeynaa waxeeyka sookala jeedan aduunka oodhan waana kala diimo kala midab waana iskuwada xaquuq migrationka aa kusodagay waxuu iisheegay inaan 3sano kadib ruuxmareykan aan noqonaayo kahorna aan xaquuqda dadka wadanka kudhashay aanla mid ahay mida europ hadaan usoonoqdo yurub wajigeeda iyo qalbigeeda ismalahan wajifuran ayeey kugusoodhaweeynayan lakiin qalbigooda mafurna macnahooda mahan hadii lagusoodhaweeeyo inaad ayaka kamid tahay waa oo kaliya marti in aad utahay martina maalin waakaatagee ayeey aaminsanyihiin waxaan dhihilaahaa bulshada magangalya doonka ah ama daganansho doonka ah niyadiina ha ahaato kumeelgaar in loolajoogo reer sweden ama yurub dhamaan hadii dheeraadkaagu uuyahay wadan aadla haato ama aad dadkiisa kamidnoqoto waxaad iska dhiibtaan wadamada aaan gaarka loolaheeyn ama halqoomiyad eeysanlaheeyn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0