Wiil Soomaali ah oo gabari jacayl dartiis u dishay

Cabdiwali Ugaas oo ah wiil Soomaali ah kuna noolaa magaalo lagu magacaabo
East London oo ku taal wadanka koonfur afrika ayaa gabar South African ahi midi ku dishay ka dib markay jacayl ba’an oo in mudo ah soo jiitamayey u qaaday.

Gabadhan gacan-ku-dhiiglaha ah ayaa la sheegay in ilaa 2009 ay isku
dayeysay sidii ay wiilka soomaaliga ah oga dhaadhicin lahayd in uu nolol la
wadaago. Laakiin wiilkan oo sida la sheegay aan si wanaagsan English-ka ugu
hadli jirin ayaa gabadha shardi oga dhigay in ay muslimto, sida gabdhaha
soomaalidana u labisato hadii ay doonayso in uu jacaylkeeda wax kala
qabto. Wadatashi ay waalidiinteed la yeelatay muhiimadiisuna ahayd sidii ay
waalidiinteed ugu qancin lahayd in ay muslimto si ay wiilkan soomaaliyeed
nolol ula wadaagto ayaa la sheegay in uu fashil ku dhamaaday. Ka dib markii
walidiinteed ganafka ku dhufteen qorshahii gabadhooda, taas oo keentay in ay
wiilkii caro kala dul dhacdo oo ay mido galiso.

Koox wariyeyaal soomaaliyeed ah oo gabadhan u booqday si ay dhacdadaan
faah-faahin dheeraad ah oga helaan ayey ka gaabsatay in ay waraysi
siiso.Hayashee waraysi ay siisay qaar ka mid ah raga wararka fidiya oo ka
socday warbaahinta S.africa ayay ku qiratay in ay wiilkan dishay ka gadaal
markii uu ka dhaga adaygay wax ka qabashada dareenkeeda jacayl. Sida ay
qortay wakaalada wararka ee SAPA maxkamadaynta gabadhan ayaa arbacada
ka dhaci doonta magaalada East London.

Waa shilkii labaad oo noociisa ah oo ka dhaca S.africa wiil soomaali ahna
naftiisa ku waayo inta la ogyahay.

Soomaalida South africa dagan ayaan guursan gabdhaha S.african ka ah
waxaana marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareeraya tirada gabdhaha
South african ka ah oo danaynaya haasaawaha wiilasha soomaalida ah, taas oo
sababta ugu weyn ay tahay gabdhaha S.african ka ah oo doonaya in ay helaan
ilmo madow ah oo timo jilicsan iyo muuqaal soo jiidasho leh.

Saciid Cabdi Csuman

Somaliska.com

Uppsala

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. SAMKA NUURA says:

    ASC INAALILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN WAA WAX AAAD IYO AAD LOOGA NAXO ARINTAANI WAXAAN ALLAAH UGA BARYAYAA INUU U NAXARIISTO EHELADII IYO QARAABADII UU KA GEERIYOODEYNA SAMIR IYO IIMAAN SAADIQA KASIIYO AAAAAAMIIIIIINA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. mustafa says:

    asc wr wbr akhyaarta dhamaan,salaan kadib marka hore alaha u naxariisto marxuumka gacan ka gardaran baa dishay.su’aasha aan qabo anu waxa ay tahay soomaalidu guud ahaan ma aaminsan yihiin wax jacayl la yiraahdo ama lamaanaha soomaalida ah ee isqaba jacaylkan la sheegay ma ka dhex jiraa. anu waxa aan qabaa in soomaalidu wax jacayl la yiraahdo aynan shaqo ku lahayn taana waxa daliil u ah marka aad eegto nolosha qoysaska soomaalida oon habayaraatee odhaahdani qaamuuskoodu ku jirin. waxa aad arkaysaa ragii oo meesha uu taga ba naag ku guursanaya,taa waxa ba kasii daran marka uu 5 ama 6 ka dhalo furayaba haduu haduu doono. dumarkana sida iyo si le’eeg ‘waxa laga yaabaa iyada oo xaas ah inay tiraahdo la imaqo. markaa dhibaatadani waxa ay keentay in guurkii qiima beelo,guur aan qiimo lahayne jacayl malaha sabab too ah jacaylku ba waxa uu yimaadaa sida alaah (SW) guurka kadib. caalamka lagama arag gabadh yar oo 15-16 jir oo garoob ah laakiin soomaalida dhexdeeda dhaqan bay ka noqotay. kolkaa ani waxa ay ila tahay jacaylka aan sheegano hadii aan soomaali nahay waa afka baarkii, ee xisaabteena dib han uugu noqono wixii inaga qaldana han saxno,sabab too ah nolosheenii oo dhan baa noqotay mid maslaxadi ku xidhan tahay.lamaanaha isjecel oo kuwa kaliya ee ku nool nolol raaxo leh laakiinse runta marka la sheego soomaalida dhexdeeda way ku yar yihiin lamaane jacaylka eebe quraankiisa kusheegay isku qaba.

    wsc,wa bilaahi tawfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  3. disowboy says:

    asc marka hore wiilka ilaahay hau naxriisto, tan labaad sida ay iila tahay jacayl uma asan dilin ee waalidiinteeda ayaa kadambeeya sababtuna waa wiilka oo ku xujeeyey gabadho iney islaamto sidaa darteed ayey ugula taliyeen gabadhooda wiilkaas diinta faafinaya iney usoo gaabiso laakin waa ahlu janno insha allaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. massago says:

    Qofti jaceel dartiis u dhinto toloow shahiid mala dhihi karaaaa?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. gacal says:

    sc all sln k db alla ha u naxaristo inta dhimatay o u ka midyahay wiilkan waxayna ka mid tahay dhibaatooyinka bulshada ka dhex dhaca layaab maleh.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. malaak shariif says:

    asc marka hore alaha u naxariisto marxuumka ehelkiisana samir iyo iimaan alaha ka siiyo tan kale walaal mustafe waa sidaad sheegtay soomaalidu wey u badan yihiin iney isku maslaxeystaan xataa hadeey noqoto ninka iyo naagta is qaba badanaana wax jaceyl la yiraahdo qaamuuskooda kuma jiro laakiin soomaaliyoo dhan ma’ahan ee waa jiraa dad qiimeeyo jaceylka aniga ahaanteey nolol aan jaceyl ku jirin iima dhadhameyso ninkeygana indhaheygaan ka jeclahay mana laga yaabo inaan qof kale ku dhaho la ima qabo isagana sidoo kale ayuu xaqeyga u dhowraa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. Aadan deeq says:

    Marka hore allaha u naxaristo marxumka samarna allaha ka siiyo cidi uu ka baxay koley wax ka wanagsan oo la dhihi lahay ma jirto soo islaam qof gaal ah hadey ku jeclato lkn aniga mida iga yabisay waxey tahay south African ka jaceyl iyo naceyba mana dilayaan oo kaliya? Somali hadanahay cadawgena kowad ogada waa south african

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. muse says:

    mustafa raali noqo somalidu waa dad fiican oo jacaylka yaqaan oo dhaqan suuban ha isku dayin in aad somali meel ooga dhacdo.
    jacaylku waa wax jira qofkasta oo somali ahna waa ogyahay waana yaqaan.
    somaliduna waa umadaha aduunka kunoolkuwa oogu fiican walaahi.
    bishii Ramadan ee dhawayd ayaan meel school ah waxaan ku kulanay 45 qof dad gaaraya somalida mooyee intii kale waa afurnaayeen markaas ayaan ogaaday in somalidu aad ufiicanyihiin.somlaidu waa diiqsiyo waa baariyo waaridka uroon waa bulsho furan oo dhaqan fiican fiiri carabta haweenkoodu waa qawanyihiin somalida ayaa dhaanta walaahi.marka somali iidaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. abdiqani says:

    inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun alaha unaxariisto waa arin layaab leh arintaas hadii uu udhintay inuu yiri waa inaa diinta muslimka ah soogashaa darteed gacan kagardaran ayaa dishay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. nasra says:

    timo jilicsan oo soo jiidasholeh ku lahaaa… anagiiii baa dhagax taagane maxay naga rabaan,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. dr, c.naasir cade says:

    alaa yaraxma inaa lilaah wa allaa inaa ileehi raajicuun? wxn leeyahay kuwii biritishka ayaaba boos ula, nahay kuwii afrikaanta sidee yeel naa xaarka miyee naga dhaqaan no.lacag la,aan xitaa kuma rabno jclka hdii ee jclk daacat ka yihiin miyee ayaga isdilaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. maxamed says:

    waa layaab arinta soomli loo gu dilo jaceyl dartiis aniga waxaan qawaa qufka ku jeclaado m a xuma laakiin hadeey daacad tahay dil ma yeemaado xitaa ha doo ku diido

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1