Wiilkii Soomaaliga ah ee Mölndal ku dilay gabadha oo la sheegay in uu qaangaar yahay

Wiilkii Soomaaliga ah ee gabadha ku dilay magaalada Mölndal ee duleedka Göteborg bilowga bishii Janaayo ayaa baaritaan dheeri ah oo ay samaysay laanta Socdaalka lagu sheegay in uu yahay qaangaar 18-sano jir ah. Wiilkaan ayaa markii uu dilka geystay da’iida lagu sheegay in uu yahay 15-sano jir taasoo muhiimad weyn u leh cinqaabka uu mudan karo.

Laanta Socdaalka (Migrationsverket) oo wareysi ka qaaday wiilkaan ayaa hadda ku sheegtay in da’diisa tahay 18-sano jir. Go’aankaan ayaa ku salaysan su’aalo la weydiiyay wiilka balse kuma salaysna baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay.

Dambi oogaha qaabilsan kiiska wiilkaan oo lagu magacaabo Linda Wiking ayaa sheegtay in isbedalka lagu sameeyay da’da wiilkaan ay muhiimad u leedahay kiiska ka dhanka ah. Hadda ayaa waxaa loo maxkamadeyn doonaa sida qof weyn oo aan loola dhaqmi doonin in uu caruur yahay.

Sidoo kale Laanta Socdaalka ayaa diidmo siisay wiilkaan ku aadan magangalyadii uu dalbaday.

Wiilkaan ayaa middi ku dilay gabar u dhalatay wadanka Lebanon oo ka mid ahayd shaqaalaha guriga uu ku noolaa.

Dilka uu geystay wiilkaan ayaa argagax weyn ku dhaliyay Swedishka, iyadoo markii hore la sheegay in madaxa looga jiro balse dambi oogaha ayaa sheegtay in ay wali baaritaan ku hayaan wiilkaan oo aysan sheegi karin in uu xanuunsanyahay iyo in kale.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Kaw says:

    Sowlama dhihi karo da da waxaa laagu kordhiyey si loo naxkamadeeyo oo sidi qof wayn loola dhaqmo maadaama qofku haduu under age yahay ama aanu myndig ahayn xukunkusu kala duwanyahay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 6

  2. Miskiinka alburuuj dheregdoon says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 8

  3. Jiijo says:

    Cadaalad daro waa tan halkan na keentay. Qiil ha u raadinina . Danbigiisa halagu qaado. Hadii uu danbi lahayna waa lasii deynaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  4. Somali wayn says:

    Hala xero hadii dil lagu xukumo ayaa ka soo fiicneed maxaa yeeley Somali waaye hadii meel somaliya kamid joogi lhaa shaati qabiil ayaa lugu difaaci lahaa Allah mahdiis cadaalada haqabto dil halagu xukumo

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 7

  5. Naser says:

    Garsoor iyo kala danbayn ayaa ka jirta Sverige. Hadii oo dilay gabadhaas waa lagu qaadaa waxi xeerkka dalka uga yaal. Hadii oosan galinne waa lasii daynayaa.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  6. Kabtan matii says:

    Sverige haguuleysato

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  7. hello somalida says:

    ruux qof dilay oo dil geystay ayay dadka qaar u naxayaan yaab, dhagar qabe akhirona ciqaab ifkana ciqaab waajibkiisa hala marsiiyo mastaafuris iyo xabsi daayin halagu rido dhagar qabaha.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1