Xildhibaan Waaberi oo lagu eedeeyay wax qabad la’aan

Xildhibaanka Soomaaliga ah ee ku jira baarlamaanka Sweden (Riksdagen) Abdirizak Waaberi ayaa lagu eedeeyay in uu iska ilaabay dadkii soo doortay. Dood ay qabatay idaacada Sweden ayaa mid ka mid ah ka qeyb galayaasha ku eedeeyay Waaberi in uusan waxba u qaban Soomaalida lagu dhibaateeyo Sweden.

Waaberi oo dhinaciisa ka jawaabay eedeymaha loo soo jeediyay ayaa soo tiriyay arimaha uu qabtay oo uu sheegay in uu xooga saaray ka qeyb galinta dhalinta ciidamada xooga dalka Sweden, arimaha shaqada iwm. Eeda loo jeediyay Waaberi ayaa ku saabsan in uusan ka hadlin cunsuriyada iyo magacxumada lagu sameeyo Soomaalida ee ay ku kacaan saxaafada Sweden iyo qaar ka mid ah dadka magaca ku leh wadanka.

Abdirizak Waaberi ayaa hada sheegay in uu bilaabayo booqasho uu ku tagayo magaalooyinka ay Soomaalidu degenyihiin sida Borlänge, Örebro iyo Växjö si uu u darso xaalada ay soomaalidu ku suganyihiin. Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu kala hadlo Soomaalida nolosha wadanka Sweden iyo sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen bulshada wadanka.

Waaberi ayaa ka gaabsaday la hadalka saxaafada mudooyinkii dambe, ka dib markii sanadkii 2010 ay la soo daristay fadeeexado ku saabsan hadalo uu horay uga yiri arimaha shareecada Islaamka iyo dhaqanka wadankaan. Hada ayuu u muuqdaa in uu ku soo laabanayo masraxa saxaafada isagoo isbuucii hore ka qeyb galay dood ku saabsanayd dhalinyarada Soomaalida oo doonaya in ay ka guuraan Sweden.

Abdirizak Waaberi ayaa laga soo doortay magaalada Göteborg sanadkii 2010 isagoo xisbiga Moderatka (M) ee talada wadanka haya ku matala baarlamaanka Sweden. Cunsuriyiinta ayaa ku eedeeya Waaberi in uu yahay xagjir Islaami ah.

Dhagayso…

Lyssna: Safarrada Waaberi iyo kullammada soomaalida

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. maxamed says:

    sxb jimcaale waxaan ku weydiin lahaa dadka aan wax isku dhalin kiiskooda in la furo ma laga yabaa waxaan maqley bisha december in parlamaanka ka doodo doono siddii laga yeli lahaa dadka aan iyagu wax isku dhalin marka adiga ayaa saxafi ah maxaa ka jira wararkaas ugaas

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. Gabadh Sool says:

    jimacaale su aasha mahamed ku waydiiyay noogasoo jawab wan u mahanahaye miyad maqashay arintas walal

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. wadani dhab ah says:

    ninka la dhaho Amir Adan yasoo doorta,yuusa u shaqeeya ma somalida misa somaliland ?? ninka hala weydiyo waxa uu u qabte somalida sweden?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. N A says:

    Asc Ku Wadani Dhab ah! Walaal” Amir Adan” ninka ladhaho ma Soomaalibaa, marka hore maxuu soomaliy, ama soomaaliland matalaa?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. abdiraxmaan says:

    kan xaguu ka yahay mudane parlmaan hadaad dhahdaan sweden waad igu iyaaraysaan oo xaqiiqa ah anigu waxaan ahay reer stockholm. mana aqaano kan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. fatimaa says:

    jaale waabari waxaan leeyahay xaqooqdeena noo raadi oo singal baan nahay nimankeena hanaloo keeno

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. Aden says:

    Midabkala soocu maahan wax uu nin joojin karo waxaa jiro laamo loga dacwoodo arintaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. masuuge says:

    aangarab istaagno xiildhiibanka miidnimada somaliya wa nimay ka goo an tahay mahaa kuwaa magaca somali kutagay oo hadana somaliland iyo pakhland sheegta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ahmed says:

    laakin ninkii somali wax u qabanaayo waa in uu ka fogaadaa qabayaalda sida somaliland iyo phuntalnd iyo jubbaland iyo muqdisho laand iyo kan aad lee dahahy somaliand ayuu u adegaa waa nin raadinaayo aqoonsi dowladeed marka waa wax laga yaabo in eey la dhaho saas samey somalia maxaa kaa galay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk marka somali ha noolaato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. aniso says:

    Xildhibaanka haduu boskas fadhiyo cayda aan tvka ka dhagaysan waaye oo intaas Somalida waxa aaysan aheen laga shegayo miyuu ka jawab waayeyy dadka kaloo qaxootig ah markii waxa laga sheego xildhibanadood meesh u fadhiyo tv so fadhisto oo sen raali galin bixiyaan wixii qaladka ka galay men jag undrara waxa u ugu doodi wayay bulshad somaliyeed oo xaq badan loga tumanaayo blus aflagaado waxaan dhihi lahaa aniga ahaan u istaag shacabkaag difacidood iyo waliba ku faan in aan somalia ka so jeedo sidaas hor mar ku gaaree aqiro iyo aduunba ha gaban sverige demokrati oo dalimiin ah ba saan arkay cod ugu doonaayaan in aay waxa ka sheegaa gabdha muslimadka oo xijabka qabo qaasatan somalida iyo aflagadadan argay i hoppa in aan politika galo iyag dartood mustaqbalka so socdo iyo waliba somalida in aan difaaco .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0